| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

Dawlada Itoobiya oo ku eedaysey in Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan xisbiga Kulmiye ee Mucaaradka somaliland ay cilaaqaad
hoose la leeyihiin  Jabhada Xoraynta Ogaadeeniya (Ogaden National liberation Front ONLF).

April,06,2008

Addis (Saylac.com) Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamda Itoobiya ee Bariga Itoobiya ayaa saylac.com u cadeeyey inay dawlada
Itoobiya si qotodheer ula socon doonto Doorashooyinka ka dhici doona Jamuuriyada Somaliland. Sarkaalkan ayaa waxa uu sheegay
in Dawlada Itoobiya ay si gaar ah u danaynayso xasiloonida iyo deganaanshaha Jamuuriyada Somaliland oo uu sheegay inuu
dhaqaalaha Itoobiya ku xidhan yahay.

Sarkaalkan ayaa saylac.com u cadeeyey in Dawlada Itoobiya ay ka go'an tahay inay si xoogleh uga hortagi doonto qalalaase
kasta oo ka dhaca Jamuuriyada Somaliland waaba hadii ay dhacaane. Sarkaalkan oo diiday in magaciisa la sheego ayaa waxa kale
oo uu carabka ku dhuftay in Markasta oo uu dhaqdhaqaaq doorasho ka dhacayo Jamuuriyada Somaliland ay ciidamada Itoobiya ee
Kililka shanaad ku sugani ay heegan galaan xadkana la soo dhoobi doono si hadii danaha Itoobiya ay ka leedahay somaliland wax
arqalad kalin karaa i uu dhaco ay uga hortagaan.

"Doorashooyinkii hore ee ka dhacay Jamuuriyada Somaliland ciidamada Itoobiya ee aan keenay xadka u dhexeeya Somaliland iyo
Itoobiya waxay dhanaayeen 1300 askari oo hubaysan lakiin sanadkan xiisada doorashada oo aad usaraysa awgeed waxaanu kusoo
biirin doonaa 3400 " ayuu yidhi sarlaankani mar uu saylac.com tafaasiil dheeraada oo xaga xarakaadka ciidamada Itoobiya ee la
soo dhoobi doono ka hadlaayey.

Sarkaalkan oo uu waramaayey Wariye Cabdi Wali wariyaha saylac.com ee Itoobiya ayaa waxa kale uu sheegay inay dawlada Itoobiya
iyo Dawlada Somaliland ay leehiyiin xidhiidh qoto dheer oo dhaqaale iyo mid siyaasadeedba. Waxa kale oo uu intaa raaciyey in
Ra'iisul wasaaraha Dalka Itoobiya aanu marnaba aqbali doonin in koox mucaarad ku ah dawlada somaliland ay isku daydo inay
mijo xaabiso deganaanshaha iyo nabada ka jirta Jamuuriyada somaliland isagoo kooxahaa ula jeeday xisbiga Kulmiye oo dawlada
Itoobiya uga shiki qabto inuu xidhiidh hoose la leeyahay Jabhada xoreynta Ogadeeniya oo iyagu halkan qadhaadh oo isbiimayn ah
kula jira Dawlada Itoobiya.

Xidhiidhkan ka dhexeeya labada urur ee mucaaradka ah waa Kulmiye iyo ONLF ayaa waxa uu bilawday wakhti hada laga joogo lix
sanadood waxaanu soo shaacbaxay ka dib markii ay dawlada Somaliland sanadkii inaga tegay qabqabtey xunbo ururka OLF ka tirsan
oo shirar qarsoodi ah kula lahaa magaalada Hargeysa hogaamiyaha xisbiga kulmiye Mudane Axmed Maxamed"Siilaanyo", kulamadan
ayaa badankoodu waxay ku saabsanaayeen sidii hub qarsoodi ah oo qiimahooda lagu qiyaasay $449,000 ay masuuliyiin sare ee ka
tirsan xisbia kulmiye uga noqon lahaayeen wakiil si looga soo dejiyo dekada Berbera ka dibna loogudbiyo Kililka shanaad si
gacanta looga galiyo Jabhada Xoraynta Ogaadeediya.

