|
|
 |
|
|
Magaalada Jawhar
oo gacanta u gashay Isbaahaysiga
Maxakiimta.
Mar-26-08
Muqdisho(Saylac.com) Magaalada Jawhar
ayaa markale gacanta u gashay
Maxaakiimta Islaamiga ah ka dib markii
ay weerar xoogley ay ku soo qadeen
ciidamo aad u hubaysan oo Maxaakiimtu ay
leeyihiin. Tirada Ciidamada dawlada ee
ku dhintey ayaa wararka naga soo
gaadhaya magaalada Jawhar waxay
sheegayaan inay kor u dhaaftay 13 askari
oo dawlada ka tirsan.
Hadhaagii ciidamada Dawlada Cabdilahi
Yusuf ayaa waxa lagu soo warinayaa inay
isku urursadeen meel magaalada u jirta 7
kilo mitir ayna sugayaan tageero ciidan
xoojineed oo uga timaada magaalada
Muqdisho .
Xaalada Magaalada ayaa aad ugdegan
inkastoo ay dadweynaha magaalada ku
dhaqani ay cabsi weyn ka qabaan in
dagaalku soo laba kacleeyo ciidamada
dawlada Cabdilahi Yusufna ay markale
weeraro ku soo qaadaan magaalada Jawhar
oo gabi ahaanba hada gacanta ugu jirta
maxaakiimta Islamiga ah ee soomaaliyeed.
Dhinaca kale ururka Al-shabaab ayaa
warbixin uu ku faafiyey saxaafada ku
sheegay inuu aad u soo dhaweynayo
qabsashada Maxaakiimtu ku qabsadeen
Magaalada Jawhar, wuxuuna ku baaqay inay
muqaawamadu sii laba laabi doonto
kacdoonka ay ugu jiraan la dagaalanka
ciidadama shisheeyey ee ku sugan dalka
soomaaliya.
Dagaalkan maantey ay Maxaakiimtu ku
qabsatey Magaalada Jawhar ayaa waxa uu
daba socdaa rabshado iyo dagaalo dhawaan
ka dhacay magaalada Baladweyne oo
dadweyne aad u tiro badan oo ku xidhnaa
jeelasha malaagada Baladweyna ay ku
furteen ciidamo ka tirsanaa maxaakimta
oo soo weeraray Magaalada Baladweyne.
Cabdi Maxamed
Saylac.com
Muqdisho- Somalia |
|
|
|
- To Submit Information Click Here -
|
|