| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

Faahfaahin shirweynihii labaad ee xisbiga kulmiye sideebuu ku dhamaaday iyo waraysiyo kale
April-01-2008
   Daawo sawirada shirka
Hargeysa( Saylac.com) Inkastuu aanu jirin cidkale oo kula tartamaysey jagada Gudoomiyenimo ayaa maanta markale ergooyinka xisbiga kulmiye ay u doorteen Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) inuu afar sano oo kale uu sii hayo jagada gidoomiye ee xisbiga kulmiye codbixinta sahlan ee lagu doortey ayaa ahayd 497 cod oo haa tidhi iyo 5 cod oo maya yidhi. Waxa kale oo maanta nidaamka fartaaga lagu doortey afar gudoomiye ku xigeen iyo xoghaynta xisbiga kulmiye.

Jagada Gudoomiye ku xigeenka kobaad ayaa waxa ku guulaystey Muuse Biixi Cabdi (oo ah Sacad muuse) oo kaga badiyey codbixin dhan 330 halka Ibraahim Xuseen (Dhegaweyne) oo ah Ciise Muuse uu ku hadhay 182 cod .

Jagada Gudoomiye ku xigeenka labaad Cabdiraxman Cabdiqadir(Habaryoonis) ayaa kaga guulaystey 455 cod Cali Cabdi Cilmi oo isagu ku helay 7 cod oo kaliya.

Jagada Gudoomiye kuxigeenka sadexaad Cabdiraxman Maxamed Talyani ( Dhulbahante) ayaa kaga badiyey 350 Yusuf Bashir oo isgu helay 20 cod oo kaliya.

Jagada Gudoomiye ku xigeenka afraad Waxa ku guulaystey Eng. Cabdiraxman Ismaciil (Saylici) oo helay cod dhan 480 halka Qareen Cabdiraxman Maxamed Jaamac (Reer Nuur) uu ku helay 35 cod oo kaliya .

Qareen Cabdiraxman Maxamed Jaamac oo aan horey siyaasada ugu jirin ayaa saylac.com u sheegay inuusan jagadan hunguri ka hayn lakiin uu fanka masrixiyada doorashada qurxinayey “Waxaan ogaa inuu Engineer Cabdiraxman helayo jagada markaa waxa igaga darnayd inuu cid la tartanta uu   Engineerku waayo. Cabdiraxman Aw- Cali horeyba wuxuu u sheegay inuusan doorasho danbe oo xisbiga gudihiisa ah aanu ka qayb gali doonin maantana muusan iman shirka   sidaa awgeed ayaan u qurxiyey maadaasha doorashada “ ayuu saylac.com u sheegay Qareen Cabdiraxman .

Xoghayaha guud ee xisbiga waxaa noqday Kayse Xusen Cige (Arab) oo helay Cod ah 277 cod. waxaa si lama filaana ula tartantay gabadha la yidhaa Saado Muxumed Xuseen oo heshay Cod dhan 236 qof shiki wayna laga qabo in gabadhu badisay oo garta lagu fiiqayo   ragii inta gacanta taagtay soo tirinayay. Muran iyo doodo badan oo dhegta wax la iskugu sheegay ka dibna la shaaciyey inuu Kayse Cige (oo Arab ahi ku guulaystey).

Arinka xiisaha leh ee maanta hoolka doorashadu fartaaga ahi ka dhacday ayaa waxay ahayd in xubnaha ergooyinka kahor intaan loo codayn qofka ay ka sii warhayeen cida guulaysaneysa iyagoo shirgudoonku uu lahaa (Hebel ayaan u codaynaynaaye ayaa ogol ayaase diidan ) halka ay haboonayd in shirgudoonku yidhaa hadal ka toosan kaas oo ah ( labada murashax ee hebel iyo hebel ayaanu codbixin u qaadaynaa jagada heblaayo). Markaas taasi waxay ku tusaysaa inuu jiray qorsho lagusoo heshiiyey oo meelmar ah in la fuliyo dadkana la tuso inay codbixin dhacday oo kaliya.

Dhinaca kale Oday Maxamuud Shaami oo ahaa ergooyinka ka soo qaybgalay shirka maanta ayaa saylac.com u sheegay inuu u codeeyey Muuse Biixi lakiinse uu ka jeclaa inuu u codeeyo Ibraahim Dhegaweyne sababtuna ay ahayd ayuu yidhi inuusan waxba ka qaban Karin oo uu horeyba u ogaa in Siilaanyo wato Muuse Biixi oo uu ku wado inuu jagada Madaxweyne ku xigeenka isusoo sharaxo. “Adeer qorshe fog ayaa ka socda meesha markaa dadkaaga dhinackaraac yaanad lumine dhinac ka raac ayaa ka dhacday meesha lakiin labadan nin maaha laba nin oo isku dhigma dadkuna wuxuu jecelyahay dhegaweyne lakiin hadda anigu waxba sheegi mayo ee waa la ogaan doonaa xisbigu waxa uu soo wado” ayuu hadalkiisa ku daray Oday Maxamuud Shaami .


Xildhibaan . Siciid Cilmi Rooble ayaa isna Saylac.com u sheegay inuu Muuse u codeeyay laakiin dhalasho ahaan Dhagawyne ay isxigaan waana xor qofka wax dooranayaa inuu u codeeyo qofka uu doono “ ayuu siciid hadalkiisa ku daray.

Muuse Biixi ayaa isna u waramay saylac.com una sheegay inuu codaynta lagu doortey maanta aad ugu faraxsan yahay “Waa guul u soo hoyatey xisbiga kulmiye saaxiibkay Ibrahin Dhegaweynena waxaan u rajaynayaa khayr ayuu hadalkiisa ku daray” Waxa kale oo uu sheegay Muuse Biixi inuu aad ugu faraxsan yahay inuu arko saxaafad ka socota gobolka Awdal oo waraysi la samaynaysa “aad ayaan ugu baahnaa reer Awdal waraysiyo badana waan siin doonaa “ ayuu ku soo gabagabeeyey hadalkiisa.

Ka dib markii shalay ay ergooyin dhawr ahi ay yesheen gorgotan ay ku qaybsadeen jagooyinka ugu sareeya ee xisbiga kulmiye ayaa saylac.com waxa ay soo ogaatey in Muuse Biixi lagu wado inuu isku soo taago Jagada Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga kulmiye . Arintan ayaa meesha ka saari doonta dhawr musharax oo horey iskugu soo sharaxay jagada madaxweyne ku xigeen ee xisbiga kulmiye oo ay ka mid yihiin : Pro. Ismaciil Muumin Aare iyo Eng. Cabdiraxman Saylici.

Arinta kale ee xiisaha leh ayaa waxay tahay in Mujaahid Cabdiraxman Aw- Cali uu ka biyo diiday go’aano qarsoodi ah oo ay xubno gaar ah ee ka tirsan xisbiga kulmiye ay heshiis ku gaadheen in Muuse Biixi isagoon doorasho galin loosii balan qaaday inuu heli doono jagada musharaxa xisbiga kulmiye ee Madaxweyne ku xigeen, tanina ay ahayd sababta ugu weyn ee uu shirka doorashada maanta aanu uga soo qayb galin mujaahidku .


Dahir Axmed Jirde

Saylac.com

Hargeysa - Somaliland



Home |
Copyright © 2003 Saylac.com