|
|
 |
|
| |
Cirbixiyeen labada dhinac
iskaga xidhay mishiinka diyaarada si uu diyaarad u
noqdo.May,15,2008
London(Saylac.com)Ninkan cirbixiyeenka iska dhigay
oo u dhashay wadanka Switzerland ayaa
waxa uu dhamastey duulimaad uu dadka u soo bandhigay
isagoo garab iskaga xidhay mishiinka
yar oo nuuca diyaaradaha dagaalka ah iyo laba baal
oo sida kuwa diyaaradaha loo sameeyo ah.

Dulimaadkan oo kale ayaa uu horey waxa u sameeyey
bayloodkan Ruushka u dhashay oo magaciisa
la yidhaa Yves Rossy oo hawada sarey dhex duulay
mudo shan daqiiqo.
Yves Rossy ayaa markuu sameynayey duulimaadka ka
booday diyaarad hawada sare maraysa si uu
duulimaadkiisa u sii dhamaysto. Duulimaadka uu
sameeyey ninkani ayaa waxa uu ku socday xawli
dhan 186 mayl saacadiiba.
Isaga oo ku faraxsan duulimaadka uu sameeyey ayaa
waxa kale oo uu sheegay inuu samayn doono
duulimaad uu ku dhex mari doono kanalada tareenadu
maraan ee dhulka hoostiisa si uu u
ogaado xirfadiisa duulimaad inay dhamays tiranto. "Waligay
waxaan ku hamiyi jiray inaan
anigu diyaarad isku noqdo oo meeshaan doono u duuli
karo markaan doono riyadaasina inay ii
rumowday ayaan filayaa aadna waan ugu faraxsanahay"
ayuu saxaafada u sheegay.
Maxamed Haji
Saylac.com
London UK
Daily Telegraph. |
|
|