|
|
 |
|
| |
Ciidamada Awdal laga keenay ee
Haatuf sheegay in laga keenay Awdal ma samaday ka
soo degaan.
April,15,2008
Hargeysa(Saylac.com) Jaraaidka Haatuf news ayaa
sheegay in ciidamo tikniko ah oo uu Dahir Rayale ka
keenay Awdal lagu daadiyey xaafadadaha Hargeysa!.
Ciidamadan ayaa ah been abuur aan sal-iyo raadtoona
lahayn oo dadka lagu jahawareerinayo.
Anigu waxaan joogaa xaafadaha uu Haatuf sheegay in
ciidamo Awdal ah la keenay shalay oo dhan ayaan
kolba geed hoosfadhiisanayey bal inaan hal askari ka
arko warkooda waana waxba kama jiraan dhabta ka fog,
dhinaca kale Maamulka shabakada saylac.com ee
fadhigiisu yahay magaalada Seattle Abwaan Maxamuud
Cabdilahi Rooble ayaa si toosa uga waraystey arimo
ku saabsab wararkan ciidamada Awdal ee haatuf
sheegayo Tafatiraha shabakada Haatufnews Mudane
Jamaal Gaboobe oo ay wada degan yihiin Magaalada
Seattle wuxuuna ugu jawaabay ( Walaahi aniga wararka
sidii la iigu soo diro ayuunbaan u galiyaa ee waxba
kalama socdo wixii ka dhab ah iyo wixii been ah).
Hadaba wararka qabiilka ku dhisan ee ay Haatus
iskaga horkeenayso shacabka soomaaliland waxa ka
haboonayd inayna marka horeba qorin , mida labaad
ciidan Awdal fadhiisimo kuleh wali lama sheegin mana
jiraan.
Ciidamda Qaranka ee Soomaaliland maaha ciidamo
beleedyo ka kala jira Gobolada markaa waxaan haatuf
odhan lahaa ciidamada soomaaliland haka dhigina
ciidamo beeleedyo marka danbana aad ku sheegtaan
maleeshiyooyin.
Madaxweynaha Jamuuriyada Somaliland ciidamo ugama
baahna gobolka Awdal ee uu ka soo jeedo waana
madaxweyne qaran ciidanka wadanka ka dhexeeya ayuu
madaxweeyne u yahay dhamaantood gobol walba ha
joogaane.
Cabdiqani X. Baynax
Saylac.com
hargeysa/ Somaliland |
|
|