| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

Hargeysa: Boqolaal macalin oo mudaharaad cabasho ah sameeyay
April-06-2008
“Lacag aanu bisha qaadan jiray iyo mid loogu talagalay mudada imtixaanku socdo in lana siiyo midna ma hayno” Mid ka mid ah Banaan-baxayaasha


“Imtixaankii imika ayay galeen, laba lacagayowna ma jiraan waa lacagyar oo ay bisha qaadan jireen tiina waa la siinayaa” Agaasimaha Wasaarada waxbarashada

Hargeysa (Saylac.Com)- Boqolaal ka mid ah Macalimiin wax ku barata Jaamacadaha kala duwan ee Hargeysa, oo dhamaystay tababar u socday muddo laba sannadood ah ayaa shalay banaan-bax cabasho ah ka hor sameeyay, dugsiyadii loogu talay galay inay ku galaan Imtixaanka shahaadiga ah ee kama danbaysta ah oo ah Dugsiga sare ee 26 June, Maxamuud Axmed Cali, Qudhac dheer iyo Gacmadheere ee Magaalada Hargeysa.

Macalimiintan banaanbaxay ayaa diidmadooda ku sababeeyay musuq maasuq ay ku eedeeyeen in Wasaarada waxbarashadu kaga sameeyay gunooyin loogu talagalay muddada ay imtixaanka ku jiraan iyo bas raac ay bishiinba hal mar qaadan jireen oo dib u dhac ku yimi. Eedaas oo Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashaduna ay ku tilmaameen mid aan waxba ka jirin. “Wasaaraddu waxay saxeexday oo ay soo qaadatay, lacag dhan 7,000, oo Dollar, oo Hay’ada Care international bixisay, oo loogu tala galay Macalimiintu muddada ay imtixaanka ku jiriraan in ay ku baxdo, taana Wasaaradda waxbarashada ayaa doonaysa in ay iska qaadato, tii aanu bisha soddonkeeda qaadan jirayna weli ma hayno, sababta aanu imtixaanka u diidnayna waa taa, galina mayno ilaa nala siiyo lacagta.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah Macalimiintii isu-soo baxay. Waxay Macalimiintani sheegeen in hadii ay imtixaanka galaan iyaga oo aan lacagta la siin ay ka war-war qabaan in la waayi karo lactooda marka imtixaanku dhamaado, “Waxaanu ka war-warsanahay, hadii imtixaanka aanu galo, oo uu dhamaado iyada oo aan lacag nala siin, in goordhawna nala odhan doono waxba la idiinma hayo. Markaa imtixaanka ka hor waa inaanu helaa lacagtayadii, hadii kale goor-dhaw wax lagu wada-hadlaa ma jiro.” Sidaa waxa ku dooday mid ka mid ahaa Macalimiinta qaadacay in ay galaan imtixaanka.

Dhinaca kale, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Cali Cabdi Odawaa, Guddoomiyaha waxbarashada Gobolka Hargeysa Cali Cabdi Jiciir iyo hawl-wadeeno kale oo Wasaaradda ka tirsan oo tagay goobaha macalimiintu ka sameeyeen cabashooyinka ee loo asteeyay in ay Macalimiintu imtixaanka ku galaan, ayaa dejiyay arrintaasi, islamarkaana ku qanciyay macalimiinta inay galaan Imtixaanka.. “Gala Fasaladda haddii kale lacag aad nagu leedihiin oo aad helaysaan ma jirto, lacagtiinii hadda ayaanu idin siinaynaa ee fadhiista fasalada aan wada-hadalnee.” Weedhahaas iyo kuwo kale-ba waxay ka mid ahaayeen Erayayadii dejinta ahaa ee ay Masuuliyiinta waxbarashadu ugu baaqayeen Macalimiinta banaan-baxayay.

Agaasimaha waxbarashada oo wax laga weydiiyay sababta kicisay macalimiinta ee ay imtixaanka u diideen ayaa waxa uu yidhi. “Maanta (shalay) sida aad la socotaan dalka oo dhan waxa ka bilaabmay Imtixaankii Macalimiinta, kuwaas oo tababar laba sanno ah oo u socday dhamaysatay, oo tiradoodu dhan tahay 1939 (kun sagaal boqol iyo sagaal iyo sodon) macalin. waxa rag ah 1522 macalin, waxaana dumar ah 417, shahaadada ay qaadanayaana waa dublooma, luuqadaha ay ku galayaana waa saddex luuqadood, oo kala ah Carabi, Ingiriisi iyo Soomaali, waana isku leefal ah oo nin waliba tuu isleeyahay waad ku baasaysaa ayuu ku galayaa. Markaa waqti ayuu lahaa Imtixaanku, waqtigiina waa imika. Sidaa daraadeed Macalimiintii imika dibada ka buuqaysay ha u qaadanina in ay Imtixaanka diidayaan, dhanxiir ayaa meel walba jooga, waxoogaa yar oo lacag ah ayaa naga maqan ayay lahaayeen, lacagtiina kama maqna ee lacagtoodu waa diyaar. Laakiin, dhan-xiir ayaa odhanaya ilaa la ina siiyo 19-ka Doolar yaynaan galin Imtixaanka, taasna inay macalimiintu dhagta u dhigaan maaha, imakana waad arkaysaan oo fasaladii ayaa lagu jiraa, Imtixaankiina hada ayuu dalka ka wada bilaabmay.”

Mar la waydiiyay Agaasimaha, sababta keentay cabashadan macalilmiinta, oo marar badana soo noq-noqotay iyo sababta lacagtooda dib u riday, waxa uu ku jawaabay, “Lacagta waxa naga caawiya Hay’adaha Care iyo Save the Children, markaa foojarku wuu yar daahi karaa, waxa dib u dhaca keenayna waa daahidaa ee wax kale ma jiraan.” Agaasimuhu, mar uu ka jawaabayay su’aal ahayd in Macalimiinta laga musuqay lacag loogu talagalay muddada imtixaanku socdo, waxa uu yidhi, “Imtixaankii imika ayay galeen, haday galeena waa la siinayaa lacagtoodii, laba lacagayawna maahee waa mid, taasina waa u diyaar oo waa tii ay bisha qaadan jireen uun.” Ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashadu, Mr. Odawaa.

By Cabdiqani X. Baynax. Hargeysa Somaliland


 

- To Submit Information Click here--

 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com