Chat | Guest Book | Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

"Gurmadkii Duufaanadii ka dhacay  gobolka Awdal mahada kobaad waxa iska leh Xisbiga KULMIYE"Axmed Muxumed Geelle Dacar ...MAr-30-2008

Hargeysa(Saylac.com) Axmed Muxumed Geelle Dacar oo ku hadlayey magaca Gobolka Awdal shirka Ururka KULMIYE uga socda Magaalada Hargeysa ayaa hadalkani ka soo yeedhay isagoo ula ujeedada ugu weyn ee uu ka lahaa i ay ahayd bal inuu isku dayo inuu sheego waxtar Xisbiga KULMIYE uu ka geystey gobolka Awdal.

Ergooyinka ka soo qayb galay shirka labaad ee xisbiga kulmiye ayaa isweydiiyey tageerada uu xisbiga Kulmiye gaadhsiiyey gobolka Awdal ee uu Dacar sheegayo iyo goorta uu xisbiga kulmiye tageero gaadhsiiyey dadyowga ku tabaaloobay duufaanadii roobka watey ee ka da'ay gobolka Awdal.

Dadaalkii ay qurbojooga ree Awdal u galeen waxtarka dadkooda ma ay toosnayn inuu Mudane Dacar u bedelo siyaasad xisbi ka danbeysa waana arimo inbadan soo ifbaxaayey in maaliyada xooga leh ee qurojooga reer Awdal ay walaalahood ku tageereen in urur dabada ku wata xisbiga kulmiye uu isku magacaabey maantana ay masuuliyiinta gobolka Awdal ee Kulmiye ay ka dhigaan waxtar uu xisbiga kulmiye soo gaadhsiiyey Gobolka Awdal.

Mudane Dacar waxa kale oo uu madaasha shirarka xisbiga kulmiye kaga dhawaaqay in uu mar labaad xisbiga kulmiye ugu mahadcelinayo ka qayb qaadashadii kharashkii lagu soo dhoofiyey maydka marxuum Xasan sheekh Muumin oo uu Dacar sheegay intiisa badan inay keneen tageerayaasha xisbiga kulmiye ee dibada ku dhaqani.!!


Dhinaca kale Mudane Dacar wuxu dhaleecayn dhabarka ka saarey Madaxweynaha Jamuuriyada Somaliland Mudane Dahir Rayale Kahin iyo xukumada uu hogaanka ka yahay oo uu ku tilmaamay inay masuul ka yihiin waxa uu ugu yeedhay dhalinyaro aan lasoo koobi karin oo Gobolka Awdal maalin walba tahriib dibada uga baxda isla marnaana da'yacay waxbarashadoodii, lakiin muusan faahfaahin sida tooska ah ee ay dawladu lug ugu leedahay arinkaas.

Dacar oo hadalkiisa sii wata ayaa hoolka shirka labaad ee kulmiye ka sheegay inayna boorama joogin hal hay'ad ah oo samafal u tarta dadka sababtana waxa ay tahay ayuu yidhi xukumada somaliland oo aan ogolayn in hay'adaha caalamiga ahi ka hawl galaan Gobolka.

Hadaladan ayaa waxa u dhacay sacab iyo sawaxan aan laqiyaasi karin isla markaana ergooyin badan oo ka soo qayb galay shirkan labaad ee kulmiye ay hadalada Dacar ku tilmaameen "dhiiranaan iyo Daacadnimo buuxda oo uu xisbiga kulmiye u hayo"


Kulankan ay maanta yesheen xisbiga kulmiye ayaa marka la isku soo wada duubo u badnaa canaan iyo dhaleecayn ay u soo jeedinayaan xisbiga talada haya ee UDUB oo ay ku tilmaameen inuu khalad la kawsaday walina ku jiro musuqmaasuq xadhkaha goostey oon maaro loo heli karin.


Ergooyinka kale ee ka socday gobolka Awdal ee ka hadlay shirka waxa ka mid ahaa :Cabdilaahi Xaashi Abiib oo ah aqoonyahan ka mid masuuliyiinta xisbiga e dalka Maraykanka, ayaa isaguna yidhi: “Waxaan u imi shirweynahan Xisbiga Kulmiye, anigu waxaan ahay nin wadankan u dhashay oo Tobankii sano ee ina soo dhaafay wadanka wax u qabtay.

