| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Taliyaha Saldhiga Booliska Bariga ee Magaalada Boorama. Yaasiin Cabdi Buux.ayaa ka waramay Gaadiid la aanta haysata iyo hawlaha Kiisaska iyo Dadka Dhulka Baaxada leh ee saldhigiisu ka hawlgalo...April,11-2008
TBorama( Saylac.com)Taliyaha Saldhiga Booliska Bariga Magaalada Boorama Yasiin Cabdi Buux ayaa waxa kale oo uu sheegay inay gaadiid la'aanta haysata Booliska saldhiga uu madaxda ka yahay ay keentey in mararka qaarkood ay awood u waayaan inay soo qabtaan danbiilayaal ay cagahooda ku eryadaan .

"Wax gaadiida mahaysano kiisaska aan maxkamada u gudbino maalintii waa 3ilaa 5 qof. waan sii lugaysiinaa mar mar waxaan u kireeyee tagaasida oon lacagsiiyaa". sida waxa yidhi taliyaha saldhiga Bariga Boorama ee Booliska. Yaasiin Cabdi Buux.

Taliyaha Saldhinan Booliska Bariga Magaalada Boorama ayaa waxa kale oo uu shabakada Saylac.com u sheegay inuu aad uga walaacsan yahay Dadka gura Biraha oo kusii badanaya Magaalada iyo waliba falal kale oo gooni gooni uga dhacay magaalada.

Isaga oo ka waramaya hawlaha booliska ay ka hayaan magaalada Boorama, Taliyuhu waxa uu sheegay inay Boolisku habeen iyo Dharaar heegan u yihiin Sugida Amniga.Taliye Yaasiin intaa waxuu Ku Daray in ciidanka Saldhiga ka hawlgalaa ku yar yahay. waayo Ilaa Magaalo cad ilaa Degaanka Duse Qamoone (Old Baki), waxa ka hawl gala waa saldhigayaga waa masaafo fog iyo labada xaafadood ee Boorama, Ugu waawayn. ayuu hadalkiisa ku daray.

Wax Garadka, Oday dhaqameedada, Cuqaal, Dhalinyaro, Culumadiin, iyo haweenka Degan labada xaafadood ee saldhiga Booliska Bariga Boorama Xukumo ayaa waxay codsi u dirayaan dawladu inay Gaadiid Siiso Saldhiga Bariga Boorama, oo aan haysan wax ay qof ku soo qabtaan had iyo jeerna la arko Ciidanka Boolaiska oo lug ku tagaya meesha fal ka dhaco ama daba yaacaya mar mar gaadhi waaya cidii ay rabeen inay soo qabtaan.


Dahir Axmed Jirde"

Saylac.com/ Borama/ Somaliland

- To Submit Information Click here--

 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com