| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

Tageeridii Gobolka Awdal ee xisbiga kulmiye maxay soo kordhisey? ninkase ta yar kuu diidi ta weyn sideebuu kuu siin?
Mar-31-2008

Hargeisa(Saylac.om) shirwaynihii labaad ee xisbiga kulmiye ayaa maanta lagu soo gabagabeeyey magaalada Hargeysa. ka dib markii muran adag, dood iyo ismarin waa uu ka dhacay magacaabida hogaanka cusub ee xisbigu yeelan doono afarta sano ee inagu soo xooleh, ayaa ugu danbayntii xisbigu ku guulaystey inuu magacaabo golaha dhexe ee xisbigu yeelan doono iyo waliba gudoomiyaha xisbiga oo mar kale loo doortey Mudane Siilaanyo.

Ismariwaagan iyo loolankan jagooyinka loogu tartamayo ayaa wuxuu uu ka dhaxeeyey xubnaha loo codaynayey oo kala ahaa kuwo xisbiga horey hogaankiisa ugu jiray iyo kuwa cusub intaba. Arimaha cakiran ee maanta ka taagnaa hoolka lagu magacaabayo waxa ugu weynaa ergooyinka iyo martisharafta kale ee ka soo qaybgashay shirka oo u kala qaybsamay laba qaybood.

a) Rag loolan adagi ka dhexeeyo hirdan iyo doodo kulilina keenay hoolka uu ka dhacayo shirku rabayna inay bedelaan dhamaanba hogaanka daalay ee kulmiye oo iyagu aan ku guulaysan inay waxwayn ka badalaan lakiin, himiladii ay lahaayeen qayb libaax ka helay jagooyinka cusub ee xisbigu yeeshay.

b) Ergooyinkii ka socday gobolada Awdal,Sool iyo Martisharaftii kale ee ka soo qaybgashay oo uu ugu horeeyo Abwaanka caanka ah ee Hadraawi, Pro Cabdi Xashi Abiib iyo aqoonyahano kale oo gabi ahaanba iyagu ku dhex milmay hirdanka siyaasadeed ee ka dhacaya hoolka shirarka ee Ambasador Huteel runtiina ahaa dhagaystayaal qaali ah!!.


"Aad ayaan idiinku mahadinayaa sida wanaagsan ee aad ii sharafteen, Gudoomiyahana iiga dhigateen Afar sano oo dambe. Cadalada iyo sinaan iyo waliba daacad ayaanu u hawl galaynaa aniga iyo xubnaha kale ee aad maanta doorateen" Hadaladan runta ka fog waxa yidhi Siilaanyo oo runtii sida ay dhabtu tahay hadii cidkale ay kula tartami lahayd aan marnaba raali ka ahaadeen inuu shirku nabad ku dhamaado. Mida kale waa maxay cadaalada iyo sinaanta uu sheegayaa? cadaaladu ma markii siduu uu doonayey ay arini u dhacdaa? .Rag farabadan ayaa ka biyo diiday sida loo doortey xubnaha cusub ee xisbiga  ragaas oo lagu wado inay ku biiri doonaan xisbiga UDUB.

Mujaahid Cabdiraxman Aw- Cali oo hogaamiye ku xigeen u ahaa xisbiga kulmiye ayaa dabaysha raacay sababta ugu weynina ay tahay siyaasada qaloocda ee kala socodka iyo u kala badinta ku dheehan oo ay ergooyinka gobolka awdal la tageen madaasha hoolka iyo waliba iyadoo ay siyaasiinta xisbiga kulmiye qaarkii ay sheegeen in la qadariyo culayska siyaasadeed ee dhex yaala siyaasiinta waaweyn ee laga baqayo inay mijaxaabiyaan siyaasada xisbiga ee aan dheg weyn loo dhigin gobolka Awdal iyo sool kuwa ka soo jeeda oo aan haba yaraatee aan loo arag inay waxsoo kordhinayaan iyo in kale. Yusuf odaywaa oo ka mid ah martisharafka ka soo qayb gasahay  shirka ayaa saylac.com u sheegay in Cabdiraxman Aw-cali tageeradii iyo sumcadii uu ku dhex lahaan jiray xisbiga kulmiye ay lumiyeen ergooyinka ka socday gobolka Awdal oo aad moodo rag kaligii dirir ah oo aan isku aragti ahayn hadaf dheerna ka madhan isla markaana kaba dhacsan hirdanka siyaasadeed ee xisbigan dhexyaala oo ah xalinta khilaafka siyaasiin gaar ah oo xisbiga dhexdiisa ah oo kaliya ee aan haba yaraatee ahmiyad weyn siin gobolada kale iyo labaad oo ah in xisbiga kulmiye uu ku biyo shubtey qabyaalad cad oo aan horey u jirin.

