Somaliland:
Dhaq-dhaqaaqyadii
ugu
danbeeyay ee
xalinta
mushkilada
siyaasadeed
April-12-2008
-Kulamadii
xisbiyada
mucaaradka
ah iyo EU-da
-Kulankii
Komishanka
doorashada
iyo EU-da
- Maanta iyo
Kulanka
rajadu ku
xidhantahay
ee
Madaxweyne
Rayaale iyo
Ergada
deeq-bixiyayaasha
- Komishanka
doorashadu
ma
heshiiskii
ay la galeen
xisbiyada
ayay ku
shaqaynayaan
mise mudo
kordhinta
Guurtida?
Hargeysa-
Wafti ka
socda
Komishanka
Midawga
Yurub oo
Somaliland
ka taageera
dhaqaalaha
ku baxa
doorashooyinka
ayaa shalay
kullamo
gooni gooni
ah la
yeeshay
Hogaamiyayaasha
labada Xisbi
ee
mucaaradka
ah Kulmiye
iyo Ucid.
Islamarkaana
waxa la
sheegay in
waftigani
maanta la
balansanyihiin
Madaxweynaha
iyo Xisbiga
UDUB.
Sida ay
sheegeen
warar ku
dhowdhow
kulamadaasi,
weftigu
waxay labada
Xisbi ee
mucaaradka
ah ka
xogwaraysteen
arrinta
doorashooyinka
Somaliland
iyo
khilaafaadka
ka dhashay
muddada la
qabanayo
doorashada,
waxaana la
sheegay in
Xisbiyadu u
caddeeyey
weftiga
Midowga
Yurub inay
ku taagan
yihiin
heshiiskii
Saddexda
Xisbi iyo
Komishanka,
mudda-kordhinta
Guurtida iyo
wakhtiga ay
u cayimeen
doorashada
Madaxtooyadana
aanay
tixgelinayn.
Warku waxa
uu intaaa ku
daray in
Midawga
Yurub
laftiisu u
muujiyay
inay aragti
ahaan ka soo
horjeedaan
mudo
kordhinta,
hase-ahaatee,
waxa la
sheegay in
ay u soo
jeediyeen
Mucaaradka
inay is
dejiyaan,
Islamarkaana
ay ka
shaqeeyaan
sidii
wakhtiga
Gudiga
doorashada
iyo
Xisbiyadu
isla qaateen
in lagu
qabto
doorashooyka
loogu gaadhi
lahaa
nabad-gelyo.
Weftiga ka
socda
Komishanka
Midowga
Yurub oo
gelinkii
danbe ee
Khamiistii
dalka soo
gaadhay
waxay habeen
hore kulan
la yeesheen
Komishanka
Doorashooyinka
Qaranka iyo
Akadeemiyada
Nabadda iyo
Horumarinta
Somaliland.
Taasoo ku
soo
beegantay
baaqashada
xaflad lagu
waday inay
habeen hore
Axsaabta iyo
Komishanku
ku saxeexaan,
heshiis
sadexda
xisbi iyo
Gudiga
doorashadu
iskula
qaateen
qorshe-howleed
loo dhigay
diiwaan
gelinta cod-bixiyayaasha
iyo
doorashooyinka
oo
wakhtiyaysan
oo uu goob
jog ka ahaa
Wakiil ka
socda
midawga
Yurub. Ka
dib markii
Golaha
Guurtidu
Khamiistii
muddo sannad
ah u
kordhiyey
Madaxweynaha
iyo
Madaxweyne
ku xigeenka
muddada
xilka.
Komishanka
Midaw-ga
Yurub waxa
lagu wadaa
inay maanta
Kulan la
yeeshaan
Madaxweynaha
iyo
xisbigiisa
Udub.
Wararku
waxay intaas
ku dareen in
Midowga
Yurub oo ku
deeqay 75%
lacagta ku
baxaysa
Diiwaangelinta
iyo
Doorashooyinka
Somaliland
ay carabka
ku adkeeyeen
in aanay wax
lacag ah
bixinayn
haddii aan
lagu
soconayn
heshiiska
saddexda
xisbi iyo
Komishanku
gaadheen.
Taasoo la
sheegay inay
Madaxweynaha
iyo
Xisbigiisa
culays ku
saarayaan si
ay ugu
qanciyaan
inay ku
socdaan
heshiiska
laga gaadhay
wakhtiga
doorashada.
Warku waxa
uu intaa ku
daray in
Waftiga
midawga
Yurub ka dib
kulanka ay
la yeeshaan
Madaxweyne
Rayaale iyo
xisbigiisa
ay kulan
danbe la
yeelanayaan
Gudiga
doorashooyinka
Qaranka,
kaasoo la
sheegay in
uu noqon
doono
kulanka ay
deeq-bixiyayaashu
uga
cadeeyaan
Komishanka
Go’aanka ay
ka qaataan
inay sii
wadayaan
wada
shaqaynta ay
la leeyihiin
Somaliland
iyo in kale,
taasoo ku
xidhnaan
doonta sida
la sheegay
mawqifka ay
kala kulmaan
Madaxweyne
Rayaale.
Dhinaca
kale,
Xisbiyada
Mucaaradka
ah ayaa lagu
wadaa maanta
inay kulan
xasaasi ah
la yeeshaan
Gudiga
doorashada
oo aan illaa
hada
cadaynin
aragtidooda
ku wajahan
Go’aankii
golaha
Guurtidu wax
kaga badalay
heshiiskii
ay ku
dhex-dhexaadiyeen
Axsaabta
siyaasada in
lagu qabto
doorashooyinka
daba-yaaqada
sanadkan.
Cabdiqani X.
Baynax,
Hargeysa/Somaliland.
|