|
|
 |
|
|
Ururka Havoyoco oo
wacyiglin HIV/AIDS ku qabtay Cusbtaalka Annalena
Center
Updated:-(Mon.19.Feb.2007)
BOORAMA, 19 March, 2007-- Ururka dhalinyarada ee
Havoyoco xafiiskiisa Boorama ayaa Maalintii
Sabtidii 17 March 2007 ku qabtay Xarunta
Annalena Center, Barnaamij wacyi galin oo ku
saabsan xanuunka halista ah ee HIV/AIDS, Waxa
goobtaas isku yimid qaybaha bulshada ee kala
duwan ee ku dhaqan magaalada Boorama, ugu
horayna waxaa halkaas warbixin faahfaahsan ka
bixiyay, madaxa xafiiska Havoyoco ee Borama C/raxmaan
Axmed Jaamac, wuxuuna sheegay in ay lix maalmood
ay meelo kala duwan ku samayn doonaan
wacyigelintan oo kale, goobtaas waxa la isku
dhaafsaday fikrado ku saabsan sidii loo xakamayn
lahaa HIV/AIDSka.
Madaxa kormeerka iyo daba galka u qaabilsan
komishanka Qaranka G/Awdal Mr.C/qaadir Sh.Xuseen
ayaa sheegay in xanuunku uu marayo Boorama 1%,
isla markaana la wado wacyi galino badan, waxa
isna goobtaas ka hadlay taliyaha Booliska
Boorama Muuse Hanfi oo sheegay in ay jirto
dhibaato kufsi taasina ay keeni karto in dadka
ku keeni karto korodh, maadaama aan la ogayn
dadka wax kufsadaa in ay qabaan xanuunka,
sanadkii 2006 waxa na soo maray ayuu yidhi 29
kiis oo kufsi ah, 21 waxay ahaayeen Borama, 3
kiisna Baki, 5 kiisna Saylac, sidaas darteed
anaga oo aan ka waramin sharciyan kiisaska
noocan ah hadan hadii uu dhib uu abuurayo waan u
sheegaynaa bulshada, wixii la nooga baahdo
ciidanka nabadgalyada ee lagu xakamaynayo
xanuunkan HIV/AIDSka meel ayaan uga soo wada
jeesanaynaa.
Caasha oo ah guddoomiyaha ururka Kaalmo ayaa
iyadna ka warantay sida ururku uga hawl galo
gaadhsiinta haweenka iyo caruurta halista HIV/AIDSka,
dhawaana waxaan bilaabaynaa ayay tidhi Caasha
mashruuc gobolka oo dhan lagaga wacyi gelinayo
xanuunka HIV/AIDS.
Guddoomiyaha Deegaanka Boorama C/raxmaan shide
Bile ayaa soo xidhay Aqoon isweydaarsiga,
wuxuuna ka sheegay madashaas sida goloha
deegaanka Boorama uga qayb qaataan wacyi gelinta,
waxa kale oo uu intaas ku daray in hawlaha
degmada ka socda ee dhinaca samaynta dariiqyadu
yihiin kuwo wax ka taraya ka hortaga xanuunka,
wuxuuna ku dardaaray Ururada Bulshada ee
wacyigelinada sameeya in ay Ardayda dugsiyada
iyo meel walba la gaadhsiiyo wacyi gelinta
xanuunka halista ah ee HIV/AIDSka.
Source awdalnews
|
- To Submit Information
Click
here--
|
|