| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Qurbojooga Somaliland ee Wadanka Sweden oo tageero lacag dhan $5000 oo ay in mudo ahba hayeen u diray Dadkii Roobabku xoolaha ka layeen Gobolka Salal ..may,06,2008
Sweden(Saylac.com) Warbixin maanta soo gaadhay saylac.com ayey qurbojooga somaliland ee degan wadanka Sweden waxay ku shegeen inay qadar lacag ah oo dhan $5000 shan kun oo doolar ay u direen sanduuqa gargaarka dadkii duufaanada ku tabaaloobay gobolka Awdal.

Qurbojooga Somaliland ee wadanka sweden oo ay horseed u yihiin bulshada degan Magaalada Linkoping ayaa shaaca ka qaaday inay lacagtan maanta dhigeen Dahabshil si ay u ugu daraan lacagta kale ee sanduuqa horey ugu jirtey si loogu iibiyo xoolihii dadkaa loogu balan qaaday.

Sidoo kale Jaaliyada somaliland ee iyaguna ku dhaqan magaalo madaxda dalka Sweden ayaa iyaguna ka qayb qaatey deeqda dadkaa walaalaheena ee dhibta roobabku u geysteen oo ilaa hadda waxtarka loo geystey uu kooban yahay.


Dhinaca kale dadka bixiyey deeqihii hore ayaa shabakada saylac.com iyagu si joogta ah usoo weydiiya su'aalo  ku saabsan sida loo maamulay lacagooyinkii hore balse arinkaasi uu yahay mid ay ka gaabiyeen gudigii loo xilsaaray inay dadka u soo bandhigaan siday deeqahaas u gaadhsiiyeen dadkii loogu tala galay, isla markaana ilaa hadda looga fadhiyo inay dadweynaha jecel inay dadkooda caawiyaan ayna niyad jabin ee ay soo bandhigaan xisaab cad oo muujinaysa siday wax u maamuleen .

Lacagta maanta ay direen Jaaliyada Somaliland ee Sweden ayaa iyadu in mudo ahba uu gacanta ku hayey masuul degan dalka sweden oo ka tirsan qubojooga reer Somaliland oo u dhashay gobolka Awdal. Lacagtan oo urrurinteeda la dhamays tiray mudo hore ayaa waxa ay in mudo ahba iska taalay wadanka sweden,

Hadaba si aanu dadka ugu cadayno sababta keentey inay lacagtani ka raagto lacagihii hore ayaa shabakada saylac.com oo alaaba ah shabakad u dhuundaloosha isku xidhka qurbojooga somaliland iyo mashaariicda soo wajaha siday iskaga kaashan lahaayeen ayaa waxay weydiisay xubno ka tirsan masuuliyiinta lacagta ururinayey sababta ay ilaa hada u haysteen lacagta . waxayna ugu jawaabeen ka dib markii shiki weyni soo wajahay mashruucan taageerada dadka loogu ururinayo inay raadsheen sida ugu haboon ee lacagtan loo gaadhsiin karo wadankii isla markaana ay la xidhiidheen qaar ka mida gudiga lacagta masuuliyadeeda qaadey ayna ugu balan qaadeen inay maaliyadan ku dari doonaan maaliyadii hore isla markaana xoolo ugu iibin doonaan dadkii barakacay .

Dhinaca kale Gudigan maanta lacagaha diray ayaa saylac.com u xaqiijiyey inay ka hor intayna dirin lacagaha maanta ay dhigeen dahabshiil ay shuruudo buuxa la galeen Gudiga Boorama fadhigoodu yahay shuruudahaas oo ah inay  wax cadaynaya inay dadkaas dhibaateysan gaadhsiiyeen lacagtaa ay soo diraan soona gaadhsiiyaan dadkii diray ee Qurbojooga ree Somaliland ee Sweden.

Masuulka lacagtan isagu gacantiisa ku diray ayaa saylac.com u sheegay inuu telefoon kula hadlay gudiga gargaarka ee masuuliyada maaliyadan qaaday uuna kala hadlay inay si degdega usagsoo warbixiyaan deeqahan iyo siday u bixiyeen


Saylac.com waxa kale oo ay idiin soo gudbin doontaa wadamo dhawra oo iyaguna ku hawlo jira ururinta dhaqaalaha dadka lagu kabayo iyo waliba wakhtiyada ay diri doonaan lacagaha dhiman iyagoo wadamado dhawr ahi ay ka warsugayaan hadba sida warbixin cad looga siiyo lacagihii hore ee muranku ka dhashay .
 .

Gudiga hawlwadeenada gargaarka dadka ku tabaaloobay roobabka ayaa waxay horey u fuliyeen inay gaadhsiiyaan raashino gargaar degdega dhulka lagu barakacay haye yeeshee aan la ogayn qadarka lacagta ah ee ku baxay raashinada ay shegeen inay gaadhsiiyeen dadka barakacay.

Lacagta maanta la diray ayaa waxay kusoo beegantay wakhti ay muran iyo shiki ay soo wajahday lacagooyin horey loo diray oo qadarkooda lagu qiyaasay $85,000

Saylac.com

 


 

 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com