|
|
 |
|
|
Madaxweynaha
Jamuuriyada Jabuuti oo markale
cusboonaysiiyey kalsoonida uu ku qabo
Ra'iisul wasaaraha dalka Jabuuti Dileita
Maxamed Dileita oo iscasiley laba casho
ka hor.
Mar-28-2008
Djibouti(Saylac.com) Madaxweyne Ismacil
Cumar Geleh ayaa ka diiday inuu iscasilo
Rasiisal wasaaraha Dalka Jabuuti Dileita
Maxamed Dileita ka dib markii uu laba
casho ka hor uu istiqaalada u gudbiyey
madaxweynaha .War saxaafadeed ka soo
baxay maanta madaxtooyada Jamuuriyada
Jabuuti ayaa madaxweyne Gelle wuxuu ku
sheegay in uu aad ugu kalsoon yahay
Rasiisaul wasaaraha isla markaana uu
hawshiisa Ra'siisul wasaare uu halkaa ka
sii wado.

Madaxweynaha ayaa shirka Jaraa'id waxa
kale oo uu ku sheegay inuu dawladiisa
isku hawlayso sidii dhaqaalaha wadanka
sarey loogu qaadi lahaa. Dhinaca kale
ayaa Madaxweynuhu sheegay inuu Dileita
Maxamed Dileita uu yahay nin awood
waxqabad leh khibrad weyna u leh jagada
uu hayo wadankuna uu u baahan yahay inuu
u adeego.
Maalmihii ina soo dhaafay ayaa Magaalada
Jabuuti waxa ka socday sheeko la isla
dhex marayey in Madaxweynuhu uu jagada
Raysal Wasaare u magacaabi doono siyaasi
weyn oo u dhashay Beesha Samaroon oo ay
aad iskugu dhaw yihiin wadashaqayn
buuxdana ay leeyihiin Madaxweyne Geleh.
Waa markii labad ee Madaxweynaha
Jabuuriyada Djibouti uu cusboonaysiiyo
ama kalsoonida uu ku qabo Raysal wasaare
Dileita Maxamed Dielita oo ka soo jeeda
qowmiyada Canfarta degta Dalka Jabuuti.
>>Read
English Version
Osman Hussein
Saylac.com
Djibouti- Djibouti
|
|
|
|
- To Submit Information Click Here -
|
|