|
War
saxaafadeed shalay ka soo baxay madax tooyada
soomaliland oo war gayska haatuf si ba'an loogu
dhaliilay feb,04,02,2007-
Daahir axmed, saylacnews=boorama waxaa shalay oo
dhan dadka ku dhaqan magaalooyinka waa wayn ee
soomaliland, ay aad ugu doodayeen .war
saxaafadeed ka soo baxay madax tooyada
soomaliland, oo si xun loogu wiiqay sumcada
wargays ka haatuf, ee ka soo baxa magaalada
hargaysa. in dhawaalahana xidhan yihiin
maamulkii wargaysa ka haatuf iyo wari yayaal ka
tirsan isla wargaysaka oo logu soo e deeyay
warar ayka qoreen xukuumada soomaliland oo musuq
maasuq ku lugleh iyo af lagaa dooyin ay u gays
teen qoyska madaxwaynaha.murankuna uu bayr
yahana ka dhax aloosnaa war gaysaka iyo
xukuumada shalay markii uu soo baxay war
saxaafadeed kii madax tooyadau soo saartay ,kuna
saxeex naa af hayen ka madax too yada
soomaliland. cabdi idiris ducaale, war
saxaafadeed ku wuxuu haatuf ku ee deeyay been
abuur ay kula kacday dawlada oo mar iyo laba
ahayn uguna dan beeyay warkii ahaa madaxwaynaha
iyo wasiirka xidhiidhka golayaasha soomaliland
iyo xoghayaha guurtida, iyo xubna kale oo
dawlada ah dhamaan toodna ,ka soo jeeda beesha
samaroon,ayaa u ,kulmay si ay u eryaan gu
doomiyaha guurtida soomaliland salaymaan
maxamuud aadan . (salaymaan gaal)
Aan ugalo doodii dad waynaha ku dhaqan
soomaliland ,ugu harayn waxaan la xiriiray oon
wax ka way diiyay, wariya xasan maxamed yuusuf
oo ka tirsan shaqalaha radiyoo hargaysa iyo
tifiiga madaxa banaan ee qaranka soomaliland
kana mida ururka (solja )ee dalada saxafada
soomailand ku bahobeen waxaan way diiyay haatuf
sida uu arkao iyo xadhiga wariyayaasha, wuxu
yiri haatuf marka horaba guuni ayay uga soocnayd
war baahinta soomaliland oo waxy diiday ururkii
(solja) kana mid ma ihi ayuu yiri ,maamulka
wargaysaka haatuf, maxamed cabdi gaboobe .maantana
waa kaa ku qaylinaya xeerka uyaal saxafada
soomaliland ha la igi xukumo,waatii uu shalay
diidanaa , xerka saxafada uu ku doodayina waatii
aan ugu tag waynay ururuka SOLJA ayaa dajiyay
xeerka labada gole qarana way an sixiyen
madaxwaynuhuna wuu saxeexay. taasuu horay ina
cabdi gaboobe u diiday wuxuu samaystay urur
kalidiiya maantana wargayskii wuxuu doonuu
qorayaa waana laga gar hayaa xeerkana hala
mariyo .waxaanan kula talin lahaa markuu soo
baxo inuu ku soo biiro ururka SOLJA si uu wax
ula qabo saxaafada dalka iyo dhaqan keeda intaa
ayuu kusoo koobay,wariye xasan maxamed oo ay
laxidhiidhay saylacnews.
