|
|
 |
|
|
Musharaxa madaxweyne ku
xigeen ee xisbiga kulmiye Pro. Ismaciil Muumin
Aare oo saylac.com uga waramay arimo kusaabsan
habsami usocodka shirka...Mar-30-2008
Daawo sawirada
Hargeysa(Saylac.com) Shirweynaha labaad ee
xisbiga mucaaradka Kulmiye ayaa galay maalintii
labaad isla markaana u socda sidii loogu talo
galay iyadoo ay ka soo qayb galeen ergooyin aad
u tiro badan oo kakala yimi wadanka dibadiisa
iyo gudihiisaba. Kulanka maanta ayaa wuxuu ku
bilawday jawi caafimaad qaba iyadoo ay ka
hadleen ergooyin kala duwan oo kakala socda
gobolada jamuuriyada somaliland.
Saylac.com ayaa waxay hoolka shirku ka
dhacayo ee Amasador Hotel ay kula kulantey xubno
ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye oo uu
ka mid yahay Musharaxa Jagada Madaxweyne
kuxigeenka Pro. Ismaciil Muumin Aare oo nooga
waramay rajada uu ka qabo shirkani inay ka soo
bixi doonto iyo waliba arimo kale waxanu ku
jawaabay sidatan:
Marka hore aad ayaad ugu mahadsan tihiin inay
saxaafada gobolka Awdal ay ka soo qayb gasho
kulankan taariikhdiga ah ee xisbiga kulmiye
maanta u fadhiyo waanan idin salaamayaa- Salaan
kadib runtii kulankani waa kulan rajo weyni ka
muuqato rajadaas oo aan kali ku ahayn guul u soo
hoyatey xisbiga kulmiye balse ah mid guud ahaan
umada soomaaliland usoo hoyatey dhamaanteed,
Kulankan in mudo ah ayaa la abaabulaayey waana
ilaahay mahadii inuu sidii loogu talogalay u
socdo waxaanan ilaahay ka baryayaa inuu guul ku
dhamaan doono qodobo dhaxal gal ahina ay ka soo
bixi doonaan.
Saylac.com: Dhinaca dimoqraadiyada
markaad isbarbar dhigtid idinka iyo xisbiga
hogaanka dalka haya ee UDUB midkee u dhaw xaga
dimoqraadiyada ayaad odhan kartaa?
Pro. Aare: Dimoqraadiyada xisbiga kulmiye
waa sida cadceeda oo kale wax la hadoodilana ma
laha sida dawladda aad ogtihiin oo ku guul
daraysatey inay fuliso xilkii umadu ku aamintey.
Saylac.com: dhinaca ergooyinka iyo
masuuliyiinta ka socota gobolka Awdal bal iyaga
ka waran intee tiradoodu leeg tahay maxayse ka
bedeli karaan xisbiga ay ka tirsan yihiin ee
kulmiye?
Pro Aare: Wali horey umay dhicin qadarka
ergo ee ka socda gobolka Awdal ee maanta jooga
kulankani, xataa waxay iskaga kala yimaadeen
wadamada dibada sida USA. iyo wadamo kaleba,
ergooyinka ka socda Awdal waxay la mid yihiin
ergooyinka kale ee ka yimid gobolada dalka
kaligoonka xisbiga wax kama bedeli karaan lakiin
qayb ayey ka noqon karaan figradaha wanaagsan ee
looga fadhiyana waa la tixgalin doonaa waana la
fulin doonaa.
Saylac.com: Xisbiga kulmiye waxyaabaha uu
ka badeli doono Jamuuriyada soomaaliland hadii
uu qabto talad wadanka wax maad nooga sheegi
kartaa?
Pro. Aare: Waxyaabaha ugu horeeya ee aanu
niyada ku haynaayi waxa ay yihiin shaqo la'aanta
ku habsatey dhalinyarada, shaqooyin ayaanu
abuuri doonaa, xaga amaanka , iyo horumarinta
arimaha qoyska.
Saylac.com: Dhaqaalaha aad ku abuuraysaan
shaqooyinka xageed ka keenaysaan? Balamahaase
sideed uga baxaysaan hadii dhaqaale xumadan
wadanku ku jiro oo aan la aqoonsan mudada aad
taladda wadanka haysaan?
Pro. Aare: Horta dawladu hadii ay dadkeeda
daacad u tahay shaqo way abuuri kartaa dadkana
way maal galin kartaa gaar ahaan da'yarta intay
jaamadahii dhameeyeen gidaarada hogan ee aan
hayn wax camala oo ay qabtaan. dhaqaalaha
wadanka abuuro sida cashuuraha , iyo ganacsiga
caalamiga ee uu wadanku la leeyahay aduunka
intiisa kale iyo waliba deeqaha gargaarka ah ee
laga helo wadamada dibada hadii si daacad ah loo
maareeyo waxay ka badanyihiin shaqo abuurid iyo
wax u dhaw waana taa taan ku talo galay ee
dibadaha waxaan ka sugaynaayi way yaryihiin.
Saylac.com: Ugu danbayntii Pro. Maxay
kuula muuqataa degmada magaalacad la siiyey ee
lala garab maray Dilla oo 100 ka mudan in degmo
la siiyo? Walaahi siday idinkaba idiinla muuqato
ayuunbay aan iila muuqataa su'aashaasi waxay ku
haboontahay in la weydiiyo Dahir Rayale sida uu
go'aankaas u maareeyey.
Aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay Pro. Aare.
Kaasi wuxuu ahaa Musharaxa Jagada Madaxweyne ku
xigeenka ee Xisbiga Kulmiye Pro. Ismaciil Muumin
Aare oo ay saylac.com kula kulantey hoolka
shirka xisbiga kulmiye ka socdo ee Magaalada
Hargeysa.
Dahir Axmed "Jirde"
Saylac.com
Hargeysa- Somaliland |
|
|
- To Submit Information Click Here -
|
|