|
|
 |
|
| |
Dooni ay wateen laba nin oo ka tirsan budhcad
badeedka maraakiibta afduubta ee Puntland oo ku soo
caariday dekada Lughaya ee Gobolka Awdal...May,06,2008
Borama(Saylac.com) Labadan nin ee saarnaa doonida
bada cas ku dhex cadilantey ee ku soo caariday
xeebta magaalada lughaya ayaa maanta la keenay
Cusbitaalka Guud ee Magaalada Boorama si loogu
daweeyo. Labadan nin ayaa saylac.com u sheegay inay
laba bilood mudo ku dhaw ku doonidu kula dhex
haahaabaysey bada dhexdeeda isla markaana ay cuno
la'aan iyo daranyaba dhamaysteen.

" Hore waxaanu u haysaney kaluun iyo biyo inta
badana xeebaha ayaanu ka ugaadhsan jiray waxana laga
halaabay jahadii aanu u soconay ka dib doonida ayaa
cadalintey dhimasho ayaanu sugayney farxad ayaanu
cirka eegney ka dib markii anagoo nool ay doonidu
nagula soo caariday xeebta lughaya " ayey labadan
nin u sheegeen saylac.com oo ku buuqatey Cusbitaalka
guud ee Magaalada Boorama.
Booliska Somaliland ee xeebaha magaalada lughaya
ayaa waxa kale oo ay sheegeen inay qabteen dooni
kale oo iyana ku soo caariday xeebta lughaya.
Doonidan labaad lama hayo wax dada oo saarna
doonidaa labaad inay dhinteen iyo inay baxsadeen
cidina ma oga lakiin labadii dooniba waxa lagu hayaa
magaalada lughaya ee gobolka Awdal.
Labada nin ee hada lagu daweynayo cusbitaalka
Boorama ayaa waxay wateen doonyaha dheereeya iyo
laashash ay saaran yihiin matoorada xawliga ku socda
ee maraakiibta lagu dabo ama lagu afduubo. Labadan
nin ilaa hada lama xaqiijin degaanka ay ka yimaadeen
balse waxa loo badaniyaa inay ka mid yihiin budhcad
badeedka gobolka Bari ee ismaamulka Puntland oo
baryahanba jidgooye ba'an ku haya maraakiibta bada
cas iskaga goosha .
Saraakiisha Booliska degmada Boorama ayaa ku hawlan
sidii ay warar dheeraada uga heli lahaayeen labadan
nin oo iyagu hada ku jira cusbitaalka Boorama.
wararka kale ee ku soo kordha arinkan kala soco
saylac.com
Dahir Axmed Jirde
Borama- Somaliland |
|
|