| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Madaxweynaha Jamuuriyada Jabuuti Mudane Ismaciil Cumar Geleh oo la kulmay wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan soomaaliya Axmed O. Cabdalla ..April,26,2008
Djibouti(Saylac.com)- Kulankan ayaa waxa maalintii shalay ka dhacay madaxtooyada dalka Jabuuti. kulankan oo ay labada dhinac kawada hadleen dibusoo loolaynta wadahadalada laga dhex wado kooxaha isku haya koonfurta soomaaliya. Gudiga isbaahaysiga dibuxoraynta soomaaliya ee fadhigoodu yahay magaalada Asmara ayaa in mudo ahba socdaal ku joogay wadankan jabuuti si ay ugu sii diyaar garoobaan wadahadalo dhawaan bisha inaguu soo fooleh ay la gali doonaan dawlada uu madaxda ka yahay Cabdilahi Yusuf.
Wakiilka gaarka ah ee Qaramada midoobay u qaabilsan wadanka soomaaliya Axmed O. Cabdalla ayaa aad usoo dhegaystey figradaha ay qabaan isbaahaysiga Asmara waxaanu sheegay inay rajoweyni hada hortooda taalo sidoo kalena dawlada Cabdilahi Yusuf looga baahan yahay inay dabacsanaan nabad lagu heli karo la shir yimaadaan .

Sheik Sharif Axmed oo ay saylac.com wax ka weydiisay sida ay ula muuqato socdaalkoodani inuu midho dhal noqon karo ayaa waxa uu sheegay inuu marka hore waxwalba ay ku xidhan yihiin Ilaahay gacantiisa , marka labaadna waxa uu sheekhu sheegay inay iyagu marka dulmiga la dagaalami jireen lakiin ay wanaagsan tahay kuwa dulmiga u xadhko xidhay oo ah dawlad isku sheega Cabdilahi yusuf ay hada dhabtii arkeen inayna dadka ka tirtiri karin wadanka soomaaliya dana ay modeen inay nala kulmaan anaguna awalba diyaar ayaanu u ahayn danaha dadka soomaaliyeed ee xabashidu maalinwalba masaajidada ku gawracayso" ayuu hadalkiisa ku daray Sheekh Sharif Axmed hogaamiyaha garabka Asmara.


Dhinaca kale Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan wadanka Soomaaliya ayey saylac.com wax ka weydiisay sida uu u arko mashaqadii xasuuqa ahayd ee ciidamada Axmaaradu ka geysteen masaajidka Al-Huda ee magaalada Muqdisho. wuxuuna ku jawaabay (Waa arin ka baxsan bani-aadamnimada waanan baadhaynaa waanan ka xumaanay cidii samayseyna way is ogyihiin inay khalad weyn ka galeen qiimaha nafta bani-aadamka ) sidoo kale waxa uu wakiilku intaa ku daray inay dawlada Itoobiya kala hadleen hawsheeduna ay socoto.

Caruurtii ay ciidamada Itoobiya qafaasheen mar aanu wax ka weydiinay halkay ku danbeeyeen iyo inay jaamacada qaramada midoobay arinkaa ka hadashay waxa uu sheegay wakiilku inay hay'ado maxali ahi hawshaa ku jiraan waanay soo bixi doontaa meesha ay ku sugan yihiin iyo sida loola dhaqmay ayuu hadalkiisa raaciyey wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan soomaaliya mudane Axmed O. Cabdalla oo saylac.com waraysi gaaban siiyey.


Kulankan lagu wado inuu qabsoomo bisha maay horaanteeda ee lagu dhexdhexaadinayo kooxaha isku haya koonfurta soomaaliya ayaa waxa uu ku soo beegmay xili ay xasuuq taariikhi ah ay cidaamada Axmaaradu ka wadaan magaalada muqdisho .

Osman Hussein

Saylac.com/ Djibouti/ Djibouti


 

 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com