
Ismacil Cali Gud. Udub Norway iyo Rashid Nuur Xoghayaha
Oslo(Saylac.com-
shir ay isugu
yimaadeen
masuuliyiinta
xisbiga Udub
laanta
Norway
ayaa shalay
(03.05.08)ku
qabsoomay
magaalada
Oslo.
Qodobadii lagaga
wada hadlay
shirkaasi waxay
ahaayeen:
waxqabadkii
xafiiska, wada
shaqeynta
xafiiska iyo
xafiisyada kale
ee yurub,
xaalada
siyaasadeed ee
dalkii iyo
qorshaha
waxqabasho ee
mustaqbalka.
Waxa hadalka furay mudane Ismacil Cali oo ah Guddoomiyaha xisbiga ee laanta Norway iyo guddoomiyaha waqooyiga yurub ee sanadkan. Waxaanu ugu horeyn shirka siiyey warbixin iyo xog ku saabsaneyd hawlaha xafiiska Norway. Waxaanu yidhi shirkan ujeedadiisu waxa weeye in bal dib loo eego wixii hawlo soo qabsoomay, laguna qiimeeyo isla markaana lagaga tashado hawlaha mustaqbalka ee laanta Norway, kuwa waqooyiga Yurub iyo guud ahaanba hawlaha udub.
Waxaana weeye in la kordhiyo oo kor loo qaado xidhiidhka waqooyiga Yurub iyo ka xafiiska dhexe ee dalka dhexdiisa. Mar uu ka hadlayey waxyaabaha u qorshaysan wuxu carabka ku dhuftay in laanta xafiiska xisbiga ee Norway uu xoogga saari doono sidii uu xidhiidh wax wada qabsi ula yeelan lahaa Axsaabta dalka Norway si looga faaŽiidaysto waaya aragnimadooda dhan walba leh.
Waxa isna shirkaa masuuliyiintii ka qeyb gashay ka mid ahaa wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Norway mudane Maxamed M. Aadan ”Liilan” waxaana hadalkii uu goobtaa ka yidhi ka mid ahaa: sharaf bay ii tahay inaan ka soo qeyb galo shirkan anigoo ahaa guddoomiyihii ugu horeeyey ee Udub ee Norway amaba la odhan karo asaasayaashii laantan ayaanu ahayn, maantana ah wakiilka Somaliland ee Norway. Dhanka Guulaha wuxu sheegay in waxqabadka dawladu yahay wax qabadkii xisbiga udub.
Isagoo tusaale u soo qaatay khudbadii madaxweynuhu maalintii dhaweyd jeediyey inay ahayd khudbad bal-balaadhineysa guulaha udub gaadhay ama dawladuba gaadhay. Taas oo dhinacyo badan taabanaysay. Waxaanu yidhi haddaan masalan u baxno dalka iyo dhameystirkiisa oo guulaha ugu waaweyn ah ee ay udub tirsaneyso ah. waa iyadoo goboladii Sool iyo Sanaag ay maanta yihiin gobolo degan oo sida goboladeenii kale maanta u shaqeynaya. Waa guul waayo qodobada marka dawlada la dhaliiilayo lagu dhaliili jiray ayey kow ka ahaayeen.Mar uu ka hadlayey xagga xidhiidhka caalamka wuxu yidhi dawlada Mareykanka oo muddo toboba iyo toban sanadood ah aynu laheyn waar adeer nala hadla. Nala hadashii waynu isla soo dhaafnay oo way inoo yimaadeen. Imikana waxaynu rajeynaynaa in xidhiidh wanaagsani ina dhex maro oo noqon kara xagga masalan dhulkeenu waa dhul istaraatiijiya caalamkoo dhan baa u baahan. Waxaynu ku naalaa dhuuntii qul-qulka saliida dunida iyo baayac mushtarigu marayey. Waa inaynu si fiican u iibino oo maslaxad bay dunidu ku socotaa ee dadka maslaxada inaga leh aynu inaguna masaalixdeena ka dhameysanaa. Markaa waxan rajeynayaa in mareykanku soo dego oo uu soo dhawaado oo aynu xidhiidh toos ah wada yeelano.
Dhanka xafiiska wakiilnimo ee uu masuulka ka yahay mar uu ka hadlayey wuxu yidhi xafiiska waxan doonayaa in aan balaadhiyo oo shaqaale hawsha ila wada qoro, kolkaa xubnihiina halkan fadhiyaa ka soo qeybgala oo codsiyo soo qorta ayuu hadalkiisii ku soo gaba-gabeeyey.
Waxa iyaguna shirkaa ka hadlay Maxamed Jaamac Benson oo ah xoghayaha guud ee waqooyiga yurub iyo Rashiid Nuur oo ah xoghaya laanta Norway. Iyagoo si baahsan uga hadlay waxqabadka laanta xisbiga iyo sidii loo wajihi lahaa hawlaha horyaal. Waxa goob joog ka ahaa xubno kale oo qaarkood ahaayeen marti sharaf ka socotay dalka swidhan. Shirkaasi wuxu ku soo xidhmay oo la isku raacay qodobadan:
1. In kor loo qaado hawlaha udub ee laanta Norway iyo guud ahaan waqooyiga yurub, isla markaana xidhiidh joogta ah lala yeesho xafiiska dhexe ee dalka.
2. Iyadoo imikaba xidhiidh lala leeyahay in la kordhiyo xidhiidhka xisbiyada siyaasadeed ee dalka Norway.
3. In la sameeyo waxa la yidhaah tele-conferens oo xisbiga laamihiisa kala duwan ama gudaha ha noqoto ama dibada ha noqotee bal ay furaan doodo lagaga wada hadlayo ama fikrad la isku dhaafsanayo xaalada udub gaar ahaan iyo xaalada siyaasadeed ee dalka.
4. In bisha julaay ama ogoosto la isugu yimaado shir waqooyiga yurub ah. Kaas oo ka dhici doona Norway.
Oslo
Rashid Nuur Beegsi Xoghayaha Xisbiga UDUB ee Norway