| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

Dr Cumar Cilmi Dixood oo ah Mujaahid usoo dagaalamay Jabhadii SNM ayaa shirweyihii Kulmiye ku hadlay erayo cay qabiil ah oo ergooyin lagu qiyaasay 78 ay ka baxeeb hoolkii shirku ka dhacaayey.

April-03-2008

Borama ( Saylac.com) Dr. Dixood oo ah raga mayalka adag leh ee ka sii hadhay ururkii la odhan jirey SNM ayaa afka gacanta iska galiyey mar uu ka hadlaayey shirweynihii labaad ee xisbiga kulmiye isagoo ka hadlaya tariikhda SNM iyo halgankii ay soo mareen ayaa Dr Dixood mar kaliya uu iskala garan waayey oo uu ku fogaadey qabiilka Samaroonka uu ku tilmaamay inay si dhib yar u dhaxleen midhihii SNM ay dhiiga u hurtey.

Dr Dixood ayaa hadaladiisa waxa ka mid ahaa isagoo aabad moodo inuu Daahir Rayale garab taagan yahay fartana ku fiiqaya" Waar Daahir Na dhaaf hadii kale waad garan 1991 kii sidaad u jabteen een idiin eryaney ee aad tiinka dabada u galiseen maantana tii tu la mida ayaa idiinsoo dhaw" hadaad na dhaafi waydana adiga iyo tolkaaba sida looga shaqeeyo waan naqaanaa!!

Erayadan ayaa ergooyinkii shirweynaha ka soo qayb galay ku noqotey amakaag iyo anfariir iyadoo ay badankoodu shirka iskaga baxeen marka laga reebo dhawr ergo oo ay ka mid yihiin Eng Cabdiraxman Saylici, Pro Cabdi Xaashi Abiib iyo kuwa kale.

Aniga oo ah Wariye Dahir Axmed "jirde' Waxaan ka mid ahaa dadkii ka baxay hoolka shirka ee ka cadhooday erayada qaawan ee uu Dr. Dixood kaga dhawaaqay hoolka shirka. sidoo kale waxa ka baxay dad kale oo ka soo jeeda Beesha Isaaqa oo iyagu u arkay inuu Dr. Dixood khalad weyn ku jiro .

Saacad ka dib ayaa dadkii laga daba tegay loona sheegay gudigii shirgudoonku uu fadhiisiyey Dr. Dixood ee ay ku soo laabtaa hoolka shirku ka dhacayey.

Hadaba soomaalidu waxay tidhaa wixii uurka ku jira Afkaa kaa xada ee maxaad ku tilmaami kartaa nacaybka intan leeg ee uu Dr. Dixood ku talo galay inuu maqashiiyo ergooyinka ka socda Gobolka Awdal  iyo gobolka Sool oo uu runtii ku dhego hadlaayey ilayn Dahir Rayale meesha ma joogine.

Taasi waxay idin tusaysaa nacaybka qabiilku dhaamiyey ee qaar ka tirsan xisbiga kulmiye ay u qabaan beelaha hareeraha Jamuuriyada Soomaaliland dega oo ah lugta kaliya ee ay kulmiye ku talaabsado la'aantoodna xisbigani uu bari hore kala yaaci lahaa.

Waxase la yaableh ergooyinkan ka socday gobolka Awdal ee dhegahooda ku maqlaya cayda loo miisayo sida ay uga damqan waayeen uguna biiri waayeen ergooyinka kale ee ka kacay shirka .

Dadnimadu maaha jago raadis aan sharafi u laabnayn ee waxa haboon in damiirku mar'uun uu ku tuso dadkan kula mid inaad ka diidin dhacdhaca iyo aflagaado loo geysto dadkaaga mida kale ku darsoo caydan qaawani horey umay dhicin mudadii uu Mujaahad Cabdiraxman uu ku dhex jiray ragan mayalka adag ee kulmiye inay Daahir cayaan mooyaane Qabiil cay qaawan tanaa u kow ah waana dariiq furmay ee halala xisaabtamo kuwa dadka kala fogaynaya ee qabiil kusoo halqabsanaya iyo kuwa dhegahoodu hoos raariicinaya ee aan ka hadlayn labada.

Dahir Axmed Jirde
Saylac.com
Borama- Somaliland



Home |
Copyright © 2003 Saylac.com