|
|
 |
|
| |
Maamulka iyo Odayaasha Tuulada
Geerisa oo si wayn uga cawday Taliyaha ciidanka
deegaankaas
April,26,2008
Hargeysa (Saylac.com) – Haydh Tuulaha magaalada
Gaarisa oo ka tirsan Demgada Lughaya iyo Odayaal
dhaqameed ka soo jeeda deegaankaas, ayaa si wayn uga
cawday Taliyaha ciidanka Qaranka aagaas, oo ay ku
eedeeyeen inuu lunsaday Lacag dhan $2500. Taasoo ka
soo baxday sida ay ku doodeen Ceel biyood oo
deegaankaasi ay ka samaysay Hay’adda DRC.
Duqa Gaarisa Khayre Ducaale Dhaayane oo Cabashadiisa
uga waramay Saxaafada ayaa waxa uu ku yidhi .“Waxaan
Halkan cabasho hore loo soo jeediyay, maantana ka
jeedinaynaa aniga iyo Cuqaasha Beesha Geerisa
Taliyaha Ciidanka Qaranka ee Geerisa haysta ee
Maxamed Xadhuun la yidhaahdo. Ninkaasi waxa weeye
Hadidaad iyo Caga-juglayn ayuu nagu sameeyaa.
Waxaana intaas kaba sii xun Ninkaasi Ceelkii Gaarisa
ee biyaha laga cabayay ee Hay’adda DRC ay noo
samaysay, uguna talo-gashay dib-u-dejinta Qaxootiga,
lacagtii aan ka ururinaynay ayuu ninkaasi naga
qaatay, si badheedh ah ayaanu ku qaatay oo xoog ah.
Sidaa daraadeed, waxaanu ka codsanaynaa Dawlada in
lacagtaa maamulkeedii iyo dadkii loo xilsaaray oo
annaga Maamul Tuulo ahaan lagu soo celiyo, si aanu
Mishinkaas u dayac-tirno, shaqaalahana aanu xaqooga
uga siino, isagana hawshiisii ugu qabano.” Sidaas
Ayuu yidhi.
Caaqil Muuse Arayte Boqore oo ka tirsan
Oday-dhaqameedyada deegaanka Gaarisa ayaa isna
cabashada Maayarka ku wehelinayay, waxaana uu yidhi:
“Waxaan halkan ka caddaynayaa Dhac cad oo Gaarisa
loo gaystay, oo uu u gaystay ninka Maxamed Xadhuun
la yidhaahdo ee xukuma Ciidanka Qaranka Lughaya.
Waxaanuna doonaynaa oo ka codsanaynaa Madaxweynaha
inuu arrinta wax ka qabto. cid kasta oo ay khusayso
waanu u sheegnay hadday noqoto, Gaashaan-dhigga,
Wasiirka Arrimaha Gudaha, walina hadal cad kama
hayno, Jananka Ciidanka Qaranka xataa waa u sheegnay.
Waxaanu codsanaynaa in si deg deg ah looga soo
celiyo lacagta. Waxaan leenahay , halkaa cadho wayn
baa taala, horena ha looga fiirsado arrinkaa.
Madaxweynaha Warqad baanu u sidnay waa nalaga
hor-joogsaday. Wasiirka Ku-xigeenka Warfaafinta oo
aanu isku reer nahay ayaa yidhi Madaxweynaha ma arki
kartaan, run iyo been waxay tahay mooyiye, Waa Cali
Cilmi Geele ninka sidaa nagu yidhi. Iminka waxaanu
leenahay Madaxweynuhu si deg deg ah ha noogu soo
jawaabo, oo ninkaa ha naga qabto.”
Caaqil Nuur Aadan Barkhadle oo isna ka hadlay
cabashada Taliye Maxamed Xadhuun ayaa waxa uu yidhi:
“Dacwadan Saddex goor baanu keenay, cid wal oo ay
khusaysayna gaadhsiinay. Iminka Bil iyo Badh
arrinkaasaan u joognaa. Waxaan ka codsanaynaa,
xukuumada iyo umadda reer Somalilandba inay wax ka
qabato. Waayo, halkaas dil baa ka dhow. Waa markii
ugu dambaysay waxaanu leenahay ninkaas umadda ha
laga qabto, waxyaabo ad-adag ayuu wadanka ku hayaa
oo aanaan halkan ka sheegi Karin. Umaddu Somaliland
Ilaahay haka yaabto, oo Madaxweynuhu Illaahay ha ka
cabsado oo haddaanu ninkaas la ogayn arrin, ha naga
siiyo Xaqayaga.Ninkan Haydh Tuulaha ah ayaa lacagta
Hayay, awood ciidan buu isticmaalay wuu ka xoogay,
Askar buu kaxaystay, hareeruhuu ka joojiyay, waanuu
ka qaaday lacagtii”
Cabdiqani Baynax
Saylac.com / Hargeysa / Somaliland
|
|
|