| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

Sirdoonka Saylac: Lacagtii qurbojooga Awdal u direy dadka tabaaloobay halkay martey?
April-01-2008

Borama(Saylac.com) "Balan daro waa diin daro" Lacagtan oo qadarkeedu dhamaa $83,000 ayaa $19,420 sida warar qarsoodi ah oo lagu kalsoonyaha ay saylac.com u sheegeen gacanta laga saarey Eng. Cabdiraxman Saylici si uu ugu galo doorashada xisbiga kulmiye ee dhawaan lagu soo gabagabeeyey magaalada Hargeysa.!

Lacagtan markii laga saarayey khasnada Dahabshil boorama ayaa loo saarey siyaabo kala duwan si aan dadku u ugaan isla markaana lagu dhex khalday lacagooyin gaadhayey $23, 000 oo raashin loogu iibiyey dadyowgii ku tabaaloobay duufaanadii dhawaan ka dhacay gobolka Awdal.

Sida uu afkiisa ka sheegay Mr.Axmed Maxamuud Geele  "Dacar" maruu ka hadlaayey shirweynihii labaad ee xisbiga kulmiye wuxu yidhi "Anaga abaarihii ka dhacay gobolka Awdal dawladu way iska indha tirtey abaalka koobaadna waxaan u haynaa xisbiga kulmiye oo deeq lacageed ka soo direy dibadaha deeqdiina waa taad aragteed idinkuba" markaa isagoo ula jeeda lacagta la soo gaadhsiiyey gudoomiyaha xisbiga kulmiye ee lagu sharaxay Eng. Cabdiraxman Saylici inuu jago ka helo xisbiga kulmiye.

Saxaafada waxa waajib saaran ah inay dadka laba siba u baraarujiso, labaa si oo kala ah:

1- Soo tabinta wararka dhabta ah iyo awdaacda maalinlaha ah ee aduunka ka dhacda.
2- runtkasheega arimaha qaloocda ama si qaloocan ay dadgaar ahi u qabteen inay dadka u gudbiso iyadoo ogsoon in dadka badankiisu ay soo dhaweynayaan daahkaqaadida arimaha siraha ah ee la qaloociyey halka dadka intiisa dhibta jecel ee xaqdarada wadi ay cadho weyn ka muujinayaan kuna gacan saydhayaan, hadana shaqada saxaafadu waa inayna ka daalin soo jeedinta iyo kucelcelinta waxyaabaha dadku u baahan yihiin inay ogaadaan ee dhabta ah.

Labadaa qodod ayaa waxay waxweyn ka badelaan habsami usocodka mashaariicda horumarinta Bulshada waana sida kaliya ee lagu xakamayn karo musuqmaasuqa xididada qotoda dheerleh ee maalinwalba ka dhaca Jamuuriyada Soomaaliland.

Saylac.com waxay dabagal fog ku samaysey sidii ay u xaqiijin lahayd wararkan murugada leh waxayna waraysiyo telefoon la yeelatey masuuliyiin ka soo jeeda xisbiga kulmiye oo ah dadkii lacahagani wax ka soo gadheen akhristayaasha saylac.com waxaan saacadaha soo socda ugu balan qaadaynaa inay dhegehooda ku maqli doonaan dadkaa oo telefoono lagu waraysanayo sheegayana inay lacagtu soo gaadhay Hargeysa Mar,29,2008.

Waxa kale oo intaa dheer in gudoomiyeha xisbiga kulmiye uu mahadcelin aada usoo gudbiyey Eng Cabdiraxman Saylici sida daacadnimada leh ee uu kharashkan usoo gaadhsiiyey gudoomoiyaha hadaladii gudoomiyahana xisbiga kulmiyena waxa ka mid ahaa" Laba arimoodba waan idiinku mahadcelinayaa hadaad tihiin labadiinan halyey ee xisbiga sumcadiisii sarey u qaaday oo kala ah Eng, Saylici iyo Pro Cabdi Xashi Abiib- Waa mida horee lacagtan aad maanta jeebkaaga ka bixisey waa tu aan si aada ugu baahnayn balanteediina waad ka soo baxday waana Ilaahay maadii. Talabaadna Pro Cabdi waxaan leehay dadka waxaad tustey inaad karti weyn u leedahay kaligaa inaad wadanka badhkii dhisi kartid horeyna waa loo arkay adigoo horey u dhisay Jaamacada Cammuud, Intaa waxa dheer inkastooy dawladu nagala wareegtey iyadana sharaf iyo amaanteedaba adigaa iska leh dawooyinkii qiimahoodu dhamaa $240, 000 ee aad nasoo gaadhsiiyey, runtii xubniha xisbiga kulmiye badankoodu waxtarkaa ma laha waanad ku amaanan tihiin"

Kulankan uu hadaladan ka leeyahay Axmed Siilaanyo ayaa waxa u gaar u ahaa afar ergo oo ka kala socotey gobolada Awdal iyo Sool , saylac.com waxa soo gaadhsiiyey warkan sirta ah ergo ka socotey gobolka Sool oo waraysiyo aanu ka qaadney dhawaan saacadaha soo socda aad dhegihiina ku maqli doontaan.


