|
|
 |
|
| |
Caruurta labada sano ee hore
socodka iyo hadalka ayaanu barnaa dhawr sano ka
dibna fadhiiso iyo aamus ayaanu ku kari waynaa
....April,18,2008
Kuwait(Saylac.com) Dimoqraadiyada socodbaradka ah
ayaa sidan ka dhigan waana ta jahawareerka ku riday
xisbiga Mucaaradka ee Kulmiye oo dhawrkii sano ee
inaga tagey afka isku qaban kari la waxay doonayaana
shacabweynaha Somaliland uu ilaa hada garan laayahay.
Xisbigan Kulmiye markii la asaasay badhtameeyihii
sanadkii 2002 ilaa 2004 waxa dadku wada ogaa inuu
ahaa xisbi socod barada oo wakhtigaa runtii aabad
odhan kartid wuxu iska ilaalin jiray dhacdhaca iyo
khaladaadka dhinaca kalena waxaabad odhan kartaa
malaha wuxuuna haysan wakhtigaa dhegaystayaal ku
filan ee waxba sidan kamuusan duwanayn.
Labada si kaad toodtid ha kula ahaatee, hadana waxa
la wada ogaa inuu hamigiisu ku ekaa oo kaliya inuu
ku taagnaado tubta xisbi qaranimo iyo anshaxa
talaabada xisbiyada kale ee wadanka ka jira ay
qadaan. Hadaba ka dib markii uu jaanta la helay isku
cagna ay noqdeen xisbiyada kale ee Jamuuriyada
Soomaaliland ka jira.
Dhawrkii sano ee ugu horeeyey durbaanka
dimoqraadiyada ayaa xaafadwalba oo ku taala
magaalooyinka soomaaliland aad ka maqlaysey dadkuna
wuxuu dareemay qoriyad qawl aanay u arag. Xisbga
kulmiye ayaa dadbadani ku dhiiri galin jireen inuu
fadhiga ka kaco, hadlo, isla markaana socod ku daro
sida xisbiyada kale ee wadanka ka jira.
Dhiiri kalin badan oo uu xisbigani ka helay shacabka
iyo mucaaradka isaga taageersan ayaa waxay keentey
in shirweynihii labaad ee xisbani yeesho ay sawaxan
iyo qaylo meelwalba u direen si ay u helaan
tageerayaal badan oo xataa gobolo hore oo aan awal
tageeri jirini oo uu ka mid yahay gobolka Awdal ay
tageerayaal ka helaan ... LAKIIN SIDUU YEELAY WEEYE
SUAASHU?
Waxaaban odhan karnaa mar haduu socodbartey
hadalkiina ka horeeyey kolka aamus ayey gaadhay
afkana iskuma qaban karo intaana waxa u dheer
hadalada meela aan loodayin ee maalin walba ka soo
baxa xisban kulmiye oo fajac iyo amakaag ku abuuray
dadweynaha soomaaliland ee nabada jecel . Mid ka
mida hadaladaa ayaa waxa uu ahaa hadalkii
hogaamiyaha xisbigan kulmiye Mudane Axmed Maxamed
Maxamuud Siilaanyo ka soo yeedhay ee ahaa "Waar
Daahir Muftaaxa qasriga madaxtooyada iska soo
wareeji" iyo hadalkii kale ee ahaa "Odayaasha
gurtida isku sheegayi go'aan kama gaadhi karaan
wakhti kordhinta madaxweynaha".
Intaa waxa ka wada darnaa qaraxyada iyo khalkhal
galinta shacabka Hargeysa ku dhaqan ay ugeysteen
tageerayaasha Kulmiye balse anigu dadkaa
tageerayaasha ah ee la maskax guuriyey eeda mawada
saarayo ee waxa dhabarka aan uga ridayaa eeda
khalkhal galinta deganaanshaha somaliland raga
hogaamiyayaasha u ah xisbigan kulmiye ee
naflacaariga ah.
Intaa waxa dheer in dadku haadan wada ogaadeen
ujeedada kaliya ee xisbigani ka leeyahay danaha
soomaliland oo ah (Wanaag waxba ku heli mayside
rabshad lagu kala yaaco abuur) nasiib darase waa
lagu fahmay dadkuna waa xuruuri og danahooga
sidaasna aan ku kala daadinayn nabada ay dad badani
u soo dhiig baxeen maftoodiina u wayeen.
Shiki kuma jiro in SNM ay wadankan usoo halgantey
waanan ku amaanayaa intii jahaadkii dawladii
cabudhiska ahayd ee Soomaaliya lasoo dagaalanteyna
dhamaanba dadweynaha soomaaliland amaan geesinimo
ayey ka mudan yihiin waanan u ognahay, taa
macnaheedu maaha in nabadii heerkaa loo soo maray
maanta kulmiye damacsan yahay inuu dabaysha raaciyo
isagoo huwan shaadh ay ku qoran tahay (Anagaa soo
halganey) anaga .. waa ayo anaga shacabka
soomaaliland intii soo halgantey iyo intii kaleba
maanta waa qaran sheegta wadan yar oo magaciisa la
yidhaahdo {Somaliland } wadankaas yarina runtii
inkastoonan la aqoonsan hadana xawli aada ayuu ku
socdaa dimoqraadiyada ka hana qaadayna waa iftiin
Afrika tusaaale dhigo waana wax lagu faano ee maaaha
wax dabaysha la raaciyo .
Hadaba anigoo soo koobaya faaladan maanta waxaan u
sheegayaa tageerayaasha walaalaha aan nahay ee
kulmiye waa marka hore e hadii xisbigan khaladkiisa
la sheego haw cadhoonina sidii dadkoo dhami idin
neceb yahay runtii waan idin jecelahay dadkayagii
ayaad tihiin la'aantiina dimoqraadiyad somaliland
laguma shegeen LAKIIN waxaan idinku kari laanahay
waar hogaanka badana .. siyaasad dabacsan ayaa dal
lagu hugaamiyaa ee caytan iyo rabshad wakhtigeedii
lama joogo hadii taladaa aad diidaana kolay idinku
eeda ma lihidina ee dadkii raadqaadka iyo hadalka
idin baray oo UDUB ah ayaa eeda iska leh .
Markaa gabagabadii qormadan waxaan kusoo xidhayaa
hadalka inaad bartaan socodkana ku xijisaan ka dibna
tidhaahadaan AAMUS waa khalad ee daaya xisbiga
kulmiye ha is faaruqiyee lakiin ficil qas abuura
marnaba shacabka soomaliland ka yeeli maayo walaa
kulmiye walaa xisbi kale ..Allaha Wadanka iyo
shacabka ha inoo xafidho amiin.
Ismahan Nuur
Saylac.com
Kuwait, Kuwait City
ismahannuur@yahoo.com
|
|
|