|
|
 |
|
|
Gudoomiyaha Siyaasada
Xisbiga Udub oo komishanka ku war-geliyay in
lagu sugayo cayimaadda waqtiga doorashadu
qabsoomayso..April,07,2008
Hargeysa(Saylac.com)Gudoomiyaha Gudiga Siyaasada
UDUB Cumar Jaamac Faarax ayaa beeniyay eedayn
Gudiga doorashadu ugu jeediyay Xisbiga talada
haya inay carqaladayna nidaamka doorashada iyo
inay Xukuumada faraha kala bixi weyday hawlaha
Komishanka.
Xisbiga Udub oo xalay warsaxaafadeed soo saaray
waxa uu ku dooday inay la shaqaynayaan
Komishanka iyo Axsaabta mucaaradka ahba. “Haddii
aanu nahay Xisbiga UDUB waxaan halkan ku
xaqiijinaynaa arimahan soo socda
In Xisbiga UDUB haba yaraatee aanu wax gacan ah
kula jirin Guddiga Doorashooyinka Qaranka,
kalana shaqaynayo sidii ay u qabsoomi lahayd
doorasho xor ah oo xalaal ah.
Waxaanu aaminsanahay in Guddiga Doorashooyinku
Qaranku u madaxbanaan yahay howlaha Doorashada
ee ay u xil saran yihiin,sida uu xusayo Xeerka
No.20 ee Doorashada,Qodobkiisa 11,Faqrada 6.
Waxaanu ku talinaynaa in dhamaan wixii lagu
muransan yahay,kuna saabsan Guddiyada
Doorashooyinka ee Gobolada,in lagu
dhameeyo,wadatashi iyo si waafaqsan Xeerka
Doorashooyinka.
Waxa laga sugayaa gudiga doorashooyinka in ay
cayimaan waqtiga doorashadu qabsoomayso,
xaliyaana waxii khilaafaad ah ee dhexdooda yaala”
ayaa ka mid ahaa warsaxaafadeedka,
Waxana uu intaa ku daray Cumar Jaamac “Waxa wax
laga naxo ah in guddoomiye ku xigeenka gudiga
doorashooyinka uu ugu baaqo beesha caalamka,
deeq bixiyayaasha doorashooyinka in gudiga
doorashooyinka oo ka midka yahay aanay qaadin
Karin masuuliyada doorashooyinka
Waxay gudigu si gaar ah xal ula gaadheen labada
xisbi ee Mucaaradka ah iyaga oo aan haba
yaraatee wax talo ah weydiin Xisbiga UDUB.
Haddii aanu nahay xisbiga UDUB waxanu diyaar u
nahay wada shaqaynta Komishanka doorashada
Qaranaka iyo Xisbiyada mucaaradka ah anagoo tix
gelinayna markasta habsami u socodka
Dimoqraadiyada iyo danta dalka iyo dadka
Somaliland .
Waxanu kula talinaynaa guddoomiye ku xigeenka
gudiga doorashooyinka qaranka Mudane Xirsi Cali
X. Xasan inuu noqdo shaqsi u dhex ah saddexda
Xisbi qaran,waxaana muuqata inuu bartilmaameed
ka dhigatay inuu si cad u weeraro musuuliyiinta
Xisbiga UDUB. Taas oo wax yeelaysa kalsoonida
xisbigu ka qabo dhexdhexaadnimadiisa.”
Cabdiqani X. Baynax
Saylac.com / Hargeysa / Somaliland |
|
|