|
|
 |
|
| |
Wasiirka Ganacsiga oo
shiidaal-keenista ku xidhay in la soo maro Berbera
iyo Total qiimaha shidaalka halkii foosto waa $203
Berbere iyadaana ka qaalisan Shidaalka ka
yimaad Itoobiya oo ah $144.
April,24,2008
Hargeysa (Saylac.com) – Wasiirka Ganacsiga
Somaliland, Md Csimaan Qaasim Qodax ayaa qiray in
qiimaha shiidaalku kor u kacay, wuxuuna sidoo kale
xusay in aanu keliya shiidaalku kor u kicin ee
maciishadii kael lafteeduna dunida circa isku
shareertay. “Horta wuu kordhay Qiimaha shidaalku
43%. Mana aha shidaalka oo kaliya ee maciishadii oo
dhan ayaa korodhay, Bariisku $ 21 Dolar ayuu ahaa
85% ayuu kordhay, daqiiqdu 20 dolar ayay ahayd,
maantana waxay noqotay 40 dolar 100% ayaana ku
kordhay, aduunka oo dhan ayaa ka qaylinaya, wax inoo
gaar ahna maaha.”
Mar la sii waydiiyay Wasiirka maadaama shidaalku ku
leeyahay qiimihii maciishada saamaynta ugu badan,
Islamarkaana uu sababay xataa in dadkii biyo
la’aantu haysay cirka lagu geeyo biyihii ay cabayeen
iyo inay shoobareeyaan booyaduhu sababta ay uga
hadli la’yihiin ee Total ay u saacidayaan waxa uu
yidhi “Horta Total sidaa ganacsatadeenu raashinka u
keensato ayay u keensataa, oo ay u soo iibsataa.
Dawladii hadaanu nahay, imika intaanu bakhaarada
tagno ma odhan karo raashinadaa aad qiimahaa ku soo
iibsateen, intaa ka jara. Sidaa aan nina Gadbadiisa
loogu odhan karin qiimahaa ka jar ayaan Total-na
loogu odhan karin”
Waxa
uu ku dooday Wasiirka Ganacsigu in shakhsi kasta oo
shidaal jaban keenaya in ay u furantahay sidii
horeba ay u shaaciyeen.
Waxa la weydiiyay maadaama Shirkada Total iyo
xukuumadu ay hore uga Xanibeen Haamaha Kaydka
shidaalka Shirkada Al-Xarbi oo shidaal jaban keentay.
Sida loo aamini karo dhawaaqoodan ama Damaanada ay
Xukuumad ahaan bixinayaan inaanay sidaa hore loogu
diiday Xarbi Haamuha oo kale loogu diidayn cidda
keenta Shidaal.“ Waxa weeye horta, Ilama Faarax
Xarbi shidaalka ay keeneen, sifehee ayay ku keeneen?.
Marka wax la ogolaado, nidaam-buu leeyahay sharcigu
la maro. Ilma Faarax Xarbi berigii waxay ka
cabanayeen Total ayaa na canaaday. Annigu lamaan
joogin markay canaadayeen, laakiin nidaam-baa jira
qofku uu maro. Maanta anaa fasaxay, laakiin
shuruuduhu waxa weeye, cidii shidaal ka jaban
Keenaysa ka Total, ee cashuurtii dawlada bixinaya,
ee dariiqadii ay lahayd soo maraya…. Ninka soo
xadaya Shidaalka Itobiya kabto, ee xadka ka soo
gelinaya ee aan cashuurtii dawlada siinayn. Kuma
jiro.”
Shidaalka laga keeno, Itobiya marka laga reebo
cashuurta waxa uu Hargeysa ku imanayaa $ 144 dolar
halkii foosto, sidoo kale Jabuti marka laga soo
qaado waxa uu Hargeysa ku yimaada $ 160 dolar,
Boosaasana 163 dolar, halka uu Barberana ka marayo $
203,
Sidaa daraadeed waxa la weydiiyay Wasiirka in
Xukuumadu ku ekaanayso Cashuurteeda hadii
muwaadiniintu dunidaa kale ka soo qaadaan shidaal
jaban, Islamarkaana aan lagu xidhayn Ganacsadaha
shuruudo kale oo dheeraad ah. Hase ahaatee waxa uu
su’aashaas isku waydaariyay wasiirku dhinaca
Agaasimaha guud ee Wasaarada Ganacsiga oo laftiisu
ka war-wareegay jawaabta su’aashaas. “Marka uu
leeyahay waa la keeni karaa Wasiirku, horena waanu u
nidhi mar ay dhacday in shiidaalku kala go’ay oo ay
ahayd shidaal yaraan, oo la bixinayay kaydkii
Qaranka. Total-na may hayn Read Sea-na may hayn.
