|
|
 |
|
| |
Mulkiilaha Haatuf news Ayuu
rabaa inuu madaxwayne u noqdo?. (Yaa Cunsuri)
April,19,2008
Cabdidheere(Dubai UAE) Waa kaa xaaran in aad
awdal iyo hargeysa ood isku dirto Hogaamiye ku
noqoto cid gaar ah ayaad rabtaa in aad hogaamiye u
noqoto. (Yaa Cunsuri)
Waadigan diradiraalooy ku cabsiinaya, dadka reer
Somali land ciidan reer awdal ah ayaa soo galay
hargaysa, reer awdal goormay ciidan shisheeya ah
noqdeen oo dad lagu cabsiiyo hadii aad ogtahay
markii markii kuwan aad u dacwiyeyso ee reer kulmiye
iyo calan castiisuba ay dagaalka sokeeye ka
bilaabeen hargysa dhexdeeda reer awdal waa kuwii u
adkaysan waayey dhiiga walaalohood ee talo xumdaadu
sobobtay dagaalkii nabadaba abuuray usoo galay
somaliland maantana diyaar by u yihiin difaaca
Somaliland ama rayaale ha joogo ama nin kaleba ha
joogee waa runtaa oo way soo galeen hargaysa ilaa
laascaanood iyagoo ah ciidan Somaliland oo qaran,
waana arinta suurto galisay in ay Somaliland
xuduudeheegii ay sugto oo ay gaadho. waxaanse ku
leeyahay waxaan ku sugayaa maalinta aad Somaliland
madax ka noqoto ilaahay kama dhigee adiga ah wariye
gaboobe haatuf beenale iyo kuwa kula midka ahba ee
aad u ololaynayso ee aad samayso qolo kali ah oo
smaliland noqon karta .ama aad samaysato ciidan
khaas u ah dhiigiacabyada aad ka soo jeedaan oo
aanay ku jiran , awdal iyo sool iyo hargaysa 90%
marka laga reebo adiga noocaaga triada yar haatuf
beenale. waxana aan ku leeyahay waad ka lunteen
dariiqii madaxnimada waxana aad lumiseen fursad aad
rayaale xukunka kaga qaadan lahayd adiga oo
cidkastaa kuu hanwayntahay. Waxana aan leehay
mucaaradka guud ahaanba dadka u sheega wajigiina
runta ah oo aad uga duwan ka idinka muuqda ee dibada
uga baxsan akhlaaqda wanaagsan iyo wadan jaclkuba ma
waxaad u quudheen in aad guri sida lagu dhisay
ilaahay ogahay in aad marlabaad xaqdaro ku dumisaan
iyo kursi jacal daraadii? Waarnimanku iiman la,aa
ilaahay ha naga hayee
dad xun iyo dad wanaagsaniiba way ku jiraan xisbi
kasta lakiin nimankan umadii la mideeyey ee gacmaha
la isku saaray ee laga baabiyey colaadii,uurxumadii
iyo umulo dooxadkii ka dhex jiray dib u soo
nooleeyey oo isku diraya,ee nabaradii la dhayaayna
sii dhaawacaya ee bamamka tuuraaya ee caruurta iyo
hooyooyinka guryaha iska dhexhurda saska ku ridaaya
mujaahid ha ku sheegina marka uu wax qarxiyona
idinku jeelka geeya intaanay dowladiba soo raadsan
Nimanka xisbiyada mucaadka afhayeenada u ah ma
waxaad u samayseen in uu xisbiga wanaagiisa dadka
baraan mise in uu aflagaadeeyo umad uu rabo in uu
masuul u noqdo xisbigana waa in sharaftiisa la
ilaaliyaa ood isla markaaba talaabo kaqaadaan ood
eridaan afhayeena nocaasi ah hadii kale la wada
midbaad tihiin wanad ugu talo gasheen. Xisbiguna in
aanu noqon meel tuugta iyo
maadharada(gacan-ku-dhiiglayaasha) lagu difaaco ama
lagu ilaaliyo.
