| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 

Afhayeenka Al shabaab oo sheegay in ay sii wadayaan halganka isla markaana ay u Aari doonaan Macalin Aadan Ceeroow

Muqdisho.30. May .2008. (Saylac.com)-Afhayeenka Xarakada AL shabaab Shiikh Muqtaar Rooboow Cali Abbuu Mansuur oo shir Jaraa’id ku qabtay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in Diyaaradaha dagaalka duqeeyntii ay xalay ka geeysteen degmada Dhuusa Mareeb ay ku geeriyoodeen Taliyhii Xoogag Al shabaab Aadan Xaashi Faarax Ceeroow iyo weliba sheikh Muxudiin Max'uud Cumar oo isna ka mid ahaa Masuliyiinta Xoogaga Al shabaab.

Sidoo kale Inta la ogyahay 8 Qof ayaa ku geeriyootay tiro kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray weerarkaasi sidoo kale sheikh Muqtaaro Rooboow waxaa uu Mareeykanka ugu baaqay in weli ay joogaan Ragii uu tababaray Aadan Ceeroow Gaaridana ay xaq tahay isla markaana aysan sina uga hareeyn.

“Waxaan ku socon Doonaa jidkii ay noo sameeyeen Mushaahidiintaasi kana leexan meeyno nusqaana Galin meeyso Duqeeyntaas Niyada Xoogaga Mujaahidiinta” ayuu Yiri Shiikh Muqtaar Rooboow (Abbuu Mansuur)

Sidoo kale Shiikha Waxaa uu sheegay in aysan sina uga Hareeyn Rag uu ku sheegay in ay soo hagayeen Mareeykanka isla markaana ay meel waliba uga Daba tagayaan.

"Hadii aad Arinta Geerida Mujaahidiinta Aad Ku Faraxdaan waxaa idiin Danbeeyn doona Wax aad ka Naxdaan oo aad ka Murgootaan" ayuu yiri Shiikh Muqtaar isgoo si gaar ah u tilmamay Masuuliyiinta Dowlada oo uu soo Carab qaaday Madaxweeyne Cabdullaahi Yusuf Axmed.

Sidoo kale shiikh Waxaa uu ku soo celiyay in wax wada hadal ah aysan marnaba la galeeyn Dowlda Somalia waxaana uu ugu baaqay dowlada iyo Ciidamada Ethiopianka in ay Dalka Ka Baxaan hadii kale ay cawaaqib xumo la kulmi doonaan.

Hadalka Afhayeenka Al Shabaab Shiikh Muqtaar Rooboow Cali (Abbu Mansuur) ayaa ku soo beegmay Xili Xalay Duyuuradaha Mareeykanka ay duqeeyn ka geeysteen Degmada Dhuuso Mareeb guri Ku yaal oo inta la ogyahay Ay ku geeriyoodeen Dad Gaaraya 8 qofood oo ay ku jireen Saraakiil Sar Sare oo ka tirsanaa Xarakada Al shabaab welina waxaa socda Qufitaanka Gurigaasi oo gabi ahaanba ku bur buray Duqeeyntaasi.

Horay ayaa mareeykanka waxaa ay ugu eedeeyeen Macalin Aadan Xaashi Ceeroow iyo dhamaan Ururka Al Shabaab in uu Qeeyb ka yahay Waxa ay mareeykanka ugu Yeeraan Argagixisada.

Soo gudbin/Shabelle Media Network Somalia.

Faafin / Saylac.com


 

 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com