Hadaba su'aashu waxay tahay; maxaa dadka tabaaloobay loo hafrayaa magacooda iyo maaliyadii loogu tala galayse loolan siyaasadeed loogu bixiyey? waa su'aal jawaabteeda dadbadani garan karo waana : Waa sida kaliya ee dadka lagu beerlaxawsan karo iyagoo wada jir ah in dhaqaale buuran looga helo waayo, dadka qurbojooga ah ee reer Awdal waa dad ka midaysey waxtarka dadkooda lakiin la odhan karo way ku aragti duwan yihiin siyaasada sida dadyowga kale ee soomaaliyeedba ay aragtida siyaasada ay ugu kala duwan yihiin.

Gudigan isku magacaabay inay masuul ka yihiin lacagta deeqda ah ee dadka tabaaloobay loosoo direy ayaa u kala baxa qaar siyaasad weyn ciyaaraya iyo kuwa aan laba socon xirfadaha iyo ujeedooyinka ay wadaan qaarka kale. Arintan ayaa keentey in ay marka shirarka Jaraa'id ay qabanayaan inay kuwa ujeedo badanta ahi ay kuwa wadaadada ah iska soo horeysiiyaan si ay dadka umaqashiiyaan inay wadaadadu sheegaan hadalada fiican iyo ducooyinka dhabta ka fog ee dadka lagu marin habaabinayo.

Saylac.com waxa kale oo ay la xidhiidhay Muwaadiin ka tirsan dadkii ay duufaanadu xoolohooda la tageen dadkaa oo kala degan , Fiqi Aadan, Fadhi Xun, Farda-lagu-xidh,Sheed Dheer, iyo tuulooyin kale oo kaleba dadkani oo qaxooti ku yimid Magaalada Boorama si ay shaqooyin hoose uga raadsadaan magaalada ayaa saylac.com u sheegay inayna balanqaadyadii ahaa xoolaa la idiin iibinayaa suurto galin markay inbadan sugeena ay ogaadeen in qamadi, Bariis iyo saliido aan sidaa u badnayn la keenay tuulooyinka ka dibna la yidhi intaa ayey ahayd tageeradii dadka qurbojooga awdal ina soo gaadhsiiyeen !! "Duufaanada nagu dhacay ee xoolaha naga dilay waxa nagaga daran dadka na laab qaaday ee tobanjeer intey nawaydiiyeen imisa neef ayaa idinka dhimatey waa la idiin iibinayeeye na yidhi hadana qamadi iyo bariis aan afar casho na haynayn noo keenay Ilaahay baa qaniya markaan aragney inayna noo iibinayn xoolo dee adeer awalba xoolo ayaan baadiyaha ku joognaye hadii xoolihii dhamaadeen maxaan ka qabanaa baadiye sidaa ayaan magaalada boorama ku imiday wax shaqo ahna kuma hayo" ayuu yidhi Mawlid Hoosh oo ay saylac.com ku waraysatey magaalada boorama.


Hadaba dadka qurbojooga Awdal sideebay ula xisaabtami doonaan dadkan ururkii shaabada magaciisa ku dhuftey sanduuqii loo furay dadkan tabaaloobay ee AACNA iyo gudiga kala socodka ah ee aan iskaba warhayn ee u kala baxa wadaadada iyo kooxda ujeedo badan ee Dr. Cabdiraxman hogaamiyaha u yahay oo iyagu dagaal toosa ugu jira waxwalba inay ka hormariyaan loolan siyaasadeed ee xidigiisu dhacay ee ka socda somaliland .? Arintani waxay u taala dadkii lacagaha bixiyey inay soo bandhigaan nimaad dadkan lagula xisaabtamo si ay usoo buuxiyaan lacgaha la weecsaday dadkiina xoolihii loogu balan qaaday loogu iibiyo .

Allahu maa Balaqtu  ( wararkan waxa isku soo dubo riday Wariyayaasha kala ah Maxamed Haji , london, Ismahan Nur, kuwait )
Maxamed Haaji
London, UK
Sirdoonka Saylac.com



 
 

- To Submit Information Click Here -

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com