Waxaan keenay wax Alle waxa yaalay jaamacadda Camuud ama wixii maaliyad loo samaynayo, markaa guushii aanu taas ka gaadhnay waxay noo fududaysay inaanu ka gun-gaadhno sidii gobollada dalka oo dhan wax loogu qabto. Waxaanu keenay miisas, kuraas, qalimo iyo waxyaale kale. Waxa maanta na soo gaadhay Koontiinarkii 30-aad. Qalabka aan wadanka soo gaadhsiiyay ilaa 20 Milyan oo Dollar, waxa iminka foodda innagu soo haya Markab raashiin ah Bariis, Daqiiq, Baasto iyo waxyaale kale oo aan ugu talo-galay abaaraha wadanka ka dhacay.

Waxa uu damiirkaygu ii saamixi waayay markii aan Siilaanyo sheekaysanay, waxaan isku dayaa inaan Siilaanyo gacan ka siiyo sidii uu wadanka uga saari dhibaatada ka jirta hogaankana gacanta ugu dhigi lahaa, aniga oo aan u eegayna gobolka iyo meesha uu ka yimi lakiin og daacadnimada iyo inuu isaga kaliya ahi wadankan aqoonsi uu horseedi karo.

Anigu waxaan rabaa aniga oo qof keliya ayaa waxaa qabtay. Waxaan idiin balan-qaadayaa degmo kasta oo gobol kasta ka tirsan inaan keeno qalabka ugu dambeeyo ee dadka lagu daweeyo. Waxaan idiin balan qaadayaa lacagta lagu dawaynayo cudurada TB-da, Malaariyada aanu keeno annagu iyada oo aan dawladu bixinayn inaan anigu keeni doono.!!

Waxaan idiin balan-qaadayaa haddii Xisbiga Kulmiye ku guulaysto doorashada laga dhigo bilaash waxbarashada. Haddii aan doorashada ku guulaysano waxaanu balan-qaadaynaa in iskuul kastaaba yeesho Computer Lap.!!

Hadaladan amaanta iyo hamiga ku dhisan ayey ergooyinkii ka soo qayb galay isweydiiyeen waa sidee labada ergo ee ka kala socota gobolka awdal ee midna ka hadlayo dhibaato joogta ah iyo dhalinyaro camal la'aan u tahriibaysa iyo abaaro midna uu barwaaqo iyo malaayiin doolar inuu isagu kaligii keenayo uu ka hadlayi!! qosol hoose iyo gunuunuc ayey hadba inta is garab fadhidi dhegta iskugu qabanaysey waayo hadalada Cabdilaahi Xaashi Abiib sheegayo xataa dawlad Afrika ku taala ayaana awoodin iskaba daa qof ka soo jeeda Gobolka ugu hanti iyo dhaqaalaba yar gobolada Soomaaliland oo ah Gobolka Awdal.

Dhinaca kale Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga kulmiye Mujaahid Cabdirahman Axmed Cali ayaa hadaladaa labada nin ee Gobolka Awdal uga hadlaayey madaasha shirka xisbiga kulmiye ku tilmaamay "Hadaladii hawlwadeenadii kacaankii Afweyne" waxana uu Cabdirahman Axmed Cali intaa ku daray xisbiga kulmiye siyaasadiisu inay ka fog tahay hadalo xamaasad iyo kacaanimo ku dhisan lakiin uu xisbiga kulmiye uu bilawgiisii ku hawlgalay halgan iyo dhiig la daadiyey hadana diyaar uu u yahay inuu helo rag taasi ka go'an tahay oo naftooda iyo maalkooda u hura sidii dadweynaha somaliland u hanan lahaayeen aqoonsi iyo horumar waara . Mujaahid Cabdiraxman oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inuu marka hore aad ugu mahadinayo ciidamdaa Qaranka ee ku sugan Bariga Gobolka Sool marka labaadna shacabka somaliland ee la garab taagan hiil iyo hooba. " Ninkii wadanka wax keenaya waa laga sugayaa isagoon cidna amaan gacmaha hoos hoorsan" ayuu hadalkiisa ku xidhay Mujaahidku.


Ismael Warsame (Ismacil computer)
Saylac.com
Hargeysa- Somaliland
 
 

- To Submit Information Click Here -

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com