| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Jibaddii Dadweynaha iyo gebo-gabada tartankii Heesaha Hirgalay.
April,25,2008

Hargeysa(Saylac.com)- Tartankii heesaha hirgalay oo muddo todobaad ah 20 Fanaan oo da’yar uga socday, ayaa xalay lagu soo gebo-gabeeyay garoonka kubada kollayga ee Timacadde. Tartankan oo ay isugu soo hadheen Lix fanaan oo mid ka mid ahi ay Haween tahay waxa lagu kala reebayaa heesihii ay la shir-yimaadeen xalay.

Tartankaas oo ay ka soo qeyb galeen Boqolaal qof oo ka mid ah dadweynaha Magaalada Hargeysa ku dhaqan, waxa goob-joog ka ahaa Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland Md. CabdiRisaaq Waabari Rooble iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Abwaano iyo fanaaniin kala duwan oo ka mid ah kuwa haatan lagu raaxaysto codkooda. Kuwaasoo dhamaantood u qaaday daawadayaashii heeso ay la dhaceen madaxana u ruxeen.
Anisa Waa Fanaanada dada yar ee tartanka ka qayb gashay
Lixda fanaan ee xalaytartamayay oo kala ahaa Mawliid Cismaan Xasan, Aniisa Axmed Xaashi, Maxamed Bakaal [Cirro], CabdiRaxmaan Caydiid [Oday], Maxamed Saleebaan Axmed [Tuke] iyo Maxamed Cabdilaahi (Bul-shaawi), waxa natiijadooda la soo saari doonaa maalinta Axada ee fooda inagu soo haysa, iyadoo Xarunta Hay’ada shaqaalaha dawlada ee Hargeysa, lagu gudoonsiin doono 20-kii fanaan ee tartankan ka qayb galay shahaadooyin. isla markaana abaal marino lacageed la gudoon siin doono afarta ugu sareeya.

                  Wasiirka  dhaqanka iyo Abwaan Tarabi
Tartankaas xalay oo ahaa mid xamaasadiisu ay aad iyo aad u saraysay oo aad loogu sacabo tumayay tartameyaasha, ayaa waxa hadal ka jeediyay Wasiirka Dhaqanka iyo dalxiiska Somaliland, Md. C/Risaaq Waabari Rooble, waxana uu yidhi “Walaalayaal aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin sidaas tartankan ugu soo qeyb gasheen ee aad u dhiiri geliseen fanaaniintan dhalin-yarada ah” Wasiir isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray oo yidhi: “Wasaarada dhaqanka iyo dalxiisku iyadoo fulinaysa waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday waxay awooda saaraysaa inay soo saarto fanaaniin da’a yar ah, tartankana ma aha mid joogsanaya, waxaan idiin balan qaadaynaa bisha June laga bilaabo haddii alle Yidhaahdo in aanu todobaadkiiba hal mar qabano tartankan oo kale.”Ayuu yidhi Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiisku.

Waxa kale oo Wasiirku uu shacbiga ku dhaqan caasimada Hargeysa ku amaanay fan jacaylka iyo sida ay u ilaalinayeen nabadgelyada muddadii todobaadka ahayd ee tartanku socday.
    Fanaanada Ubax Fahmo oo dadweynuhu u sarakacay
Waxa kale oo tartankaas isna hadal ka jeediyay Wasiir ku xigeenka Boosaha iyo isgaadhsiinta iyo waliba Agaasimaha Waaxda Dhaqanka ee Wasaarada Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Bal aynu erayo ka mid heesihii ay qaar ka mid ah tartamayaashu la yimaadeen goobtaas wax ka xusno. “Deeqaha Ilaahay, Sida loogu Deexdaa, Darmaan yahay naftayduna, kuu daawataaye, dookhaygii baadtee, noqo mid aan ku diirsado.” Tuducani waxa uu ka mid yahay midhaha hees uu fagaaraha Timacadde ka qaaday Tartame Cabdiraxmaan Caydiid (Oday).

“Haween ugubaan ahoo, Hilbaa kaa iigu yaal, hareertaa jacaylka qabo, Intaan Heedaydu bixin, Adaa dawada ii hayee.” Sidaana waxa ku heestay Gabadha da’da yar ee kaligeed Haween ahaan kula tartantay xalay Shan wiil, oo lagu magacaabo Fanaanad Aniisa Axmed Xaashi.

“Dawadii Naftaydiyo, Dookhaygiiyeey, Caashaqan I dagay, Haygu daalinine, Ila daadahee.” Sidaana waxa ku heesay tartame Maxamed Saleebaan (Tuke)

“Anna Heedhe Simanee, Inaan seegi dooniyo, Inuu calaf ikaa Siin, Siday noqon Allaa oge, Nafaad sidataan ahay.” Erayadaasina waxay ka mid ahaayeen heestii uu ku tartamayay Fanaanka da’da yar Mowliid Cismaan Xasan.
Wariye Cabdiqani X. Baynax iyo Xubno Saxaafada ka tirsan oo masraxa ka hawlgalaya
Marka laga yimaado Heesaha ay ku tartameen Fanaanta cusubi, waxa iyana halkaas ka heesay oo ku dhiiri-geliyay heesahooda Fanaaniin waawayn, oo aad loogu sacaba-tumay, kuwaasoo heesahooda dhuula-tuska ah dhiiri-gelin kula garab-taagnaa fanaaniinta ku soo biirtay ee fanka la soo gashay. Ugu horayn, Fanaaniinta caanka ah ee Cabdi-Fanax iyo Ubax Daahir Ubax-fahmo ayaa hees talan-taaliya halkaas ka wada qaaday, Ubax Fahmo oo aad loo jecel yahay heesaheeda daawadayaashuna u sarakaceen ayaa halkaas ka qaaday heesteeda: “Samirkiyo Dulqaadkuba, waa Sad lagu ducaystee, Ruuxuu Eebe siiyana cidi kama saraysee, Kii aan kii aan sugaayoow, wacadkii ma saydhinee, waan sidaa.”

Fanaanta kale ee halkaas ka heestay waxa ka mid ahaa Saxardiid Maxamed Saxardiid, Nuura Axmed Iimaan, Ikraan Jaamac, Mukhtaar Mingsing iyo kuwo kale.

Tartankan ayaa u muuqday mid ay aad u jeclaysteen guud ahaan Boqolaalkii qof ee isugu yimi fagaaraha Tima-cadde.

Cabdiqani X. Baynax
Saylac.com / Hargeysa/ Somaliland

 

 


 

 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com