| Profiles | About Us | Contact Us

» Weather in Somalia
» Aqon-Korodhsi
» Money Converter
NEWS
BBC Somali
» 11:00 GMT
» 14:00 GMT
» 18:00 GMT
» Radio Djibouti

BBC Arabic - Listen

NEWSPAPERS
» AllNewspapers.com

SOMALI LINKS
» Allpuntland.com
» Arlaadi Online
» Awdalnews.com
» Hiiraan Online
» Somaliland Net

EDUCATION
» Amoud University
» Easafrica Universtiy
» Mogadishu University
» University of Hargeisa
» Wakhtiga Salada

SPORTS
» Soccerway

NGOS
» Committee to Aid Somali Education
» ACARO
» Hiiraan Development Agency
» CARE USA
» Human Right Watch
» BOND
» More NGOs

 
Komishanka Doorashooyinka Iyo 3-da Xisbi oo heshiis ka gaadhay wakhti cusub-na U Cayimay Doorashooyinka.
April,10,2008


Hargeysa (Saylac.com) – Komishanka doorashda iyo Axsaabta siyaasada ayaa shalay isla gaadhay wakhti cusub oo loo cayimay wakhtiga diiwaan gelinta codbixiyayaasha iyo sidoo kale doorashooyinka Golayaasha deegaanka iyo Madaxtooyada.

Xubnaha Gudiga doorashada iyo Wakiilo ka kala socday Axsaabta Siyaasada oo xalay shir-jaraa’id wada jir ugu qabtay xarunta Akademiga nabada waxay ku sheegeen in arrintaasi ay ka gaadheen go’aan wada jir ah.

Gudoomiye ku xigeenka Komishanka Doorashooyinka Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Saddexda Xisbi Qaran iyo Komishanku ay yeesheen Shir qaatay muddo ka badan 5 Saacadood oo ay ku lafo gurayeen Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha deegaanka, ay gabagabadii isla qaateen heshiis ay wakhti cusub ugu muddaynayaan Doorashooyinka, waxana hadalkiisii ka mid ahaa oo uu yidhi “Waxaan ugu bishaaraynaynaa Umadda reer Somaliland in komishanka iyo Saddexda Xisbi Qaran ay isla qaateen in Howshii diiwaan galinta Codbixiyayaasha la soo gabo gabeeyo 05 October 2008 isla markaana Maalin ka dib oo ah 06 October 2008 ay dhacaan Doorashooyinka Golayaasha Deegaanku, Halka Doorashada Madaxtooyadana la isku raacay December 31 2008”

Gudoomiyaha Komishanka Maxamed Ismaaciil (Kabo-Wayne) oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in caawa Saddexda Xisbi Qaran iyo Komishanku ay Hotelka Ambassator ee Magaalada Hargeysa ku qaban doonaan xaflad weyn oo arintaasi ku saabsan.

Sidoo kale waxa kulankaasi ka hadlay Gudoomiyihii hore ee Gudiga doorashada Axmed Xaaji Cali (Cadami) ka tirsan Xisbiga Kulmiye, ayaa sheegay inay aad u soo dhawaynayaan heshiiskan. Maxamed Ibraahim Xijaab oo ka socday Xisbiga Udub iyo C/laahi Siciid Dheere oo ka socday Xisbiga Ucid ayaa iyaguna sidoo kale sheegay inay ku faraxsan yihiin heshiiskan.



Cabdiqani Xusein Baynax, Saylacnews. Hargeysa Somaliland
 

- To Submit Information Click here--

 

Home |
Copyright © 2003 Saylac.com