|
|
 |
|
|
Jawaab ku Socota Maqaal uu
Qoray faysal Cali waraabe Gud. Ucid... April-08-2008
Tixraac maqaal ka soo baxay Seatle Saylacnews
0/7/03/08 warkaa oo sheegayay in Suldaanka Guud ee
Beesha Reer Nuur Sul. Salaymaan Cali ismaaciil uu
aflagado U gaystay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah
ee UCID Faysal Cali waraabe.in mudo ah waxaan uga
amusnayn waxaan Sugaynay Bal inuu Raali galin Ka
Bixiyo Hadalada Gafka iyo Cayda ah ee uu faysal
Suldaanka ku Yidhi,Xidhiidh wanaagsan ayaa ka
dhaxeeya Beesha Reer Nuur iyo Beesha Ciida Gale. Nin
Siyaasiya oo Xil hayana Looga wanaagsan Inuu
Suldaano Sharaf Magac iyo Milgo leh uu Si Badhedha u
caayo dhaqana uma aha Umada Soomaliyeed in Suldaan
Sida Sul. salaymaan cali Ismaaciil oo kale la iska
Aflagaadeyo tiiyoo wax lagu haysan ama geel ama gar
Daw toona.
Hadii la waydiiyay Faysal sida uu u arko Guulaha ay
Dawladu gaadhay ee ay xuduudaha ku Sugtay Guul lagu
faanona ah Mucaarid iyo Muxaafid si ay uwada Arkeen
kuna Faraxsan yihiin Guusha sool Ciidanka qaranka
iyo Xukuumadu Ka soo Hoysay. Faysal Cali ma, waxay
la noqotay inuu suldaan Salaymaan iska Caayo kuna
yidhaa Waa haabaan Suldaanku,,
Anaga oo qadarinayna Beelaha uu ka dhashay faysal
Haboona inuu raali galin ka bixiyo Cayda Sul.daanka,
Xisbi dhan oo Qarana uu Gudoomiye u yahay faysal.
Ucidna Codka ugu Badnaa waxaa Siiyay Beesha reer
Nuur. faysalna waa ninka waxaa Ku hadlaya ismana Oga
warna iskuma hayo hadalada Guracan ee uu ku yidhi
Suldaanka Miisaanka Culus ee Beesha Reer nuur.
si quman qadran mudan ayaan kaaga Codsanaynaa
faysaloow ka noqo hadaladii hore, kana taxdar waxii
danbe isma ogid, malaha meesha Aad u socoto.
In Mudo ah ayaan sugaynay inu Cudur daar ka bixiyo
hadalkaa waxaase noo cadaatay inuu ugu talo galay
raalina uu ku yahay inuu caayo Suldaanka Taasi waxay
ku tusaysaa Maan-Gaabnimada faysal waxse ku maqan
weeyi...Rag wax gardihi Aduunka kama dhamaan oo ay
dhibayso Deel qaafka faysal ka soo baxay Beesha
Ciida gale ee uu faysal ka dhashay iyo Umada
soomaliyeed iyo soomalindba hadalkani Cayda ugubka
ku ah Dhaqanka Soomaliyeed ka siyasiyiinta aqoon
yahaynka wax garadka. waxuu Muujinayaa kaska fatsal
cali waraabe ee Yoohooda ah.
Daahir Xasan xadi Chief Caqil
Axmed Faarax Barkhadle Caaqil
Maxamuud Muuse Colow G/G/Fulinta Beesha
Maxamed daahir Bule G/ku/ Fulinta
Maxamed nuur Suldaan Xoghaye
C/raxman Jaamac warfaa Xubin
Cabdilaahi Xaashi Qalinle ///
Muuse Maxamuud warsame
Axmed Jicsin Fadan
cali xuseen Cumar
Mukhtaar Cabdilaahi Ducaale
maxamed muumin Kaahin
Xil. Muuse Jibriil Jimcaale
Prof.Maxamuud Muxumed Jaamac
Maxamed Cumar muxumed
Xil. maxamuud Cabdi Xuseen.
|
- To Submit Information
Click
here--
|
|