Lacagtan badankeeda ayaa waxa bixiyey maalqabeeno ka soo jeeda kililka shanaad  oo degan wadamada dibada ,hase yeeshee ay suurto gali waydey ka dib
markii sirdoonka Jamuuriyada Somaliland oo kaashanaya sirdoonka Dalka Itoobiya ay dhexda u joogsadeen laguna qabqabtey afar
xumbo oo ka tirsan jabhada ONLF oo markaa ku sugnaa magaalada Hargeysa sugayeyna inay mashruucan dhamaystiraan. Ragan ayaa markii danbe loo gudbiyey  dawlada Itoobiya .

Arintan ayaana hada ka hor cidi aanay ka hadal ujeedada ugu weynina ay ahayd si loo daba galo xubno kale oo ka tirsan ururka
ONLF oo looga shikisanaa inay lug ku leeyihiin arimahaas balse aan ilaa hadda la ogayn meel ay ku sugan yihiin.

Sarkaalkan ayaa waxa uu sheegay oo kale in xasiloonida iyo deganaanshaha ay dawlada Somaliland u horseeday dadkeeda aanu
jirin wax loo dhigo isla markaana uu dan guud u yahay gobolka oo dhan . "Dawlada soomaaliland maaha dawlad caalamku aqoonsan
yahay waxana la gudboon shacabku somaliland marka hore taa inay  madaxa galiyaan , sidaa daraadeed hadii uu dagaal sokeeye ka
oogsamo wadankani wuxuu ku burburi karaa hal usbuuc oo kaliya markaa inta aqoonsi wadanku helayo waxa dawlada Itoobiya ka
go'an inuu wadankani somaliland ahaado mid nabad ah oo horumar dhinac walba ka sii gaadha lakiin aan u baahneyn xisbiyo mucaarad
ah oo dadka kiciya xidhiidhna la yeesha ururada rabshadda ka doortey dimoqraadiyada sida ururka ONLF" ayuu hadalkiisa ku
daray sarkaalkani.

Sarkaalkan oo saylac.com u soo gudbiyey nuqul qoraal ah oo ku qoran afka Xabashiga ayaa waxa soo turjumey wariye Cabdi wali
nuqulkan oo ku qoran afka xabashigana waxaad ka soo dalban kartaa saylac.com oo gacanta ku haysa decuments uu Sarkaalku ku
cadaynayo hadaladiisa oo ah kuwa ay ku kaydsan qolka kaydinta qoraalada ee saylac.com.

Dawlada Itoobiya ayaa dano weyn ku qabta deganaanshaha dalka somaliland iyadoo isticmaasha dekada weyn ee Berbera oo ay kala
soo degto 25% raashin oo iskugu jira Mucaawinada Hay'adaha caalamiga ahi ku caawiyaan dalka Itoobiya iyo 13% oo ah
Badeecooyin iyo Raashino kale oo Ganacsato Itoobiyaan ahi ay kala soo degaan dekada Berbera. Inkastoonan la xaqiijin karin
hadana waxa tuhun ku sheeg dadku ku hasaawaan inay Itoobiya qalab milateri isagana marmar kala soo degto Dekada Berbera lakiin
ma jiro wararkaasi wax cadayn ah oo la daba dhigi karo.

Dawlada Itoobiya oo ka tusaale iyo khibradba qaadanaysa mashaqada ay lugaha la gashay ee ka taagan koonfurta soomaaliya
ayaa waxa ka go'an inay ka hortagto in xisbi mucaarad ahi oo tiro yari khalal galin karo xasiloonida lagu gam'o ee ka taagan
Jamuuriyada somaliland.

Cabdiwali Maxamed
Saylac.com
Addis- Itoobiya

 

- To Submit Information Click here--

 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com