|
|
 |
|
| |
Dagaal lagu hoobtey ayaa ka
dhacay magaalada Muqdisho
Aperil,20,08
Muqdisho(Saylac.com) Dagaal ay iskaga horyimaadeen
kooxaha ka horjeeda ciidamada Shisheeye ee dalka
soomaaliya jooga iyo ciidamada dawlda kumeelgaadhka
ah ayaa maantey ka dhacay magaalada Muqdisho.
Dagaalkan maantey dhacay ayaa waxa la sheegay inay
ku dhinteen in ka badan 81 qof. dagaalkan oo intiisa
badan ka dhacay agagaarka Cusbitaalka Caruurta ee
SOS ee degmada Huriwaa ayaa waxa la sheegay inay
ciidamada Itoobiya ay soo weerareen googo fadhiisimo
u ahaa Xoogaga soomaaliyeed ee ka horjeeda
Joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Muqdisho.
Fadhiisimaha xoogaga Al-shabaab ee magaaalada
Muqdisho Xaafada Huriwaa.
Ra'iisul wasaaraha Dawlada Cabdilahi Yuusuf Nuur
Xasan Xuseen Nuur Cade ayaa sheegay inuu aad uga
xunyahay dhimashada shacabka soo gaadhay waxanu
intaa ku daray inay dawladiisu xaq u leedahay inay
iska difaacdo waxa uu ugu yeedhay argagixisada .
Dagaalkan maantey lagu hoobtey ayaa laga cabsi qabaa
inuu kusii faafo degaano kale oo ka tirsan magaalada
Muqdisho
Cabdi Maxamed
Saylac.com
Muqdisho, Somalia |
|
|