Hadalo wanaagsan, balanwaadyo qayrul macquul ah ayey qaar ka mida ergooyinka awdal ay ka soo jeediyeen hoolka uu shirku ka dhacayey lakiin ujeedo cad iyo shuruudo ay ku xidheen balanqaadyadaasi haba yaraatee ma jirto, marka laga reebo inay la dhacsan yihiin kusoo biirida xisbiga kulmiye iyo nacayb ay u qabaan xisbiga taladda wadanka haya ee UDUB. Pro Cabdi Xaashi Abiib ayaa saylac.com u sheegay inuu aduunka ugu aaminsan yahay Mudane Siilaanyo, uu tageero hiil iyo hooba uu la garab joogi doono ilaa inta uu jagada madaxweynaha ku fadhiisanayo Mudane Siilaanyo oo uu ku tilmaamay inuu yahay siyaasi daacad ah!! Saylac.com ayaa Pro ka weydiisey aqoon intee leeg ayaad u leedahay Siilaanyo? wuxuuna ku jawaanay runtii qof ahaan aqoon weyn uma lihi lahiin siyaasadiisa ayaan hayaa waana nin waxweyn ka bedeli doona somaliland!!!! waxa uu ka bedeli doono lakiin cidina ma oga mana sheegi karto.


"Cabdiraxman Aw Cali kamuusan dhex muuqan hoolka shirku ka dhacayo inkata oo uu aad ula socdo siyaasada xisbiga kulmiye iyo hirdanka ka dhexeeya qaar ka mida siyaasiinta xisbiga hadana codkiisu waxa uu la mid noqday codadka siyaasiinta gobolka Awdal ee aan cidina fahmayn waxa ay rabaan" sidaa waxa hadalkiisa ku daray Yusuf odaywaa oo saylac.com uga waramay iska warhayn la'aanta  Xisbiga Kulmiye iyo ergooyinka Awdal.

Ergooyin aad u badan oo ka soo jeeda Gobolka Gabiley ayaa saylac.com u sheegay inay ka digo roganayaan dhawaan xisbigan kulmiye oo ay ku sheegeen inuu yahay mid dhan u janjeedha qabiila ku salaysan. Ahmiyada kobaad ee maanta xisbiga kulmiye ayaa ahayd in la dhawro arqalado ka dhalan kara ismaandhaaf ka dhex dhaxa ergooyin xisbiga ka tirsan oo jagooyinka sarsare ku loolamayey, lakiin ujeedada fog ee xisbiga ayaan cidina hadal qaadin shirkuna wuxu ku dhamaaday (Midho daray duuduubkaa lagu liqaa).

Lama odhan karo guul weyn ayey tani u tahay xisbiga kulmiye, marka laga reebo siba sibay dhaantaaye in dagaal iyo kuraasi la isla dhaco sidii hadda ka hor dhacday oo uu hada ka badbaaday xisbigu. Kulamo gaar ah ayey yeesheen ergooyinka ka kakala socday Gobolada , Togdheer, Hargeysa, Sanaag, halka ay ergooyinka ka socday Awdal kaliya ay wajigoodu iskugu horeeyey iskuna danbeeyey hoolka shirku ka dhacayo tani oo la odhan karo inay tahay midda ugu weyn ee keentey in ergooyinka Gobolka Awdal aan loo arag ergooyin muhiim ku ah xisbiga kulmiye dhexdiisa.

Ilo mareegyo ay saylac.com khadka telefoon ku waraysatey bal inay kulan khaas ah yeesheen amaba is horfadhiisteen ergooyinka dibada ka yimid ee awdal iyo Cabdiraxman Aw-Cali , iyo Eng Cabdiraxman Saylici ayaa waxa ay saylac.com u cadeeyeen inayna isba aqoon wajigooduna aanu isiqaban halka ergooyinka kale ee xisbiga kulmiye hakala siyaasad duwanaadeene ay mid ka ahaayeen hadafka guud ee gobolka ay ka soo jedaan, sida ergada ka socotey burco oo halhayskoodu ahaa (Togdheer waxay nasoo fartey .... iyo hadalo cadcad oo muujinaya ujeedada ay la socdaan.

Hadaba waxa isweydiin leh taageerid ay ree Awdal tageeraan xisbiga kulmiye waxay soo kordhisey iska daaye cabdiraxman ayey la degtey ?? waa muran ma doonto cid waliba arkayso mida kale hadii reer awdal ay hadda gacmo madhan kala noqdeen shirkii labaad ee xisbiga kulmiye raga u loolamaya madaxweyne ku xigeenku  sideebay idiinla muuqataa inay ugu guulaysan doonaan?? waa wax xaqaa' iqa iyo caqliga aadamigaba ka fog inuu nin awdal ka soo jeedi uu xisbiga kulmiye ku guulaysto madaxweyne ku xigeen.

Ree Awdal maxaa la gudboon? waxa la gudboon inay wada hadlaan, siyaasad mida xisbigay doonaan ha ahaatee ay kaga qayb galaan loolanka siyaasadeed ee qabaa'ilka ku dhisan ee soomaaliland.

 Ergo diiday in magaceeda la sheego ayaa saylac.com u sheegtey in aanu lahayn in UDUB la tageero lakiin waa inuu dhacaa shirweyne awdal ka dhaca oo lagu lafaguro hadafka dhabta ah ee Gobolada Awdal, Salal iyo Gabiley si hadaf mida looga duulo looguna dagaal galo xaqsooran dhab ah oo laga helo xisbi kasta oo somaliland ka jira , lakiin sacab tum iyo tageerid nacayb walaalkaa aad u qabtid oo aad siyaasiin aan qiimahaagaba ogayn aad u sacab tuntaa' i natiijada ka soo baxdaa waataa maanta aad indhihiina ku aragtaan.


sent by Ismael Warsame (Ismacil computer)  edited by Maxamuud Cabdilahi Rooble
Saylac.com
Hargeysa- Somaliland
 
 

 

- To Submit Information Click Here -

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com