| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Bowden Drilling: Shirkadii Shidaal Qodista ee Awdal 1988
Mahdi Farah Aden (Mahdi Ghandi )
April,12,2008

Shirkada Mareykanka ee Chevron oo ah shirkadaha ugu waweeyn ee xaga
Shidaalka, waxayn baadhitaano ka sameysay meelo badan oo Somalia ku yaal
xiligii dawladii Maxamed Siad barre Illaahay ha u naxariistee.
Chevron waxay baaadhitano ku sameysay meelo badan waxaana ka mid ahaa
Deegaamo ku yaala Awdal sida: Hemal1, Hemal 2, Geerisa,Habaas
Ceel-Gaal iyo Xeebaha Lughaya .
Chevron oo sii wadata hawlaheeda baadhitaan ee Shidaalka waxay

qandaraas hoose siisay ( sub-contract )shirkadaha ku jirra dallada baadhitaanka
shidaalka(Subcontract exploration network ) waxaana ka mid ahaa shirkadaha
Conoco & Fina oo Bariga Somalia laga siiyey ,iyo Bawden Drilling oo laga siiyey Awdal

Bawden Drilling waxay aheyd shirkad laga lahaa Wadanka Canada oo hawlaheedu yihiin
qodista shidaalka,Macdanta iwm.markii ay ka bilowday Gobolka Awdal sanadihii 1987-1989
hawlgalkii ugu horeeyay waxay ka bilaabeen Ceel-Gaal.
waxaan Mas,uul ka ahaa Gaadiid ay lahayeen ganacsato Reer awdal ah oo daabula
alaabta Transitka ee Djibouti-Somalia. waxaan ka soo qaadi jirey dekada Djiboutia
qalab isugu jira Saliida Motorada Nooca W40 & W50, xaydha la mariyo Motoorada
Qalabka dayactirka iyo markaan imaado oon qaban jirey xooga maamulka Gadiidka
iyo Saadka ee looga baahan yahay Djibouti ( Transportation and Logistics ) & lacagta xamuulka
wakiilka Bawden Drlling ee Djibouti waxay aheyd shirkad la odhan jirey
Micheal cott ,shidalkana waxay ka soo qaadan jireen Mobil Djibouti
hadaba dhawr jeer markii aan imiday Ceel-Gaal waxaan shahiid u ahaa God ama Hog
qiyaaasti u dhow Garoon kubadeed (Football Field ) hoosna u dheer oo Cagaf-cagafyo
waaweeyn ay ku jiraan, shaqaalaha Somalidu way ku yaraayeen waxayna ubadnaayeen
Philipines & xoogaa Khubaro Western ah,turjubaan waxaa ka ahaa Xuseen Ingriis
xaga nabadgelyada waxaa u qabilsanaa Taliyihii Ciidama xeebta ee wakhtigaas
markii dambena Wasiir ka noqday Maamulka Somaliland MD: Cabdilaahi Dirawal oo ahaa
Sarkaal xukumi jirrey Ciidankii Hobiyaha ee Xooga Dalka Somaaliyeed ee Caracad /Quljeed

1988 waxay dalbadeen 3000, Kiish oo Shamiito ama Shibidhka biyaha lagu joojiyo
waayo ? Banka Giriyaad oo leh biyo hoosaad aad u badan (under water polution )
Dawladuna waxay ku amartay in Shibidhka dalka dibadiis laga keeni karin
ee lag dalbado Warshada Shibidhka ee Berbera.
waxay ku shubeen Bohoshii qodnayd mudo Bil ahka dibna waxay ku rogeen
Ciidii ay ka faageen ama ay ka qodeen Bohoshaas.

Dad badan ayaa aaminsan In la daboolay la soo saari doono
halka kuwo kalena ay aaminsanyihiin in Shidaalka qaabkan oo kale aan loo qodin
laakiin dhibaatadu waxay ka taagan tahay Dadka Somalida oon laheyn aqoon ku filan
oo Dadka iyo Dalkaba ku mareeyaan, haday noqoto xaga khayraadka iwm

Dhacdadan waxaan u ahaa markhaati, maqaalkuna wuu sii socon doona

Mahdi Farah Aden (Mahdi Ghandi )
Amsterdam /Holland
farahaden99@hotmail.com

qoraalada kale ee Mahdi kala soco saylac.com
 

- To Submit Information Click here--

 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com