| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Xasuuqa  Culimada ee ka dhacay masjid Al-huda waa qorshe Itoobiya degtey in tariikhda lagu daro dhacdooyin hore uga dhacay Geeska Afrika.
April,27,2008

Addis(Saylac.com) Dhacdada naxdinta leh ee culimada soomaaliyeed ciidamada Itoobiyaanku ay ku gawraceeni waa mid ka indha cad sida dadka badankiisu u haystaan. Baadhitaan ay shabakada saylac.com ku samaysey sababta keentey inay bishan afraad ay ciidamada Itoobiya ay gawracaan in ka badan 21 culimaa Udiin oo soomaaliyeed ka dib markii ay ugu galeen masjidka Al-Huda ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa saylac.com u suurto gashay inay akhristayaasha soomaaliyeed usoo bandhigto qorshe fog oo ay itoobiya ka lahayd xasuuqan dhacay ee culimadan aan waxba galabsan loo geystey Allaha naxariista jano haka waraabiyee.

Sida uu sarkaal Itoobiyaan ah oo horey uga tirsanaan jiray ciidamada Itoobiya  oo magaciisa codsaday inaan la sheegin xaga amaanka awgeed uu  u  sheegay shabakada saylac.com in dawlada Itoobiya ay ka shaqaynaysey inay tariikhda ku darto xasuuq raadreeb ku noqda umada soomaaliyeed dhacdooyin hore oo maalinta 19aad ee  bisha afraad horey uga dhacay wadamada Geeska afrika.

Sarkaankan Itoobiyaanka ah ayaa waxa uu saylac.com horkeenay waraaq uu ku saxeexan yahay Sarkaal sare oo qaabilsan ciidamada Bariga Itoobiya iyo soomaaliya ka hawl gala oo sheegaysa in xasuuqan lagu beego maalinta April,19 2008 masaajidkana lagu laayo culimada soomaalida si raad murugo leh ay soomaalidu ula wadaagto wadamada dhibtani horey usoo martay oo kala ah:

Apri,19,1994 Wadanka Ruwanda ayaa waxa lagu xasuuqay 800,000 oo dadka tutsiga ah
April,19,1936 Ciidamada Talyaaniga ayaa xoog ku qabsaday magaalo madaxda Dalkii la odhan jiray abasiiniya hadana loo yaqaano Itoobiya.
April, 19,2007 Diyaarada Boeing 737 ee dalka Kenya oo sida rakaab dhan 114 qof ayaa ku dhacday meel 5 Mayl u jirta magaalo madaxda Kamaroon ee Douala .

April,19,1937 Boqor Hayle Salase ayaa waxa uu lataliyihiisa soo hordhigay dhaqdhaqaaq uu ugu magac daray Rastafar oo ujeedadiisu ahayd sidii geeska afrika oo dhan loo gaadhsiin lahaa diinta kiristaanka dawladaha reer yurubna ay ku tageereen qaarkoodna uba arkayeen inuu yahay rasuul nabi ciise usoo diray Geeska Afrika.

April,19, 179BC Boqor Mililik oo magaciisa dhabta ahi ahaa Ebna la-Hakim, "Son of the Wise ayaa waxa uu sheegay inuu yahay wiilkii nabi saleebaan dhalay Boqorada Sheba ee yemena ay hooyadii ahayd waxa kale oo uu sheegay inuu dagaal cad la gali doono hadii ay jiraan dad geeska afrika degan oo Itoobiya ka horyimaada danaheedu.

April,19,2008 Ciidamada Itoobiya oo fulinaya amar lagu xasuuqo culimaa-Udiin Soomaaliyeed ayaa waxay galeen Masjidka Al- Huda ee Magaalada Muqdisho ka dibna waxay gawraceen 21 Mujaahid oo aan waxba galabsan .


Sarkaankan Itoobiyaanka ah oo nin Muslim ah asal ahaana ka soo jeeda Dalka Soomaaliya ayaa shabakada saylac.com soo gaadhsiiyey waraaq ay tariikhdan la isku beegay ku qoran tahay waxa kale oo uu sheegay inay Dawlada Itoobiya gaadhay ujeedadii in lagu daro taariikhda madaw ee geeska Afrika tan maanta ay geysteen ciidadada Xabashidu.

Umada Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa ayuu yidhi sarkaankani inay iska iloobaan khilaafka dhexdooda yaala oo ay eegaan dhibaatooyin kuwan ka waaweyn oo kusoo socda Dawlada Itoobiya ay la damacsan tahay.

Abdiwali Mohamed

Saylac.com
Addis, thiopia


 

 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com