|
|
 |
|
|
Madaxtooyada Jamhuuriyadda
Somaliland
Warsaxaafadeed 07/04/08
Hargeysa-Aniga oo tix-raacaya Waraysiyadii
Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed
Siilaanyo uu siiyay Warbaahinta qaar ka mid ah ,
taasi oo uu ku cel-celiyay in aanu aqbali doonin
in Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin loo kordhiyo
mudada uu xilka Madaxtinimada hayo.
Marka hore Siinaayo si fiican uma akhrisan
Dastuurka dalka u yaala ee ku saabsan doorashada
Madaxweynaha , qodobka 83-aad , Farqadiisa
saddexaad oo si cad u tilmaamaysa in
Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenkii hore ay
sii wadi doonaan hawlaha ay u xil saaran yihiin
ilaa Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeen cusub
la soo doortaa kala wareegaan xilka.
Waxa la yaab leh in Siilaanyo carabka ku dhuftay
in Madaxweynuhu ka soo baxo Qasriga Madaxtooyada
bisha May badhtamaheeda sida uu hadalka u dhigay
, taasina waxay muujinaysaa in qasrigii
Madaxtooyada uu ka dhigay guri ama dukaan isagu
iska leeyahay.
Afxumada iyo Aflagaadada noocaas ahi ma aha sifo
lagu hanan karo kursiga Madaxtinimada dalka ,
waxase aanu u sheegaynaa in Madaxweynuhu yahay
Madaxweyne Qaran oo shacbiga reer Somaliland soo
doorteen , una diyaar yahay in uu jagada baneeyo
haddii lagaga helo doorasho xor ah oo xalaal ah,
Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE waxa uu baal marsan
yahay go’aankii ay wada jir u gaadheen Saddexda
Xisbi Qaran oo uu ka mid yahay xisbigiisu , kaas
oo ku salaysnaa in doorashooyinka Dawladaha
Hoose iyo Madaxtooyada la qabto Bilaha July iyo
August.
Waxa la yaab leh in uu Siilaanyo ku tilmaamay
dhawr jeer xeerka diiwaan gelinta in uu yahay
mid qurxin ah , balse aanu waafaqsanayn
dastuurka doorashada.
Sida laga war qabo waxa uu Siilaanyo had iyo
jeer ku cel celiyaa in doorashadu wakhtigeedii
aanay dhacayn , taasi oo uu khal khal iyo cabsi
gelin ku abuurayo shacbiga dhexdiisa.
Wax badan ayuu Madaxweynuhu ka dhawaajiyay in uu
diyaar u yahay in doorasho xor ah ay dalka ka
dhacdo , wakhtiga se doorashadaasi la qaban
doono , waxa ay tahay mid u taala oo ay
go’aankeeda leeyihiin Komishanka Doorashooyinku.
Allaa Mahad Leh,
Siciid Cadaani Mooge
Afhayeenka Madaxtooyada JSL
|
|
|