| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

Shirkii ganacasatada Awdal iyo wasiir Buuni ee Maanta..
Dec-25-2007
 
Daawo sawirada
Dahir Axmed(jirde)saylac.com=Boorama.25-Dec-2007- Maal-mahan waxaa Gobola Awdal ku sugnaa wasiirka Xidhiidhka labada Gole Md. cabdi xasan buuni oo u joogay gogol, Xaadh iyo Ogaysiin ganacsatada Awdal laga rabo taageero maal-yadeed oo Dib loogu dhisayo Gobolka Sool.waftina ku soo Aadan yahay Gobolka uu hogaaminayo madaxwayne ku xigeenka S/l Axmed yuusuf Yaasiin madaxna ka ah isla gudida maamul fidinta iyo caawimada ee G/Sool.
wasiir Buuni oo ah wasiirka kaliya ee sumcada iyo karaamada ku dhaxle dadka reer Awdal inta ka ah wasiiro dhax-Imankarana waxna ka maqla waxna u sheegi kara ayaa maal mahan joogay Boorama, maantana qabtay xaflad ay ku kulmaan isaga iyo taajiriinta Awdal dhaqalana ay bixiyaan sida ay yeeleen, raga dhigooda ah ee degan hargaysa iyo meela kaliba.

Kulankii saaka wasiir buuni iyo ganacsatadu siduu u dhacay yaase kale oo ka soo qayb galay.
waxaa shirka yimid Xubnaha Mucaaradka qaarkood ee G/Awdal oo kulmiye u badnaa, waxana ka mid ahaa Murashaxa Xisbiga kulmiye u taagan ku xigeenka prof. ismaaciil Muumin Aare muruashax sidoo kale isna jagadaa u taagan waa Eng C/raxmaan cabdilaahi Seylici.Gu/Xisbiga kulmiye ee Awdal Aadan X. Maxamuud aye Xil.Abuubakar. Ibrahim Aadan qaalib oo ah nin hore uga tartamay Xisbiga kulmiye iyo Badhasaabka Awdal. maxamuud sh. cabdilaahi Suldaano Cuqaal Xog-hayaha Xisbiga Udub ee G/Adal dhalin-yar haween waxgarad iyo waxooga ganacsato ah.

Badhasaabka ayaa shirkaa furay salaan kadib, ku bilaabay maxaa ku dhacay ragii tujaarta ahaa ee wasiirku xafladan u sameeyey waar aawaya ragii waxa kaliya ee ii muuqdaa waa hebel iyo hebel ragii aan suganyan maxaa ku dhcay ayaa ka mid ahaa hadaladii uu Badhasaabku ku calaacalay, kuna daray oo yidhi waxaan ku amaanayaa raga ganacsatada ah xilka ay iska saareen dhismaha wadada dila iyo boorama dawladuna kama soo horjeedo way ini caawinaysaa, anagana waxa yar ee aan iniga rabno walaalayaan nasiiya, waa dantii qarankee bakhayl-nimada iska daaya horayna gargaraaka sool waad u bixiseen, intaa waxuu Badhasaabku ku sii daray in gacmaha la si qabsado s/lna meel looga soo wada jeedo lagana qayb qaato dib u dhiska sool. wasiir buunina ku amanay inuu mar walba inala socod siiyo xaalada dalku marayo yahayna wasiirka ina dhax yimaad wana inii sheega shirar kan lamidana inoo qabta. intaa ka dib gudomiyuhu waxuu mahad kale u diray Dawlada hoose ee Boorama jidka laamiga ah ee Ay ka wado Magalada dhaxdeeda wada waad ku guulaysanayasaane ayuu ku yidhi. Beente iyo waxaan jirina iska ilaasha wararka odhanaya dawladaa Diidan dhismaha wadada Dila iyo boorama.

waxaa kale oo ka hadlay shirkaa wasiir Buuni uu qabtay ee dhaqaalaha loogu gurayay g/sool prof ismaaciil Mumin Aare yidhina in badan ayay mucaaradku meel ay ka hadlaan la- aayeen xukuumada ayayna dan u tahay hadalka mucaaradku kuna daray dawlada waxaan leehay wax haka qabato tahriibka dhalinyarada Dalka ka Baqoolaysa ee Guryaha loo iibinayo waa shaqo ay waayeen waxaa ay badaha iskugu guryayaani, xamarna xabad ayaa looga qaxayaa booramana bisaarad iyo camal ay waayeen dhalintu jaamacadihii aan aas- aasnay markay ka baxeen waxna ka barteen xagay shaqo ka helyaan waa inay tahriibaan.prof. Ismaaciil waxuu si laxaadle u taageeray dhismaha Jidka Dila iyo Boorama iyo kan laamiga ah ee Boorama.
Sidoo kale ibraahim Aadan qaalib ayaa isna ka hadlay madasha sheegay oo yidhi waxaa maanta inoo kow ah Dumuqriadiyada kol hadaan ka hadlayno dantii gobolka waxanoo shcabina joogaan Anaa sameeyey shaciga ururka Arna ee wadada Dila & Boorama dhisaya mana joogsan doono Dawladuna gacan ayay nagu siinayaa, ogaada oo haloo gurmado Beelaha walaalaha ah ee isku Dilaya Dooxa harawa ayuu Ibraahim ku daray hadalkiisii.

