|
|
 |
|
| |
Magacaanta
Xusuustii Xanuunka reebtay ee
Wadaadadii
la toogtay 1975 & Gawraca 2008
April,27,2008
23dii Ap 08 Ciidamada Ethiopia ee ku gawracay
masaajidka
Culimada iyo indheer garatada waa mid aan la iloobi
kareyn
Illahayna naxariistii Janno haka waraabiyo
hababa Abdillaahi yusuf waa Nin la soo shaqeeyey
dawladii
hore ee gaysatey dhacdadan hoos ku xusan Dadka
qaarkii
haday iloobeen Dad aan iloobayn ayaa jirra .
11dii January1975: Dawladii kacaanka ee Siad Barre
waxay soo saartey Qaanuun loogu magac daray sharciga
Xeerka Qoyska,Dadweynuhuna u bixiyeen ( Hooga Qoyska)
12dii Jan 1975: Siad Barre wuxuu Khudbad ka jeediyey
Garoonka
labaad ee Muqdisho ( Stadio Cons ) oo ahayd
Munaasibad ku saabsanayd Maalinta Haweenka.waxaana
ka raacay fadeexad
markuu laaley Xeerkii Islaamka ee Xeerinaayey
Guurka,Furniinka
iyo Dhaxalka wuxuuna ku badalay in Haweenku la
simanyihiin
lana xuquuq yihiin Ragga iyo wixii xuquuqa ee Madani
ah
isagoo waliba xadeeyey Haweenka badan ee la
guursanayo
wuxuuna tirtirey Sharcigii Fiqiga ahaa ee
Maxkabadaha Dalka
lagaga Dhaqmaayey ilaa aamanuuntii & Aaydihii
Quraanka ee ka hadlaayey Dhaxalka iyo Guurka oo loo
fasirey in Haweenka la
Dulamay taas oo ka soo horjeeda Diinta Islamka.
13dii Jan 1975: wuxuu la shirey Garsoorayashii
Maxkabadaha Dalka wuxuuna u sheegay in goáanka
Daryeelka Qoyska Somaliyeed laguna dhaqmo.waxaana ka
Biyo diiday Culumo badan oo dhegna jalaq u siin
waayey waxayna uga jawaabeen
si kulul oo cadho ku dheehantahay waxayna culumadu
bilowday
Maxaadarrooyin iyo kullamo lagu nacladeynayo ku
qabteen
masaajidyada.
16-17dii Jan 1975: waxaa dhamaan masaajidada
waaweeyn ee
Muqdisho lagu soo firdhiyey Boqolaal ka tirsan
Ciidanka
Nabad Suggida Somaliyeed ( NSS ) si ay u dhagaystaan
Tafsiirka la akhriyaayog gaar ahaan masjidka Arbaca
Rukun oo Cashar ku saabsan sinaanta Ragga iyo
Dumarku uu ka socday una qabtaan Culimada hormoodka
ka ah. isla maalintaas waxay
qabteeen 35 Wadaad laguna eedeyey gacansaar inay la
leeyihiin Ururo Carbeed oo Qowlaysato ah isla
markaana Dhaqaale iyo tababaro ka helaan Wadamo
Carbeed sida Saudi Arabia
18-19kii Jan1975: Wadaadan waxaa la qaadey
Dacwadoodii iyadoo
loo raadinayo sababo culus oo loo waafajinayo
Xukunkooda
19kii Jan 1975 waxaa la xukumay wadaadadii iyagoo
lagu kala xukumay dil iyo xabsiyo kala duwan waxaana
loo xukumay sidan
23dii Jan 1975:10 Wadaad waxaa lagu Xukumay dil
toogasho ah waxaana lagu toogtay Dugsiga Booliska
10:00kii subaxnimo waxaana daawasho looga kal yimid
Goloyaasha Dawlada & Ciidanka qaybihiisa kala duwan
