|
75
qof oo soomaali qaxooti ah ayaa ku
xarqamay dooni ay saarnayeen iyagoo usii
jeeda Dalka Yemen.
Mar-29-2008
Dibouti( Saylac.com)
In ka badan 75 qof oo soomaali aha ayaa
ku xarqamay xeebaaha dalka Yemen, sidan
waxa sheegay madaxda dawlada yemen.
Masuul ka tirsan xukumada dalka yemen
ayaa sheegay in dooni siday 250 qaxooti
ahi ay ku degtey meel u dhaw xeebta
degmada Abyan ee dalka yemen. Dadkii ka
badbaaday oo tiradooda lagu qiyaasay 250
ayaa sheegay ina lagu qasbay inay
doonida ka daataan ka hor intayna soo
gaadhin xeebta halkaasna ay ku xarqameen
dad badan oo isugu jira haween iyo ragba.
Dadkan ayaa ku socday dalal yemen si ay
uga sii gudbaan dalalka carabta oo ay
nolol iyo shaqo si ay ug ahelaan
naftooda u halageen. Hay'ada qaramada
midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa
sheegtey in in ka badan 64 kun oo qofi
ay kasoo qaxeen dagaalada maalinlaha ah
ee ka socda magaalada Muqdisho dadka oo
sida ay hay'adu sheegtey bishiiba lagu
qiyaasay 20,000 inay kasoo qaxaan
koonfurta soomaaliya. Dadkan intiisa
badan ayaa waxay u soo qaxaan dalalka
Yemen iyo Dalka Jabuuti.
Hay'ada ayaa intaa waxay ku dartey in
200 qof in ka badani ay maalin walba
galaan Dalka Jabuuti iyagoo kasoo
gudbaya Magaalada Lawyacado ee Gobolka
Awdal ee xadka lawadaagta dalka Jabuuti
si ay uga sii dhafaan dalka Yemen .
Dadkan ayaa marka la qabto waxa lagu
xereeyaa jeel yar oo ku yaala magaalada
Obokh ee dalka Jabuuti oo ay hada ku
xidhan yihiin dad lagu qiyaasay 240 qof
oo soomaali ahi.
Dadka qaxootiga ah ee soo galaya
magaalda Jabbuuti ee ka kala yimaada
magalooyinka Hargeysa, Borama, iyo
Jijiga ayaa badankoodu ay yihiin dad aan
u dhalan somaliland oo ka soo qaxay
koonfurta soomaaliya. dadkan waxa haga
ama tahriibiya dad u dhashay
soomaaliland oo u gudbiya magaalada
Lughaya iyo saylac.
Gobolka Awdal ayaa dhibaatooyin arinkani
ku hayaa iyadoon aan horey loo aqoon
tahriibta nuucan ah ayey dadkani lugta
ku sii qataan dhalinyar badan oo ku
dhaqan magaaladda Boorama iyagoo warar
been abuura ugu sheega inay kharashka ka
sii bixinayaan ay ku gaadhi lahaayeen
wadama Dibada gaar ahaan Yemen iyo
Sacuudiya.
Dhinaca Magaaladda jabuuti sidaa si leeg
ayaad arkaysaa dhalinyaro maalinwalba
hadal haysa tagriib iyo waxa la halmaala
waxbarashadoodiina uga hadhay dhoofitaan
raadis.
Dawlada Jabuuti ayaa la ildaran maara u
helida dadkan faraha badan ee maalin
walba kusoo qulqulaya magaalada oo aan
loo hayn maaliyad lagu degiyo xerada
qaxootiga ee Cali Cade oo ay hadda ku
jiraan qaxooti lagu qiyaasay 7,000 .
Osman Hussein
Saylac.com
Djibouti- Djibouti
|