Markaana waanu fasaxnay oo meel walba waa laga
keenay. Tan immikana, Wasiirku wuu cadeeyay,
Wasaaradu iyada oo xukuumada kaga wakiil ah, wax
weeye, shidaal ka Total ka jaban cidii keenaysaa ha
keento, sharciyadana ha soo marto oo ah,
Cashuuraadkii iyo khidmadihii dawladu lahayd, inay
bixiyaan.” Sidaas ayuu yidhi Agaasimaha Guud,
Mar la sii waydiiyay in shuruudaha ay ku jirto in la
soo maro Total waxa uu yidhi “Haa, Total waxa weeye,
waa in marsada Berbera la soo maraa,”
Waxana ay sheegeen in meeshii kale ee aan ahayn
Berbera ay u arkayaan Kontarabaan. “Adeer kastam ma
soo marayo nin haysta meel cidlo ah oo uu mari karaa.
Dawladuna ma Ogola shidaal kootarabaan ah” Ayuu
yidhi Wasiirka Ganacsigu.
Waxa kale oo la weydiiyay masuuliyiinta Wasaarada
Ganacsiga, sida dunida ay ku hal-qabsadeen in
qiimihii maceeshadu kor uga kacay ay tahay inay
qiimo Ascaarta u gooyaan cidii diidana ay talaabo ka
qaadaan. Isaga oo taa ka jawaabayana waxa uu yidhi
Wasiirka Ganacsigu. “Dunida wixii raashin soo saari
jiray oo dhami wuu xidhay, markaa inta aad
su’aalahaa isku taag taaga ah is weydiinayno, dadka
oo la wacyi geliyo.”
Waxa ay sheegeen masuuliyiinta Wasaarada Ganacsigu
in qiimaha maciishada la quuto ay ku keeni karto
sicir barar. Kaydinta raashinka ee ganacsatadu ay
dib u hayaan.“Ninka baayac mushtarka ahi wuu
kaysaday waa Run, wuxuu is leeyahay qiimaha bisha
danbe ku sargoo. Laakiin, waxaanu ka hortagnay
inaanu dalka ka bixi karin.”
Marka laga tago difaacan wasaarada Ganacsiga,
Wasiirka Maaliyada iyo Maareeyaha dekada Berbera
ayaa si wada jir ah qalinka ugu duugay soo jeedin
lagu kordhinayo tacriifadaha kala duwan ee lagaga
qaado badeecadaha Dekeda Berbera, kuwaasoo qaarkood
50% lagu kordhiyay qiimihii hore looga qaadi jiray.
Talaabada Xukuumadu kor ugu qaaday Tacriifada halkii
laga sugayay inay dhinto sida dalalka kale oo ay ugu
hoosayso Somaliya (Puntland) oo dhaqaale ahaan ka
tabar daran Somaliland. Waxay sii wiiqaysaa uun
shacabkii awalba la ciir-ciirayay Sicir bararka.
Iyadoo islamarkiiba dhalisay in Basaska ka dhex
shaqeeya gudaha magaalada Hargeysa oo lagu raaci
jirey SL.Shs 1,000 (Kun Somaliland Shillings ah)
ayaa shalay gaadhey Sl.shs. 1,500 (kun iyo Shan
boqol oo Shilin). Basaska magaalada ka dhex shaqeeya
ayaa aad u yaraa shalay, waxaana la arkayey gelinkii
hore haween badan oo selledahooda adeegga ula sii
lugaynaya suuqa, kadib markii uu lama filaan ku
noqday qiima korodhka lacagta lagu raaco basaska.
Abdiqani X. baynax Saylac.com/ Hargeysa/ Somaliland
|
|
|