|
|
 |
|
|
Tirada Ardayda Waxa Ka Barata Dugsiyada Saylac
Oo Korodhay
Boorama-(Lug)-Gudoomiyaha waxbarashada degmada
Saylac oo maanta u waramayay wariye Caafi ayaa
faah-faahiyay sida ay u socoto waxbarashada
degmadaasi si hufan in kasta oo uu gudoomiyaha
waxbarashadu degmada Solac Saleebaan Tukaale
Raage oo 3 sano ka hor ahaan jiray Xoghaya
Fulinta Dowlada Hoose ee degmadaasi waxuuna
sheegay inay degmadu baaxadeedu aad u balaadhan
tahay xuduudna la leedahay Jabuuti , Xeebta
Saylac , Degmada Lughaya , iyo Ethiopia iyo
Degmada Borama .
Mr-Saleebaan waxuu carabka ku dhufatay inay
degmada ku yaalaan 12 iskuul oo isugu jira Hoose
, Dhexe iyo labada iskuul ee Secondary ah isagoo
arimahaasi sii faah-faahinaya waxuu yidhi 10
iskuul waxa weeye Hoose/Dhexe waxaana dhigta
5200 arday halka dugsiyada sare ayna waxba cidi
ka dhigan balse Gudoomiyaha degmada Saylac waxuu
cadeeyey inay Wasaarada Waxbarashadu u jeediyeen
in dugsiga sare laga dhigo meel wax ay ku
bartaan arday xeryaha qaxootiga ka soo laabmay
ee soo dhamaystay dugsiga dhexe looga furo
Iskuul Sare ee xirfadaha bada qeybta
kalluumaysiga isagoo ka hadlayana waxuu yidhi
Wasiirka Waxbarashadu S/land Xasan X.Maxamuud
iyo Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Awdal
Proffessor Dahir Maxamuud Xadi way naga aqbaleen
arintaa waxaanan ku talo jirnaa Gudoomiyuhu
waxuu tilmaamay in ay (feeding Center) goobta
lagu quudiyo carruurta wax dhigata waxaana
bixiya WFB iyo NRC oo uu ku tilmaamay inay gacan
ka gaysatay dhiiri galinta waxbarashada dadban
waxayna bixisaa gunooyin la siiyo iyo Uniform
ama direys ardaydii iskuulka ku dhigtaan waxaanu
intaasi raaciyay waxaana ka dhisan fasalo wax
lagu barto ilaa imikana macalimiinta wax ka
dhigta dugsiyada Saylac waxay dhan yiiin 47
macalin balse Mr Saleebaan waxuu farta ku fiiqay
in hada loo Kariyo ardayda Raashin ay bixiso WFP
in kasta inay raageen raashinkii loogu talo
galay inuu ku kabto waxuuna ugu baaqay inay
arintaasi xilka iska saaraan .
Mrs Saleebaan waxuu farta ku fiiqay inay
dhismayaasha Iskuullada Tayaynta iyo tirade
ardayda ee sii kordhaysa ay timid mudadaan
waxbarashada gobolka Awdal uu gudoomiyaha ka
yahay Proff-Dahir Maxamuud Hadi oo uu ku
tilmaamay inuu yahay nin garanaya Aqoontu waxay
tahay dadaal dheeraadana ka muujiyay siday
degmadu u soo saari lahayd arday aqoontoodu
sareyso lana tartama degmooyinka kale.
Mar uu ka hadlayay Gudoomiyaha waxbarashada
Degmada Saylac Saleebaan Tukaale dhibaatooyinka
Hakiya waxbarashada Saylac waxuuna sheegay dadku
intooda badan inaanay waxba haysan oo uu ula
jeeday inay ka liitaan dhinaca dhaqaalaha
degmada Saylac marka laga hadlo min Xariirad
ilaa Lowyacado oo ku tilmaamay inay aad u
ballaadhan tahay inay iskuulo laga wada dhisay,
Lowyacado , Saylac , Toqoshi , Caasho Cado ,C/qaadir
Xariirad , Jidhi , Fiqi Aadan , dhibaatooyinka
ka jiraana waxa weeyi waxaa xeryaha qaxootiga ku
nool dadkii aan wax haysan oo marka horaba
meesha sii daganaa waxuuna intaa sii raaciyay
inaanay jirin imkaaniyaadkii aan ku soo hubin
lahaa sida wax loo dhigayo .
Waxaa kaloo intaa ka mid ah ayuu yidhi
dhibaatooyinka NGO yo oo iyaguna Sameeyay
Iskuulo gaar ah oo ay ka mid yihiin Horseed iyo
Iqra oo mushar siiya macalimiinta diidayna inaan
iskaashi yeelano .
Gudoomiyaha waxbarashada ee degmada Saylac oo u
muuqda nin aad u neceb ururada bulshada sida
fiican wax ugu qabtay ee waxbarashada sida IQRA
iyo HORSEED waxaa uu hadalkiisa kusoo
gabagabeeyey sidan.
Waxuuna Muumulada degmooyinka Saylac iyo Lughaya
ku tilmaamay inay wax ka qaban waayeen
Ururadaasi carqaladaynaya waxbarashada Iskuulada
dowlada waxuuna intaasi raaciyay inay gacan ka
gaystaan waxbarashada , Jaamacada Camuud oo
tababar siiya ma mucalimin ka tirsan degmooyinka
kaa xeebaha si sare luugu qaado aqoonta
macalinka UNDP –Unicef NRC iyo WFP oo kaalin ka
gaysta tayaynta waxbarashada Saylac
Wariye: Abubakar Hassan Afi
Borama LughayaNews
|
- To Submit Information Click Here -
|
|