Xil Abuukar oo ka mida Xildhibanada Qaranka ee kulmiye kana soo jeeda G/awdal ayaa isna si layaqaan ugu nuux nuuxsaday fahan siinta waxa uu yahay mucaarid sheegayna in wasiirka hawlaha guud uu Baaramaanka horteeda ka sheegay inuu miisaaniyada sanadka ku Dari doono Jidka Dila iyo Boorama ganacsatadana ku dhiiri galiyay inay dhistaan jidkaa kuna taageeray Amaana ugu daray kana xumadaya balaf uu maqlay oo ahayd in gudida wadada Dila iyo Boorama la badalyo mana dhici kartuu yidhi kuwii hore ee hawsha ku dhax jiray ha wadaan.

Sul. Ibraahim Dacar ayaa isna sheegay in gobolku Dekad u baahan yahay wado uu u baahan yahay waxna ay kaligood qabsan doonaan dawladana ka Codsaday inay ku garb gasho iskaa wax u qabasada Awdal caanka ku ahayd.
Xoghayaha Xisbiga Udud axmed Muumin Seed ayaa si diiran uga hadlay waxaa loo qabtay kulan-kan Kuna yidhi waxaan haysanaa hogaanka dalka ugu sareeya ee noqda kuwa ugu badan wax bixinta G/sool. iskana daaya shaakadan maal mahan socota ee ku Aadan dhimaha wadooyinka Tan dilna waa inoo horumar tan lamiga ahina waa inoo harumare kuna taageera Dad waynoow.
waxaa shirkaa ugu danbayn ka hadlay wasiirka Xidhiidhla labada Gole Md. Cabdi xasan buuni waxoogaa ka waramay sidii barigii hore s/l ugu biirtay koonfurta waayo arag la-aan aqoon daro ka ahayd s/l iyaguna way inaga khabiir sanaayeen sida lo wado dawladaha oo talyaaniga ayaa mudo wax barayay. ayuu yidhi wasiir buuni waxaan layabaa kuwa koon furtu markay sool iyo sanaag sheeganayaan. waxuuna wasiir Buuni oo si wayn loo dhagaysanayay ku sii daray qudbadiisii walaalayaal gudi baa jira loo xil saaray maamul fidinta soo gaadh siinta gobolada kale ee Sool, waxana Gudoomiye u ah oo dhawaan imandoona Boorama madaxwayne ku xigenka soomaliland. md. axmed yuusuf yaasiin ana waxaan uga soo horeeyey Dadkaagii sii wargali si geesinimo ku jirto wax ha u bixiyaane waa taa ta i keentay ragii maal qabeenadii iima muuqdaan sidii badhasaabku shaagayay. hargaysa liisanada ayaan ka qaadnay kuwii noo iman waayay ninba intuu bixin karo ayaan ka qaadnay una dhaxaysa 100$ ilaa 50,000$ ninba sida uu wax u haysto inaga ma filayo inay inaga gaadho liisan ka qaadid waftiguna wuu imanayaa waxaan rabay inaan i suu diyaar garowno. xaga wadada waaan ku taageerayaa Dawladuna cidii wax soo kordhisa way garab gashaa caawisaa raga mucaaridka waxaan o dhan lahaa markaan Dahab sheego waa maar ha odhanina, wasiir Buuni ayaa sidaa yidhi Beelaha galbeed ee isku dhacu dhax maray waxuu ku yidhi walaalayaal is daaya Cuqaala haloo diro kuna taliyay in lakala dhaxgalo. xaga sportiga ayuu wasiirku soo hadal qaaday iyo tahriibka soo badanaya ee reer Awdal. garoonka waan dhisaynaa iyo kuwa kaleba waanan gaadh siin warkiina xukuumada tariibkana joojiya soomaliland waa lagu soo yaaci doonaa ee laga yaaci maayo bari dhow marka la ina aqoon sado. sidaa waxaa yidhi wasiirka oo soo gunanadayay shirkii uu la lahaa ganacasatada haweenkana ku yidhi Gudi samaysta kana qayb qaata taakulaynta walaalaheena sool.

Muqaalka guud ee uu yeeshay shirkii maantu waxuu ahaa dad waynaha reer Awdal oo muujay sida ay uga go, antahay inay dhistaan dhulkooda soona gaabatay rajadii ay ka qabeen waxka suga xaga Dawlada iyo Mucaaradka oo soo baranaya sida loogu hadlo Shacabka haday sidaa ku sii wadaana kasban doona taageero ka badan tan ay hada gobolka ku haystaan
 

- To Submit Information Click here--

 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com