| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Mashruuca dhismaha Garoonka kubada cagta ee Borama oo dhawaan dib loo bilaabi doono..May,06,2008
Hargeysa(Saylac.com) Mashruucan dhismaha oo horey ay u dhagax dhigtey Marwada Koobaad ee Jamuuriyada Somaliland Marwo Hudda Barkhad Aaden ayaa in mudo ahba aan wax xarakaad ah oo dhismihiisa ku saabtan aan la maqal. Hadaba Maanta ayaa shabakada saylac.com soo gaadhay qoraal muujinaya qorshaha dhismaha garoonka oo bilaha inagu soo fooleh bilaambi doona.

Qoraalkan oo ay ku saxeexnayd Marwada Koobaad ee Jamuuriyada Somaliland ayaa sheegay mudada iyo sida ay uga qayb qaadan doono garoonka. Waxa kale oo qoraalkani uu faahfaahin ka bixiyey nashqada iyo dhismaha garoonku sida uu ahaan doono\ , Marwada Jamuuriyada Somaliland Marwo Huda Barkhad Aaden oo horey u dhagax dhigtey Garoonka ayaa sheegtey inay diyaar u tahay inay qayb laxaadleh ka qaadato dhismaha garoonka ,  isla markaana sarey u qaado ciyaaraha iyo dhalinyarta Gobolada Somaliland oo dhan.

Marwada oo qoraalkeedan kaga hadashay arimo badan oo ku saabsan faa'iidada ciyaaruhu u leeyihiin dhaliyarada iyo isdhex galka Bulshadaba ayaa sheegtey inay dhalinyartu tahay lafdhabarta bulshada loona baahan yahay ina dhalinyarada loo dhiso garoomo ay ku ciyaaraan waana sida kaliya ee ay ciyaaruhu ku taabo gali karaan ayey hadalkeeda raacisey marwadu.


Garoonka Kubada Cagta ee Boorama ayaa horey ururka gurmad uu ugu magac daray Allaha u naxariistee Abwaankii Abwaanada Soomaaliyeed Xasan Sheekh Muumin oo lagu aasay magaalada Boorama.

Ururka Gurmad ayaa isagu horey u ururiyey lacagooyin ay ugu tala galeen dhismaha garoonka kubada cagta ee Boorama lacagahaas oo ilaa hadda ceegaaga sanduuq loogu tala galay in loogu ururiyo mashruuca dhismaha garoonka oo xawli aad u hooseeya dhismihiisu ku socda.


Arintan ah inay marwadu ka qayb qaadan doonto dhamays tirka garoonka ayaa waxa ay dhalin doontaa yididiilo weyn oo markale dhalintarta Degmada Boorama ku dhalata si loogu dhamays tiro garoonkan mudada dheer qaatey oo ay in mudo ahba filayeen in loo dhiso.


Garoonkan kubada Cagta ee Xasan sheekh Muumin ayaa noqon doona garoonka kobaad ee ka jira Gobolada Awdal iyo Salal oo ayna horey uga dhisnayn garoono ciyaareed.


Saylac.com


 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com