borama meelaha laga shaaho ama bunka laga
cabo.iyo mijilisyada ayaa doodahani aad uga
socdeen .qar haatuf taageera iyo qaar ka soo
horjeedaba .waxa laga facay oo ku jiray war
saxafdeedka in TV.madax banan oo ganacsi oo
hargaysa laga daawadi habeen dhawyd sii daayay
cajaladii dhulka soo anigu malihai ; qabtana
doodo madaxaa banaana oo wax kasta layiraa hadba
doodu shalay wayka duwayad, ku wii hore haatufna
wargays aad loo jecel yahay ayuu ahaa waxana la
dhawrayaa sida xukunka wariyayasha xidhan ee
haatuf dawladu ka yeesho
Qaybaha Ciidamada Boorama oo Siminaar HIV/AIDS
loo qabtay
Daahir Axmed(Jirde) Saylacnews = Boorama, 04
Feb. Qaybaha kala duwan ee Ciidanka magaalada
Boorama ayaa siminaar dhawaan loo furay,
siminaarkan oo ku saabsan wacyi galinta
HIV/AIDS, waxay ka tirsanaayeen ciidamada
Booliska, Ciidamada Asluubta, Ciidamamada
Milatariga, waxaana barayay casharada hayad reer
Hargaysa oo la yidhaa SAHAN, waxaana fulinayay
HAYDA oo hoos timaad SAHAN, HAYDA oo iyadna ah
Urur ka dhisan Hargaysa.
Ciidamada ayaaa waxa ku jiray sadex dumar ah oo
ka socday Booliska Boorama, Siminaarkan ayaa
lagu soo gabgabeeyay Hotel RAYS Boorama, Inta
badana waxaa la isweydiiyaa Ururada Caasimada ee
Qandaraaska ku haysta wacyi galinta HIV/AIDSka,
maadaama ay jiraan Ururo ka dhisan G/Awdal oo ku
hawlan wacyi galinta xanuunada halista ah.
Magaalada BOON iyo Dhibaatada Ka haysata Geedka
TIINKA
Daahir Axmed (Jirde), Saylacnews = Boorama, 04
Feb. Magaalada Boon waxay ku taal galbeedka
Boorama, waxayna u jirtaa 50 Km waxyana ka mid
tahay magaalooyinkii la dhisay wakhtigii
dagaalkii labaad ee Aduunku bilaabmay, Magaalada
Boon inta badan waa magaalo taariikh iyo fac
weyn leh, inta badana waxay Caan ku ahayd
meeshii u horaysay ee laga Bilaabo ISKAA WAX U
QABSO, Hadaba magaalada Boon waxaa mudooyinkan
dambe dhib aad u badan ku hayay geedka TIINka la
yidhaa.
Geedkan Tiinku wuxuu qabsaday deegaanka u
dhexeeya tuulada Qulujeed iyo magaalada Boon, oo
ah dhulkii xoolo daaqsinta ahaa, dhanka kale
wuxuu u dhaadhacay dhulka ka hooseeya
Xaliilmaale ilaa FadhiXun, Inta badan meelaha uu
ka baxo geedkan Tiinku waxa ka guura Nabaadkii
kale ee ka bixi jiray, sida Dhirtii iyo Daaqii,
Dhul beereed aad u fiicnaa geedkan Tiinku wuxuu
sababay in laga guuro, Geedkan Tiinku waa mid
aad u sii fidaya deegaanada qaarkood, wuxuuna ku
socdaa xawli aad u dheeraynaya.
Waxyaabaha uu keenay geedkan Tiinku waxaa ugu
weyn, Dadkii xoolo dhaqatada ahaa oo ay xoolihii
ka madhaan iyo Beerihii oo ay ka baro kaceen
dadkii qodan jiray, geedkan Tiinka fidistiisa
waxaa ka qayb qaata Daayeerka oo marka uu cuno
ula baxa deegaanda Buuraha, halkaas oo uu ka sii
biqlo geedkaasi.
Hadaba waxaa loo baahan yahay in looga soo
gurmado deegaanada uu geedka Tiinku dhibaatada
ku hayo, Dadka ku nool deegaanada uu u ka badan
yahay Tiinku, waxay inta badan is weydiiyaan in
ay jiraan wax faaiido ah oo laga samayn karo
Tiinka, waxayna ku sheekaystaan in laga sameeyo
Saabuunta iyo Shaambooga, Hadii warshad samaysa
saabuunta la keeno ayaan faaiido helaynaa ayay
yidhaahdaan dadka deegaanadaas aan kula kulmay
dhawaan mar aan soo maray.
|