Chat | Guest Book | Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

Aqoonsi raadis "Somaliland
Sadexda Xisbi ee Jamuuriyada Somaliland ayaa u tartamay inuu midwalba aqoonsi
dibadaha ka raadiyo...Mar-27-2008

1 UDUB ayaa dibada u kicitimay wadamo badan ayaa laga soo dhaweeyey wuxuuna
wufuudii uu wadamadaa kala kulmay u sheegay inayna wax argagixiso ahi ayna
joogin Somaliland gudaheeda isla markaana uu wada shaqayn buuxda la sameeyo
dawlada Itoobiya si looga hortado argagixisada caalamiga ah .

 "Waxaan qabanaa wadaado xag jira oo aanu Itoobiya gacanta uga galinaa taasina waxay idin
tusaysaa sida wanaagsan ee aan uga horjeedno wax argagixisa ahi inay
somaliland gabaad ka dhigato."
Wufuuda dibada uu xisbagan UDUB kula kulmay ayaa waxay weydiiyeen waa ayo
raga aad itoobiya gacanta ka saartay liiska argagixisada ma ku jiraan? Dahir
Rayale ayaa waxa uu eegay liiskii argagixisada ee ay FBI aydu ay hordhigtey
markaasuu ka waayey magacaantii dadkii uu Itoobiya gacanta ka saaray  !!! intuu gadhka yara xoqday ayuu yidhi: nimanka aan
Itoobiya u dhiibney waa Ragii dhalay nimankan aad liiskooda haysaan ee diinta
baray.!! kkkkk

UCID wafti ka socda ayaa dabadeed yimid USA sidoo kale waxay la shireen

madaxda wadanka Maraykanka guriga cad ayaa lagu soo dhaweeyey waxana la
weydiiyey sababta ay u socdaan "Aqoonsi ka sokow anagu waxaan u soconaa inaad
ka warhaysaan dimoqraadiyada uu Dahir Rayale idiin sheegay inay horta ka
jirto somaliland iyo in kale ayey ku bilaabeen sheekada.


Sawiro siyaasiinta Qaran oo ku xidhan jeelka Madheere "  ayey hordhigeen masuuliyiintii ay kula kulmeen USA
kuwani waa xisbi mucaarad ah sidan loo galayna waad aragtaan anaguna UCID
ahaan maalin walba farta ayaan wadnaha ku haynaa mana hadli karto . markaa
ninkam Dahir miyaad kala hadasheen arinkaa? FBI da ayaa ugu jawaabtey maya
waxaanu kala hadalay ladagaalanka argagixisada ee adigu maxaad ka ogtahay
argagixisada mawqifka xisbigaagu ka taagan yahay la dagaalanka argagixisaduse
muxuu yahay? ayey su'aal kale ku weydiiyeen Hogaamiyaha UCID.


Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa madaxa yara xoqday markaasuu ugu jawaabay:
Nimankan uu idiin sheegay ee Hargeysa laga qabqabtay waa Darood iyo qabiilka
Madaxweynaha oo ah Dir markaa anagu hadaanu nahay ree shekh Isaaq waan na
taqaanan inaan ilaa ingiriiskii la dagaalami jirney sayid maxamed Cabdule
Xasan agtayadana ma soo mari karaan kuwaasi .kkkkkkkkkkk

KULMIYE: Hogaamiyaha Kulmiye isagu ma uusan iman USA lakiin wuxuu si qarsoodi
ah ula kulmay Marwada Maraykanka uga wakiilka ah arimaha dibada qaarada
Afrika mar ay timid Hargeysa ; waxay weydiisey haye adiguna bal iska waran
xisbigaagu muxuu aaminsan yahay ? Horta dagaalkii Siyad Bare lagu eryay inaad
maqashay ayaan filayaa .. haa!! SNM miyaad maqashay--- maya Somali National
Movement -- haa hadaan gartey ururkaas ayaan u ahaa hogaamiye xornimada
somaliland na anagaa keenay ilaa hadana hogaanka wadankii aanu usoo
dagalgalay ee aanu naf iyo maalba u huray niman Siyaad bare la shaqayn jiray
ayaa hogaanka u haya!! dee taasi miyey na qabataa?

Hogaamiye waxaad iiga sheekaynaysaayi waa Arimaha gudaha ee somaliland. ee Suaasha aan kuugu
celiyee idinku xisbigiina Kulmiye argagixisada sideebuu ula dagaalami doonaa
hadii aad hogaanka qabataanayey ku celisey ? haa!!! horta waxwalboo aan yeeli lahayn
hogaankaa ayaa nagu ciilay meesha lakiin hadii mar uu gacanta hogaanka
somaliland noo soo gali lahaa Dahir mid mid ayuu u xidhaaye anagu dhulka lagu
sheego oo dhan dabaan qabdsiin lahayn sida maraykanku u qabadsiiyo Iraaq.
kkkkkkkkkkk. Haa hadaad ka jawaabtey suaashii telefoonkayguna waakaa isoo wac
marka aad xukunka wadanka somaliland aad ku guulaysataan.
Allaylehe dabin adag miyaanan galin Dahir iyo kuwii daba cararaayey!
kkkkkkkkkk wixii guban iyo wixii kale maxaa aniga iga galay soomaali
Cabdalilahi Yusuf ayaa horey u dhameeyee aniguna intan yar ee waqooyiga waan
inaan feentaa.

Ismahan Nuur
Saylac.com Editor

Kuwait city, Kuwait
ismahannuur@yahoo.com
 

 

- To Submit Information Click Here -

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com