|
|
 |
|
|
Qisooyin shirkii kulmiye
ka dhacay oo ay saylac.com goobjoog u
ahayd."Walee Gorgorkii Ama sheedo Ama xundub ku
dhac".Hadraawi.
April-02-2008
Hargeysa(Saylac.com)- Abwaanka Caanka ah ee
Hadraawi ayaa hadalkii soo afjarida shirka
labaad ee kulmiye hadalo sarbeeb ah ka soo
jeediyey. Abwaanka oo hadaladiisan siyaasiin
badan oo xisbiga ku jira ku dhaliyey shiki iyo
tuhun kalsoonida ay ka qabaan siyaasada xisbia
iyo mustaqbalka fog halkuu ku danbayn doono.

Qisadan oo ahayd mid digniin, waano, tusaaleyn
iyo sadaalinba iskugu jirtey ayaa abwaanku waxa
uu uga digay xisbiga inay iska ilaaliyaan
Gorgorka dharka dadka sita!
Wuxuuna ku bilaabay sidan: Bari hore ayaa
colaadi dhexmartey laba belood meel la yidhaa
Sheedo, qolo ayaa soo dirsatey nabad-doon,
qolodii kalena waxay soo dirsadeen Gorgor
dharkii dadka loo xidhay!.
Caruurtii adhiga la joogtey ayaa maalinwaklba
aragta Gorgorkan kolba dhinac u socda ee aan la
garanayn ujeedadiisa, maalintii afraad ayey
Hooyadii caruurta dhashay intey duleedka u
baxday ay ku aragtey Gorgorkii oo kolba dhinac
dabaysha u raacaya dharkii dadka ee loo soo
xidhayna dhinac ka lusho. Markaasay hooyadii
intey dhabanka sacabada saartey ay tidhi "Walee
Walee Gorgorkanow Ama sheedo Ama xundub ku dhac."
Abwaanka oo qisadan ku hogatusaalaynaya
ergooyinka xisbiga kulmiye ayaa yidhi" kulmiyoow
waad dhamaysateen wixii dhaxdiina yaalay siduu
doono haku dhamaadee khiyaamo iyo daacad labada
waxaa inii hadhay loolankii madaxnimada Udub aad
kaga badin lahaydeen, wax aad dadka u sheegtaana
muu hadhin Been iyo Run wuxuu noqdaba.
Abwaan Hadraawi ayaa hadalo canaan ah usoo
jeediyey niman shirka ka sheegay hadalo macaan
oo balanqaadyo aan suurto gal ahayn dadka u
sheegay si wajigooda loo barto wuxuuna
hadalkiisa ku daray Abwaanku "Ictiraaf la sheego
kuwa horaa ku liibaanay oo lagu doortay warshado
waaweyn oo la dhiso, Badoo Malab laga dhigoo
horaa loogu hawl galay dadku run mooyee Been
Danbe loo sheegi maayo. Taa ogaado, gabagabana
ayuu Abwaanku hadalkiisii ku soo xidhay iyadoo
aad loo dhagysanayo walee Gor Gorgorkaasi Sheedo
ku Dhac ama Xundub. Habeenkii islaantii halkii
ay ka guurtay ayuu reerkii Sheedo Colkii soo
galay.
kala soco qisooyin kale
dhawaan saylac.com
Dahir Axmed "Jirde"
Saylac.com
Hargeysa- Somaliland |
|
|