Wasiirka Duulista Hawada oo
khalad ku tilmaamay arrinta kicisay dhibaatadii
Mudaharaadka
April,28,2008
Hargeysa (Saylac.com)- Wasiirka Wasaaradda Duulista
iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Md. Cali Maxamed
Warancade, ayaa sheegay inuu Madaxweyn Rayaale,
fasaxay keenista Shidaalka, isla markaana uu qof
waliba halka uu doono ka keeni karo, waxa kale oo uu
Cali Warancade, ka hadlay Mudaharaadkii shalay ka
dhacay Hargeysa, isaga ka mid ahaa xubnihii ugu
firfircoonaa ee arrintaa dejinteeda ku guulaystay.
Wasiirka oo ka dib markii ay kala dareeriyeen
Mudaharaadayaasha la hadlayay Saxaafada ayaa sheegay
in Golaha deegaanka Caasimada Hargeysi si qalad ah
ay ugu dhawaaqeen Degmooyin cusub. “Waxaanu ka
Xunahay shaqaaqadan saaka (shalay) dhacday ee
Magaalada badh-keed- ka dhacday, iyada oo aynaan
baryahan dambe u baranin oo aynu ilawnay dadka reer
Hargeysa oo is dhex yaacaya, oo dhagaxan la isku
tuurayo iyo wadooyinka oo taayiro lagu gubayo
maynaan arag, arrintaana dadka reer Hargeysa waanu
uga tacsidayadaynaynaa.” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka
Duulistu. Waxaanu u mahadnaqay dadkii iyagu ka
qayb-qaatay daminta iyo qaboojintii rabshadihii
Mudaharaadka “Aduunka meel walba dadku way
cadhoodaan, mudaharaadadu way dhacaan, laakiin inagu
waxaynu kaga duwanahay waxeenu waa yab-yab, oo
baabuurka laga jabiyo muraayadaha waxa laga yaabaa
qofka lihi inaanu kaba soo kabanin, meherada ama
dukaanka wax la yeelaana sidoo kale weeye. Dhaqaale
ahaan iyo duruufta maanta jirta awgeedna ma awoodno
in aynu wax is yeelo. Sidaa darteed waa inaynu
dulqaadanaa, waayo wadankeenu maanta inta badan
indhahaa lagu hayaa, oo imtixaan baynu ku jiraa.
Markaa waa inaynu noqonaa dad waxbadan u dulqaata oo
dawladnimada ilaaliya.” Ayuu hadalkiisa ku sii
ladhay Cali Maxamed Warancade.
Wasiirku waxa uu sharci-darro ku tilmaamay go’aankii
Golaha Deegaanka Hargeysi ku magacaabay degmooyinka
cusub, isaga oo taa ka hadlayana waxa uu yidhi,
“Waxaan aad uga xumahay arrintan dhacday ee kicisay
dhalinyarada ee dhibaatada gaysatay inaanay ahayn
arrin sharciyan sax ah, Magaaladda sida loo
qaybiyayna may ahayn wax laga tashaday, cida
qaybisay ee ku dhawaaqdayna cidii awooda u lahayd
may ahayn. Sidaynu ognahay Gobolo iyo Degmooyin waa
laga bixiyaa dalka, Hargeysina waxay ka mid tahay
Gobolada degmooyinka laga bixinayo, mana wanaagsana
waxaan Madaxweyene saxeexin in lagu dhawaaqo oo
dadka loo sheego.” Waxaanu ku dooday Mr. Warancade
oo uu yidhi, “Arrinta Golaha deegaanku ku dhaqaaqay
waxay ahayd mid aan laga tashan Madaxweynaha, oo aan
wax-garadka lagala tashan, in Golaha deegaanku
talaabadaa qaadaana qalad ayay ahayd, waa arrin ceeb
ah oo fool xun, dadweynahana waanu ka raali
galinaynaa arrintaa oo ahayd mid aan dawlada dhexe
soo gaadhin, oo aanu ka naxnay dhibta ay keentay.”
Isla markaana Wasiirka Duulista iyo Hawada gaadiidka
cirku Cali Maxamed Warancade, mar uu ka hadlayay
magacyada degmooyinka loo bixiyo waxa uu yidhi,
“Waxa jirta oo dadkeenu isticmaalaan marka magac
degmo la bixinayo, in la soo qaato nin magac weyn
lahaa, nin mujaahid ahaa iyo nin dalka iyo dadka wax
u soo qabtay, waxaanan qabaa in dadka sidaas ah la
ururiyo oo la diiwaan-geliyo, marka magac la
bixinayana waa inaanay noqon Degmadan Warancade
ayaan u bixiyay ee waa inay noqotaa wax laga
wada-tashaday, oo la isla ogol yahay, oo la soo
qaataa qof taariikhda ku jira, oo Mujaahidiinta iyo
dadkeena wax Garradka ah sida ay u kala horeeyaan
loo kala horeysiiyo, ee maaha in uu qofba magac iska
soo qaato, oo uu dadka ku kiciyo.”
Wasiirka mar wax laga weydiiyay arrinta
sicir-bararka sababta ay wax uga qaban waayeen
xukuumad ahaan, maadaam loo arko inay qayb ka tahay
arrimaha kiciyay dadweynaha waxa uu yidhi, “Waynu
ogoyn oo Sicir barar baa dhacay, oo in Shidaalkii
qaaliyoobay ayaa dhacay, oo Total ayaa ugu weyneyd
Shirkadaha shidaalka keena iyo shirkado yar-yar.
Waxaana Madaxweynuhu Iclaamiyay in cid waliba
meeshii ay shidaal ka keeni karto ka keento oo Total
loo xidhan yahay aanay jirin, oo cid waliba meesha
ay dalka ka soo gelin karto ee Total ka sicir jabani
ay ka keento, taana waxa la sheegayaa inay ilaa
saaka Faastada Naaftada ahi hoos u soo noqday
qiimaheedu.”
C.qani X. Baynax/Saylac.com/Hargeysa Somaliland
|