Waxaa ceeb aad u wayn ah marka mid ka mid ah
xisbiyada mucaaradka ah waaran makaxkamadeed loo
keeno ee la yidhaa kaalay sharciga hortiisa halkii
uu umada tusi lahaa u hogaansanaanta sharciga waxaad
u samaysateen ciidan beeleed ku garab istaaga
edebrada garna ku siiya oo yidhaa ma mujaahid hebel
baa la soo doontay lama xidhi karo akhlaaqda
fiicanina waxay tahay in uu ixtraamo askari yar ee
loo soo diray oo iyada oo aanay daruuriba ahayn in
askari loo soo diraa ay ka sii fiicanthay in
telephone loogu yeedho inta gaadhigiisa ku qaado
askari yare e shaqadiisu tahay sharci illaaliye uu
tego meel alaale meesha looga yeedho waayo hadii uu
nadiifyahay wax uu ka baqaa ma jiraan.
Sadexda xisbiba hadii la wada qiimeeyo waxa
wanaagsan in sadexdooduba bedelaan madaxda xisbiyada
oo ay dad cusub jaanis siiyaan laakiin hadii ay ii
gudboonaadaan sedexdaasi xisbi waxaan foodkayga
siinayaa rayaale, oo anan yaageere u ahayn. waayo
xisbigiisu wuu ka akhlaaq fiicanyahay labada kaleba
ninkii dambi gala jeelka ayey u dirayaan halka kuwa
kale la soo boodayaan geesibuu ahaa oo xaqdaraa lagu
xidhay iyaga oo aan xaqiijin in dambiga loo haystaa
saxyahay waxay se ilowsanayhiin kuwan ay manta
xaqdarada ku difaacayaani waa bari kuwii iyagaba
dumin lahaa waxaana u wanaagsan in ay hadaba iska
sii nadiifiyaan tuugta iyo cayala suuqiinta ay
moodayaan in ay howl fiican u hayaan.
Madaxwaynaha somalilandna waxaan siinayaa talo u
wanaagsan
Madaxwayne waxaad na xukumaysay 7dii sano ee u
dambaysay marka laga reebo intaad ku xigeenka ahayd
waxaad noo qabatay hawl aad u wanaagsan oo ay
taariikhda fiicani xusi doonto waxaana aad ku
sifowday oo ilaahay kugu manaystay dulqaad iyo
akhlaaq aad u wanaagsan.
laakiin:
Waxaa iga talo ah in lagaadhay in aad gudoomiyaha
xisbiga aad ku wareejiso ninka (udub adag ku
abtirsada) ee aad u malaynayso in uu beertan
nabadaysan eed beerteen adiga iyo madaxwaynhii kaa
horeeyey ee midhidheedii soo muuqdaan ku hagaamiya
in ay reer somaliland u deeqdo si wanasan, aadana u
yaqaana luqada cadowga somaliland ama ha noqdo kan
gudaha ee kaba khatarsan kan dibada ama kan dibadaba.
maaha madaxwayne in aad shaqadaadii ka soo bixi
wayday beeni ilaahaay waa ka xaaraane si wanaagsan
ayaad uga soo dhalaashay oo aad noogala soo dabaalay
dhibtooyin fara badan lakiin umaduhau waxay jecel
yihiin kolayba bedelka iyo wajiyada cusub. hana
moodin run wasiiradaadu waxay kuu sheegayaani in uu
wada runyahay way kaala xishoonayaan in ay ku
yidhaahdaan xukunka iska dhiib waayo dantooda maaha
oo hadii aad degto iyguna waa in ay degaan lakiinse
ka raac wixii dantaadu ama danta umadu ku jirto
waxaad ogaataa waxaad runtii madaxwayne run ah
noqonaysaa maalinta aad sharafta ku wareejiso adiga
oon cid ku kalifin maha kali ah in ay adiga sharaf
kuu tahay somalianad oo dhan ayey sharaf u tahay
reer awdal ayey sharaf u tahay adiga iyo caruurtaada
ayey sharaf u tahay ee
ha macaansan kursigani waa macaan iyo qadhaadh meel
ku wada yaale
wa billaahi tofiiq
Abdidhere@yahoo.com
Dubai UAE
|
|
|