Taliyaha
Ciidanka Qaranka ee Xeebaha Awdal Maxamed Xadhuun oo
gashaanka ku dhuftay eedaymo
ay usoo jeediyeen duqayda Geerisa
Monday, April 28 2008 @ 12:22 PM CDT
Asha-cado(Saylac.com) Qoraal beeninaya eedaymo
dhawaan saxaafaa lagu qoray oo sheegayey in uu
Taliye Maxamed Xadhuun uu weecsaday hanti dhan $2500
oo ceel biyood ay ka dhistey hay'ada DRC. tuulada
Geerisa loo hayey, ayaa maanta soo gaadhay
saylac.com.Qoraalkan oo si
cad u qeexayey eedaymaha loo soo jeediyey Taliyahu
inay yihiin kuwa sal iyo raadtoona lahayn isla mar
ahaantaana laga been abuuray Taliyaha oo sida dadku
wadda ogyihiin lagu amaano nabadsugida iyo
deganaanshaha ay ciidamada uu madaxda u yahay dhawr
iyo tobankii sano ee inaga tegay ka fuliyeen xeebaha
Gobolka Salal iyo Awdal ayaa ah kuwa dadbadani ay
dhegaha faraha qabsadeen qaadana waaween..
Maxamed Ibrahim Cige oo ka mid ah ganacsatada
degaanka Geerisa ayaa isna saylac.com u sheegay in
aanu ganacsigiisu suurto galeen hadaanay Ciidamada
Qaranka ee Geerisa degani amaanka sugin " Taliye
Maxamed Xudhuun wuxuu naga mudan yahay mahadnaq iyo
abaalmarin cidwalba oo dhaleecayn been abuur ah kula
kacdana waanu ka horjeednaa ayuu hadalkiisa ku daray
ganacsade Maxamed"
Qoraalkan ayaa waxa kale oo uu si cad uga hadlay
inay ciidamada Qaranka ee Xeebaha Salal iyo Awdal
marnaba ogolaan doonin siyaasad qabiil ku dhisan oo
laga soo diro wadanka Jabuuti kuwa hamigoodu yahay
inay dadka qas iyo qabyaalad dhex dhigaana la
marsiin doono sharciga Jamuuriyada Somaliland u
degsan.
Sidoo kale Taliyaha Booliska Degmada Saylac ayaa
isna eedaymahan ku tilmaamay kuwa afku ka xishoodo
oo runta ka fog. "Taliyaha cidamada Qaranka xeebaha
Awdal iyo salal Taliye Maxamed Xudhuun waa halyey
wadani ah qaranimada somaliland cidii diidani ha
tageen wadamada kale ee
ay u fataalayaan ayuu hadalkiisa ku daray
Taliyaha Booliska degmada saylac
oo ka hadlaayey eedaymaha aan geedna loogu soo gaban
ee lagu aflagaadeeyey Taliye Xudhuun.
>>halkan
ka akhri eedaymaha loo soo jeediyey Taliyaha
Afhayeenka
Taliyaha Ciidanka Qaranka ee Xeebaha Awdal iyo Salal
,
Cabdirisaq Yoonis
Asha-Cado, Salal, Somaliland
|