Chat | Guest Book | Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

Xaflad balaadhan oo lagu xusayo maalinta Biyaha aduunka ayaa waxa qabtey shirkada Biyaha Boorama ee Shaba...Mar-23-2008
Borama( Saylac.com) Xafladan oo ay ka soo qayb galeen madaxda Gobolka, Oday Dhaqameedyo, iyo waxgarad kaleba ayaa maanta waxa ay lagu qabtey Huteelka Caalamiga ah ee Rays Hotel. Xafladan oo ay ka hadleen Pro. Suleyman Axmed oo ah Gudoomiyaha Jaamacada Camuud, Sudlaan Dhawal, Gudoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Sh. Cabdilahi, Maayarka degmada Borama iyo masuuliyiin kale oo ka socday shirkada Shaba ayaa waxa si isdaba jooga looga wada hadlay ahmiyada ay biyuhu uleeyihiin nolosha bani-aadamka iyo inay haboon tahay in la tashiilo biyaha .

Waxa kale oo lagaga hadlay xaflada sidii biyaha magaalada soo gaadha loo sii horumarin lahaa xaga tahayada biyaha iyo sidii ceelal kale oo kayd ah looga samayn lahaa degaanada ku dhawdhaw magaalada Boorama si hadii ay biyo yareeyaan kuwa hadda la isticmaalaayi loo adeegsan karo ceelasha cusub ee kaydka loogu talo galay.

Xafladan ayaa waxa si gaara loogu amaanay waxqabadka ay shirkadani ka samaysey degmada Boorama iyadoo maanta Boorama lagu tilmaamo magaalada ugu horumarsan xaga helitaanka Biyaha oo ay dadka ku dhaqan magaaladu u helaan habka caalamiga ah ee Qasabada laga helo biyaha.

Biyaha soo gaadha magaalada Boorama ayaa waxa la sheegay inay yihiin kuwa tayadoodu cafimaad u sareyso. Waxa kale oo lagaga hadlay sidii loogaadhsiin lahaa biyaha degaanada kale ee ku dhawdhaw magaalada. shirkada shaba ayaa waxa ku bahoobay ganacsato ree Boorama ah oo iyagu iska xilsaaray sidii ay maaliyadooda uga faa'idayn lahaayeen dadka ku dhaqan magaalada oo biyo aad ubadan isticmaala maalin walba.

Gagabagadii faladan ayaa waxa ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Awdal wuxuuna ku buuriyey inay dadaalkooda halkaa ka sii wadaan shaqaalaha iyo masuuliyiinta shirkada Shaba oo uu ku amaana inay sameeyeen horumar xaga biyaha ah .

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Meeyarka Magaalada Boorama Cabdiraxman Shide Bille oo sheegay inay sistamka ay wadaan shirkada shaba uu yahay sistam nidaam fiican ku dhisan ayna amaan mudan yihiin waxaanan rabnaa inaad dadaalkiina halkaa ka sii wadaan ayuu yidhi duqa magaaladu.


Xafladan ayaa waxay kusoo beegantay wakhti ay dadka magaaladu aad u hadal hayaan in qiimaha biyaha oo aad u sareeya ay shirkada biyaha ee Shaba dhimi doonto waayo waxa soo dhaw wakhtiga xagaaga oo ay inaga xigto sadex bilood wax ka yar wakhtigaa oo dadweyne aad u farabadani uu yimaado magaalada boorama dadkaa oo ka yimaada wadanka Jabuuti isticmaalka biyahuna ay saayidi doonaan.




Dahir Axmed "jirde"
Saylac.com - Borama- Somaliland

 

- To Submit Information Click Here -

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com