| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 Madaxweeyne Cabdilahi Yusuf: “Nimanka soo duulay oo Maamulka Riyaale uu hoggaaminayo laga aqbali-mayo dalka in ay kala gooyaan

Baydhabo( Saylac.com) Shir Jaraa'id oo uu maanta qabtey madaxweynaha Dawlada Kumeelgaadhka ah ee Soomaaliya Cabdilahi Yusuf Axmed ayuu wuxuu si kulul carabja ugu dhuftay arimimo ku saabsan gobolka sool. Madaxweynaha oo ka hadlay arimo dhawra ayaa wuxuu sheegay inuu caafimaadkiisu aad u fiican yahay dawooyin fiicana uu qaadanayey dhawrkii usbuuc ee inaga tagay.


Cabdilahi Yusuf ayaa waxa kale oo shirkan Jaraa'id ku sheegay inuu warbixino dhawra ka dhagaystey xubna sarsare ee dawladiisa bal si ay uga waramaan xaalada guud ee dalka ku sugnaa mudadii uu dibada kaga maqnaa . Waxa kale oo uu sheegay inuu aad ugu kalsoon yahay dawladiisu inay amaanka muqdisho u sugi doonta sida ugu dhakhsiyo badan .

Maruu ka hadlaayey in wali rabshado ka aloosan yihiin magaalada Muqdisho, wuxuu sheegay madaxweynuhu inay tahay dhab cid kastina ay ogtahay arimaha ka dhacaya muqdisho, lakiin ay dawladiisa ka go'an tahay inay amaanka iyo kala danbaynta kusoo dabaalaan magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeedaba.


Intaa wuxuu ku daray Madaxweynuhu in ay dawladiisu qaadi doonto qorshe amaanka lagu sugayo gobolada koonkureed ee dalka soomaaliya oo aan xooga dawladiisu aanay sidaa u gaadhsiisneyan marka laga reebo magaalada Muqdisho oo uu tageero weyn ka helo ciidamada Itoobiya ee kusoo duulay wadanka soomaaliya si ay ula dagaalamaan isbaahaysiga Islaamiga ah ee soomaaliyeed.


Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu Cabdilahi yusuf amaan gaar ah usoo gudbiyey RW Cade oo uu ku tilmaanay inuu awood iyo khibradba u leehaya inuu dawlad adag oo tayo leh dhawaan soo dhiso, Marka uu hadalkaa sheegayey Madaxweyne Cabdilahi Yusuf waxa dhinac taagnaa RW Cade laftiisa oo dhawaan la filayo inuu dhawlad soo dhisi doono.

Shirkan Jaraa'id ee uu maanta qabtey Madaxweyne Cabdilahi yusuf ayaa uu ku soo beegmay sanadka cusub ee 2008 oo maanta kawsaday iyo rabshado aan kala go lahayn oo ka taagan magaalada magaalada muqdisho, rabshadahaas oo dhimasho iyo dhaawacba u geystey dad rayid ah oo degan magaalada Muqdisho.



Sidee Boosaaso looga dareemay Hadalkan maanta ka soo yeedhay Madaxweyne Cabdilahi yusuf...?


Bosaaso (saylac.com)- Hadalkan maanta ka soo yeedhay Madaxweynaha Dawlada kumeelgaadhka ah ee soomaaliya Cabdilahi yusuf Axmed ayaa si aada looga soo dhaweeyey magaalada Boosaaso dadkuna aad moodo inay ku diirsadeen iyagoo dhawaanahanba ay jireen eedaymo dhawra oo mudanayaal ka tirsan baarlaamka dawlad gogoleedka puntland ay u soo jeediyeen Madaxweynaha DG Puntland Cade Muse oo ay ku dhaliilayeen waxkaqabasho la'aanta gobolka sool oo faraha u galay Jamuuriyada soomaaliland.

Maraan Saakay socdaal ku tagay farasmagaalaha Boosaaso ayaan indhahayga saaray dad iskula dhexmaraya hadalkan maanta uu soo jeediyey Cabdilahi Yusuf ee ku wajahan khilaafka Gobolka Sool 'dhawr qof oo kala duwan ayey saylac.com waraysi la yeelatey bal fikrada ay ka qabaan hadalkan Cabdilahi yusuf maanta uu ku weerarey Jamuuriyada Soomaaliland ee ku wajahan Sool waxayna badankoodu isku raceen in cabdilahi yusuf yahay dagaalyahan ay jecel yihiin awoodna u leh inuu gobolka sool kusoo celiyo ismaamulka Puntland. dadkan laba qof oo kaliya ayaa sheegay inay aaminsan yihiin Cabdilahi inuu ku khaldan yahay hadal qaadka gobolka sool ayna dani ugu jirin in khilaaf kale uu ka dhex abuuro gobolada puntland iyo Somaliland.


Raadiyaha Magaalada Garoowe ayaa dhawr jeer ku celceliyey maanta shirkan jaraa'id ee uu cabdilahi yusuf kaga waramay arinta sool Raadiyuhu waxa kale oo uu sheegay in caafimaadka Madaxweyne Cabdilahi yusuf uu yahay 100% hawshiisa madaxweynenimana uu si kartile u qaban doono dhawaan . Sawirada maanta laga soo qaaday madaxweynaha oo jaraa'idada Boosaaso boga hore kaga sawirnaa ayaad ka dareemaysey inay ka muuqato daal iyo tamaryari uu ku reebay xanuunkii dhawaan haleelay madaxweynaha .


Dhinaca somaliland ayaanu wali hadal jawaab ahi ka soo bixin balse waxa la filayaa dhawaan inay jawaab kulul ka bixin doonaan hadalkan cabdilahi maanta la dul koray.


Siciid Axmed ( siciid ingineere)
Saylac.com- Bosaaso
 
 

- To Submit Information Click here--

 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com