Kooxaha Maxakiimta
oo sii kordhiyey weeraro koonfurta soomaaliya.
Apr-04-2008
Muqdisho(saylac.com) Inkabadan 15 qof ayaa lagu
soo waramay inay ku dhinteen magaalada Cadaado
ee gobolka galgaduud ka dib markii ay dagaalo
qadhaadhi ka dhex dheceen kooxaha Maxaakiimta
Islaamiga ah iyo ciidamada Dawlada Cabdilahi
Yusuf oo ay weheliyaan ciimada Itoobiya.
Dagaalka ayaa bilawday ka dib markii kooxda
Maxaakiimtu ay weerareen magaalada Cadaado oo
600 KM kaga beegan dhinaca waqooyi ee magaalada
muqdisho.

Dhinaca kale Sadex qof oo kale ayaa ku dhintey
ka dib markii kooxahani ay weerar gaadmo ah ku
qaaday Huteel ay ku sugnaayeen saraakiil ka
tirsa dawlada Cabdilahi Yusuf. Gudoomiyaha
Gobolka Galgaduud ayaa sheegay inuu ka badbaaday
weerarkan isla markaana ay dibugurasho sameeyeen
kooxihii soo weeraray Gobolka Galgaduud.
Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa waxa kale oo ay
weerero ka sameeyeen tuulada Jalaqsi oo dhinaca
waqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho.Hay'da
dhakhaatiirta aan xuduuda lahayd ee marka
magacooda la soo gaabsho loo yaqaano MSF ayaa
iyagu gabi ahaanba albaabada u xidhay hawlihii
ay ka wadeen magaalada muqdisho iyo goobahan
dagaaladu ka dhaceen usbuucan.
Dr. Arjan Mehenkamp ayaa sheegay inayna
magaalada Kismaayo ayahayn meel degan oo hawlaha
Hay'adani ka suurto gali karo sababtuna ay tahay
iyadoo maalin walba bartilmaameed laga dhigto
shaqaalaha hay'ada MSF ee ka hawl gala magaalada
kismaayo,
Maxaakiimta islaamiga ayaa todobaadkii ina soo
dhaafay la sheegay inay weeraradooda xoojiyeen
iyagoo in kabadan lix magaalo gacanta ku dhigay.
Dhinaca kale laqa qof oo ajanabi ah oo u
shaqaynayey UN ayaan ilaa hada warlaga hayn
xaalada ay ku sugan yihiin ka dib markii ay
afguub ku kaxaysteen . Labadan qof ayaa waxay
degaano koonfurta soomaaliya ah ka wadeen hawlo
serfeey ah oo dhinaca beeraha ku taxaluqa.
Saraakiisha UN ta ayaa ku hawlan wadahadalo
dhexdhexaadin ah sidii ay madaxfurasho ugu soo
siidayn lahaayen labadan qof oo u shaqayn jiray
hay'ada UN u qaabilsan cuntada iyo beeraha.
Ciidamada Itoobiya ayaa bishii december 2006
dagaal qadhaad la galay maxaakiimta Islaamiga ah
kana saaray magaalada muqdisho .
-------------------------------------Read
English Version Below-----------------------------------------------------------
Somalia: Somali insurgent attacks spread
MOGADISHU, 04/04 - Fifteen people are reported
to have died in northern Somalia as government
soldiers fought Islamist insurgents.
The fighting began when insurgents attacked
checkpoints at Adado some 600km north of the
capital, Mogadishu.
Meanwhile, three people have died in south-west
Somalia in an Islamist raid on a hotel where a
local governor and other officials were staying.
The Galgaduud region governor said he was safe
and the attackers had retreated after heavy
fighting.
Islamists also raided the town of Jalalaqsi,
north of Mogadishu, and held it briefly before
leaving with a police vehicle.
Meanwhile, the aid organisation Medecins Sans
Frontieres (MSF) has shut down a project in
southern Somalia citing increased insecurity.
MSF`s Arjan Hehenkamp said staff in Kismayo
cannot continue working where they are
deliberately targeted.
The move comes only days after gunmen kidnapped
two UN foreign workers.
Reports say the Islamist insurgents have been
regrouping and have briefly taken over six towns
in the last few weeks.
The fate of a Briton and Kenyan taken hostage on
Tuesday remains unknown. They were employed by
the UN Food and Agriculture Organisation to
conduct aerial surveys of southern Somalia.
UN officials say local elders are negotiating
their release.
Ethiopian troops backing the government ousted
the Union of Islamic Courts (UIC) from the
capital, Mogadishu, in December 2006.
Cabdi Maxamed
Saylac.com
Muqdisho - Somalia
|