| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Dulqaadka M/Daahir iyo daan daansiga haatuf oo aan odhanba karo waa Xaartuf..April,20,2009
Waxaa wax laga yaaq yaakhsooda ah lagana damqado ah hadaladaa foosha xunee kasoo baxa ama lagu soo qoro jariidada haatuf oo aad moodo inay ku fiicnayd (xaar tuf) waayo waxay ay soo qorayso ayaa leh sifahaasi

Jaraaidkan waxaad moodaaba inay iska leeyihiin labadan xisbi mucaarid ee lagu sheego xisbiyada qaranka iyagana la odhan laba xisbi (qudhun)iyagana sifahooga ayaa sidaasi manta noqday mar hadayna umada ku tawjiihinayn tusta tosan ee had iyo jeer ay ugu baxayso rabshada xaqdhawr la aanta umada wax qabsatay ee ubaahan in wanaaga la tuso oo ay ugu horayso in lagu dar dar galiyo nabada iyo wada noolaashaha umada mase aha in dadkii wax loo dhiibtay la caayo maalin kasta taasina waxay horseeday fowdo iyo kala danbayn la aan mar hadii la isku ixtiraami waayo madax iyo shicib.

Hana ogaadan dadka ku doodaya Daahir um qalmo madaxwayne qofkan umada madaxa looga dhigayo xaga samada ayaa horta laga soo ansixiyaa inaga dooranaynana ficil uunbaan la nimaadnaa markaa Daahir 4milyan ee reer soomali land ayaa laga doortay waana mutaystay isaga ayaana ala kala xisaabtami doona xilkii uu ku shafray hadii uu toosiyay iyo hadii uu qaloociyayba sidaasi darted inaan had iyo jeer aan ku hadaadaqno oo an ku wareerno maaha sideebuu inoo xukumi nin dawladii siyaad ahaa, nin gobalkaa kasoo jeeda waa la iniiga sharaf badan yahay waxaasina waynu soo dhaafnay waana la ilaaway ninkase maaanta jaraaidka waxaasi ku qoraya ayaa ah inaan ladooran dalkana laga mustaafiriyo waayo umad dhan oo walaalo ah ayuu galaafanayaa xumaana kala dhax dhigayaa waa in aynu sidaasi u ogaano haday daacad inaga tahay dawlada aan sheganaynayono

Waxaan madaxwaynahana leeyahay M/wayane waad ku mahadsantahay dulqaadka Allah kusiiyay ee aad muujisay ee aanad ka xaan qaadan ku cadhaysan iyo ku iska jibaysanba dulqaadkaasina waa waxa xilka laguugu dhiibay wax yar oo faro ku tirisa mooyee umada reer soomaliland maanta way kuu ogtahay kaagana mahadnaqaysa wadanka horumarka aad ka gaadhsiisay siyaasada dibada, tan gudahana ee xaga dhaqaalaha ha u baadnaatee ee dadku ka cabanayaan dadku horta ha o gaadaan in nimcadu ay xaga samada ku xidhantahay Ilaahoogana ha unoqdaan inay cidkale wax ka sugaan maaha adigana lagugu fadeexeeyo iyagu hadii ay la yimaadaan wax qabsi dawladuna in ay wax laqabato ayay ahaan lahayd hadiise dadkiiba fadhi kudirir noqdeen oo dhamaan la wada doonaayo kursigasi madaxwayne ku fadhiyo sidaasi uunbaan jaah wareer ugu jirayna kursiganina inama wada qaadi karaayo kolay midkeen uunbaa ku fadhiisanaaya ka mid ah 4milyan ee rer somalilan kaasina inaan is garabtaagno wuxuu ku toosan yahay ku hambalyayno wuxuu ku qaldanyahay si sharciga waafaqsan loogu sheego mase aha in loola dhaqmo si ka doqonimo iyo qayri masuulnimo ku jirto.


Hadaan dib ugu yar noqdo xagaynu wanaaga ka gaadhnay waqtiyadii doorashoyinkeenii hore waxaan xasuustaa 3 sedexdaa doorashaba waxaan u codayn jiray g/xisbiga kulmiya aniga oo ah nin reer awdala m/daahir tolkii ah waliba inaadeerkiiya

Waxa sidaydookale isna ahaa nin reer burca ah oo siilanyo inaadeerkii ahaa daahirna ukambaynaynaayay ama taageersanaa aadbaan walaahi u farxay waayo waxaan ku farxay anoo kasoo horjeeda inaadeerkay taageersana ninkaasi reer burco ah iyo isaga oo ka soo horjeeda inaadeerkii siilaanyo dooranaayana m/daahir

Maantase waxaad mooda inuu siilaanyo xisbigii kadhigay reer anaguna hadaan nahay dhalinyardii taageersanayd awal waanu kala noqonay xisbigaa umadu udhantahay ayaanan ku biirnay anaga oo anan u eegayn reer maantase ah xisbiga kali ee jecel in dadku nabad iyo walaaltinimo lagu wada daganaado.

Silaanyase wuxuu bilaabay kala faquuq kala dheerayn isaga iyo jaraa idka afka dheerle ee aan u bixinay (xaar tuf)iyo labada xisbi qaran lagu shegay ee iyaguna ah labada(xisbi qaswade)

Maaalmahana wad ogtiihiin inay jadwal soo sameyeen ay ku sheegayaan mudada ay afkooga ka yidhaahdeen daahir ayay kaga egtahay madaxwaynana uma aqoon sanayno Allaan inigu dharshee ma fawdo abuurbaa mise waa maslaxad markuu maamulkii meesha ka baxo wax badalana lahayn maxaad ku qiimayn kartaan?

Jawaabtu waxay u taalaa umada nabada iyo horumarka jecel nabada wada noolaashaha wax wada qabsiga



By/Abiib Sheikh Maxamuud

Amouud university, Borama, Somaliland
 


 

 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com