|
|
 |
|
|
Dareenka Shacabka
Reer Jabuuti ka bixiyeen Gobolka Salal
Mar-24-2008
Djibouti( Saylac.com) - Sheekada maanta
ilaa shalay dadka ku dhaqan magaalada
Jabuuti ay wadaan waxa ugu horeysa uguna
badan magacaabida gobolka Salal
iyo sheekooyin sameeya siduu ahaan doono
iyo waliba ujeedada ka danbaysa ee Dahir
u magacaabay gobolkan. Hadii aanu soo
qaadno majlisyada dadku ku kulmaan ayaad
arkaysaa sheekada dadka wada fadhiya
mijlisyadaa oo aragtiyo kale duwan ka
bixinaya siday u arkaan Gobolkan Salal.
Maxamed Sheekh Muuse oo ah qabiilka
Ciisaha ayaa isagu qaba inuu waligiiba
sugayey in gobol ka madax banaan Awdal
ay yeelato Magaalada Saylac oo sida uu
sheegay ah degaan ciise ku badan yahay.
Maxamed waxa kale oo uu saylac ku
tilmaamay ina noqon doonto meel ay
dhamaan beesha ciise ee degan magaalada
Jabuuti ay maalgashan doonaan si ay uga
soo baxdo shuruudaha lagi xidhay inay
goboladan cusibi kasoo baxaan si ay uga
jaan qaadaan goboladii kale ee horey u
jiray. "dadkayagii halgankii lagula
dagaalamayey siyad bare ku dhintey
maanta ayaan ilaawaynaa mar hadii saylac
ay noqotey Gobol ka madax banaan Gobolka
Awdal" ayuu yidhi Maxamed.
Dhinaca kale sheekadu aad ayey uga duwan
tahay, waxana isna hadalka la booday
Ilyaas Cumar (waylcad) oo soo jeeda
Beesha Samaroon ee degan magaalada
Jabuuti wuxuuna gabi ahaanba beeniyey
hadaladaa uu maxamed la shir yimid oo uu
Ilyaas ku tilmaamay inayna waxba ka
jirin Gobolkan Cusub ee Salalna uu yahay
mid usoo kordhay Beesha Samaroon ee
iyagu degan Somaliland " Ma diidani in
xoolo dhaqato beesha ciise ahi ay
xoolohooda usoof geyaan kulka balaadhan
ee loo yaqaan Giriyaadka lakiin anigu
uma arko in shacab dhul sheegan kara oo
ciisa ahi ay degan yihiin Somaliland"
ayuu yidhi Ilyaas .
Dhinaca kale Madaxda Dawlada Jabuuti
ayaa iyagu aan wax macno ah u arkin
gobolkan cusub "Wasiirka Arimaha gudaha
ee Dawlada Jabuuti mudane Gueda Mohamed
Ahmed ayaa saylac.com u sheegay inuusan
laba socon gobolkan iyo guud ahaan
somaliland waxa ka dhacayaba wuxuuna
wasiirku intaa ku daray inayna
wanaagsanayn in la hadal hayo dawlad aan
la
(Wasiirka
Arimaha Gudaha ee dalka Jabuuti Mudane
Gueda Mohamed Ahmed)
aqoonsan waxa ay wado
ayuu yidhi wasiirku.
Nuur Madar oo isna ah taksiile ka
shaqeeya magaalada Jabuuti ayaa
saylac.com u sheegay inuu aaminsan yahay
dhibmooyee inayna wax faaiido ah usoo
wadin gobolo la magacaabo waxa kale oo
intaa ku daray Mr. Madar inay
magacaabida Dahir Rayale uu magacaabay
Gobolo Cusub ay la mid tahay xukunkii
cagajiid ahaa ee Siyad Bare oo gobolo
iyo degmooyin magacaabi jiray si dadka
soomaalida ah uu iskaga horgeeyo ama u
tageeraan.
Guud ahaan markaad isku soo wada afgoyso
waxaad arkaysaa dadka, Siyaasiinta,
Culimaa udiinka, Haweenka, iyo dhamaan
dadweynaha degan magaalada Jabuuti oo
nuucwalba lehi inayna ka raali ahayn
gobolo kale oo ay somaliland qaadi karto
wakhtigan xaadirka ah oo lagu jiro muran
siyaasadeed iyo abaaro isdaba jooga oo
ka taagan guud ahaan gobolada
Somaliland.
Osman Hussein
Saylac.com
Djibouti- Djibouti
|
|
|
|
- To Submit Information Click Here -
|
|