iyo Dhamaan G/Banadir waxaana dul heehaabayey oo la
soo kiciyey labo Diyaaradood oo ah nooca dagaalka si
Dadweynaha loo cabsiyo galiyo markii ay dulmaraayeen
Xaafada Waaberi labadii Diyaaradood wey isku Dhaceen
Waxaana ku naf waayey 52 qof oo rayida.Illahay ha u
naxariiste iyaga iyo Wadaadadii la toogtay oo kala
ahaa sidan
1.Sheekh Axmed Sheekh Maxamed 6.Sheekh Cali Jaamac
Xersi
2.Sheekh Cali Xasan Warsame 7.Sheekh Aadan Cali
Xersi
3.Sheekh Cabsiiye Diiriye 8.Sheekh Yasiin Cilmi
Cawil
4.Sheekh Cusman Jaamac 9.Sheekh Axmed Liiban
5.Sheekh Maxamud saciid Xersi 10.Sheekh Muuse Yuusuf
6 Wadaad waxaa lagu xukumay 30 sanno oo xariga
waxayna kala ahaayeen sidan
1.Sheekh Aadan Nuur Cilmi Cali
2.Sheekh Maxamed Samatar Cali
3.Sheekh Cabdi salad Cabdullaahi
4.Sheekh Xersi Xuseen
5.Sheekh Aadn Cabdullahi
6.Sheekh Xasan Barre
17 Wadaad waxaa lagu xukumay 20 Sanno oo xariga
waxayna kala ahaayeen sidan.
1. Sheekh. Axmed Maxamed Cusman
2. Sh.Cabdi Cali C/rahmaan
3. Sh.cabdi Cabdullahi
4. Sh.Maxamed Maxamud Weheliye
5. Sh.Axmed Cali Yusuf
6. Sh.Shariif Maxamed Yusuf
7. Sh. cabdullahi Faarax Cigaal
8. Sh.Macallim Xasan macallim C/rahmaan
9. Sh.yacquub Maxamed macallim
10.Sh Macallim Cabaas Muse Faarax
11.Sh Bashiir Sheekh Maxamed
12.Sh.Cali Mursal Maxamed
13.Sh.Cumar sSheekh Cali
14.Sh.Abuubakar Xasan
15.Sh.maxamed Abdi
16.Sh.Ismaaciil Xasan Aaden]
17.Sh.Xasan Cawaale
Markii u dhacaaayey xukunkani Madax badan oo
Somaliyeed kama
ay hadal waxayna u ahaayeen markhaati oo waliba
qaarkood ay noolyihiin Madaxdii Somaliyeed ee
wakhtigaas waxay u a dagaalameen qabiiladooda maanta
Qaarkood ayaa nool ama hala socdeen cadowga ama ha
hadhsadaan Maamul-Goboleedyo iwm. in lagu hor
gawraco Culimadooda waxay ka yihiin raali Laakiin
inteebay socon kartaa ? Somalidu weligedba wey diri
jirtey weyna heshiin jireen , laakiin dawada kaliya
ee Somalida maantu waa Diinta
taasina waa ta keentay in Culimadooda lagu Hor
gawraco .
NB
Abdillaahi Yusuf maalintii shaatiga dhiiga loo
geshay Khudbadiisii ugu horeysay wuxuu yidhi: Cidii
na soo weerarta waan
isk celinaynaa , Cidii na soo farogalisana waxaan
dhahaynaa waar na daaya (Nairobi October 2004 )
maantana ? ? ? ?
Hadii aan maanta wax fahmi weyno ma waaxaan sugaynaa
marka Amxaaradu kabbaha la soo gasho masaajidada *
Dr :Omer Osman
Rabi 1998
Maxamed Xaji Ibraahim Egal: wuxuu yidhi Somali mar
uunbay isku iman doontaa laakiin Ereteria & Ethiopia
yayna waxba daalin
Somaaliya Somali baa leh
Mahdi Farah Aden
Amsterdam / Holland
farahaden99@hotmail.com
|
|
|