Banaanbaxaas
ayaa kasoo qeyb
galey dad lagu
qayaasey 800
ilaa 1000 ,
dadkaas ayaa
kala ahaa Rag,
dumar iyo caruur,
banaanbaxaas
ayaa ka dhacay
xarunta xisbiga
shaqaaalaha (youngstorget).
Banaanbaxaan
ayaa ahaa midkii
labaad ee ka
dhaco dalka
Norway
tan iyo shalay .
Banaanbaxan ayaa
ku soo beegmay
maalinta
shaqaalaha
aduunka .

Banaanbaxayaasha
ayaa waxaa
wejiyadooda ka
muuqdey carro ay
u qabaan
dowladaha
mareykanka iyo
itoobiya oo
xasuuq ka wada
dalka soomaaliya
waxayna dowlada
norway ka
codsadeen iyo
caalamkaba in la
joojiypo xasuuqa
ka socda dalka
oo taageero lagu
siinayo dowlada
uu madaxda ka
yahaya malez
zenawi iyo
dabadhilifka u
adeega cadowga

Waxay ku
dhawaaqayeen
ereypo ka dhan
ah Bush iyo
Zenawi , waxay
ku qeylinayeen
ereyo kale duwan
oo ay ka mid
yihiin “ heybad
waxaa u leedahay
dhulkaada hooyo
waana lama
huraan “


“Ninkii dhoof ku
yimid baa
geeridu
dhibeysaa “
waxaa kaloo ka
mid ahaa ereyo
noorweeji ah
sida “ Lenge
leve for nasjon
, lenge leve for
Somalia”
kuwaasoo
macanahaeedu
yihiin soomaali
ha noolaato
waqti dheer ,
waxaan kaloo
arkayey ilmada
ka qubaneysey
qaar ka tirsan
banaanbaxayaasha
markii la
qaadayey heesta
ah “heybad
waxaad ku
leedahay
dhulkaada hooyo”.

Socodka ayaa ka
bilawdey
youngstorget
ilaa ay socodka
kusoo hormareen
aqalka
Baarlamaanka
Norway ,
dadka ayaa
shucuurta ku
muujiyey in ay
ka xunyihiin
aysana u
dulqaadan doonin
dhibaatada iyo
gumaadka lagu
hayo Shacabka
Soomaaliyeed ee
aan waxba
galabsan.



Waxaa ka hadlay
goobtii
Banaanbaxa Cali
Cabdulaahi Xasan
(Cali Ganey) oo
ah wakiilka
Isabaheysiga dib
u xoreynta u
jooga dalka
Norway,
Cali ayaa u
sheegey
saxaafada in ay
sii wadayaan
dagaalka ay kula
jiraan ciidamada
Itoobiya waxuuna
ugu baaqey
shacabka
Soomaaliyed in
ay ka
dhiidhiyaan
gumeysiga cusub
ee tigreega.



Hooyada
sawirkeedu hoos
ka muuqda oo
da'deeda iigu
sheegtey in ay
70 sanno jirto,
laguna macaabo
Culumo maxamuud
Cubeyd una soo
kalahdey saaakay
banaanbaxa si ay
uga qeybgasho
ayadoo weliba ka
muuqatey in
aysan awoodin
socodka dheer
ayaa waxaa ay ku
kuftey wadada
intii lagu guda
jirey socodka
, sida idinkaga
muuqato sawirka
hoose ayaa
gacanta laga duubayaa
dhaawac yar oo
kasoo gaarey,
waxaase kasii
yaab badneyd
markii hooyada
lagu yiri in
loogu yeero
baabuurta
caafimaadka
amaba taksi ayay
ku jawaabtey
"wax walbo oo
igaara waan la
dhameysanayaa
socodka
banaanbaxayaasha
.




Waxaa isku soo
duwey
Nuxur
Documentary iyo
Wariye Nasrudiin
xaashi kaariye (caano)
Waagacusub.com
faafin /saylac.com