|
|
 |
|
|
|
(DANTA INAAD KU DAASHIYO XAQAAN KULA DULJOOGAAYE)
Asalaamu-Calaykum:
Nov-16-2007
Walaalayaal waxaad ogaataan in wadajirka khayrku ku
jiro. waxtarka aad Gobolkaaga u geysataayi waa khayr
aad fashay oo waligaa lagagu xasuusan doono . fadlan
bal inyar fikir adigoo sawiranaya awooda dadkeena oo
meel la iskugu geeyo inta mashruuc horumarineed ee
ay ka qaban lahayd dhismaha gobolka sharafta leh ee
Awdal.
Waxa laga yaabaa inaad laba shay is weydiisid oo ah:
1- waa ayo dadka hawshan wadaa ?
2- siday u fulinayaan hawshan ay sheegayaan maxaase
ka dhab ah?
Jawaabta labadan su'aalood mida hore hadaan ka
jawaabno iyagoo daacadnimo Ilaahay dartii ay naga
tahay dadka hawshan fulinayaa waa dad la soo xulay
100% hantidooda gaar ahaaneed u huray inay xilkan
dhismaha garoonka u xaytaan. waa dhalinyar ka
xaadhan qolo iyo siyaasad labadaba. Waa waxgrad
aqoon aduun iyo tu diinba leh . Waa Masuuliyiin
hamigoodu yahay inay dadka u horseedaan waxwada
qabsi kowsada.
Jawaabta labaad: Waxa loo fulinayaa sida ugu haboon
ee mashruuc loo fuliyo dhamaan xubnaha ururka Gurmad
gaar ahaan Maamulka Ururka Gurmad wuxuu idiin balan
qaadayaa in DOOLAR KASTA OO AAD KU TABARUCDAY UU
GALI DOONO MEESHII LOOGU TALO GALAY isagoo qoraal
ahna dadka la soo hordhigi doono .
Hadaba waxa la idinka filayaa inaad ku dayataan
boqolaalka walaalihiin ah ee kala degan aduunka
darifyadiisa ee ka damqaday bahdilaadii lagu
sameeyey ciyaartoyga Awdal ciyaarihii gobolada ee
somaliland oo ay muujiyeen ciyaar wanaag balse dadka
degan Hargeysa ee dariskeenu ay ugu badaleen dhagax
iyo nacayb ay shiid hadhka kaga dhigeen .

"NABARKA
GARDARADA AH EE LA SOO GAADHSIIYEY CIYAARTOYGA
AWDAL WAXA BOGSIIN KARA OO KALIYA IN LOO DHISO
GAROON BERI KA MAALIN MARTI LOOGU NOQON KARO"!!!!!
tani waa falsafada uu Ururka Gurmad aaminsan
yahay .
Hadaba ururka gurmad oo ah urur ay ku bahoobeen
qurbo jooga ree awdal ee aduunka kala degani wuxuu
idiin balan qaadayaa inuu dhiso garoon ay ku faanaan
ciyaartoyda Awdal ee ka qayb qaado taageeradaaduna
waa mid lagaa sugaayo sida ugu dhakhso badann
Hadii aad damqatey dareena kugu hadhay fadlan jeebka
gacanta gali MAANTA kuna dir qadarka aad awoodid
akoontada hoos ku qoran :
Qasnada dhexe ee Ururka Gurmad
Account Number:DO560
Dahabshiil Main Office
Borama- Awdal
Fiiro gaara : Fadlan soo dir magacaaga iyo qadarka
lacagta ee aad dirtey iyo wadanka aad degan tahay si
magacaaga loogu daro LIISKA TARIIKHIGA AH EE
LACAGTA BIXIYEY OO magacaantooda lagu xusi doono
laguna qori doono TAALO LAGA DHISI DOONO GAROONKA
HORTIISA.
magacaaga iyo meesha aad degan tahay iyo qadarka aad
bixisey ku soo dir emailka ah :
saylacnews@yahoo.com
Waad mahadsan tihiin.
|
- To Submit Information
Click
here--
|
|