|
|
 |
|
|
27- Mudane oo Mooshin soo
dhigay Golaha Wakiillada (magacaantooda hoos ka
eeg)
April-6-2008
Hargeysa (Saylac.Com)- 27- Xildhibaan ayaa
shirgudoonka Wakiillada u soo gudbiyay mooshin
ay ku dalbanayaan in la mideeyo qaabka
doorashooyinka qaranka, Islamarkaana ay kaga soo
horjeedaan nidaamka xeerka doorashooyinka
Golayaasha deegaanka oo ay tilmaameen inuu u
baahanyahay kaabis iyo wax ka badal iyo in laga
daayo Liiska ee murashaxiinta Golaha deegaanka
toos loo doorto. Gudoomiyaha Golaha Wakiillada
Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi
ayaa Mudanayaasha Golaha ku war-geliyey in uu
jiro mooshin ay soo qoreen Xildhibaano ka tirsan
Golaha Wakiillada. Islamarkaana waxa
faah-faahinta mooshinkan la wareegay Xildhibaan
Cadbiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, oo ka mid
ahaa Mudanayaasha soo gudbiyey“Mooshinkani waxa
uu ka dhashay qabyo aanu dareenay in ay ka jirto
xeerka doorashada Golaha Degaanka. Kolay-ba
doorashooyinku qabyo badan ayay leeyihiin,
qaybahaasina waa mid sharci oo innaga [Golaha
Wakiilada inoo taala in aynu wax la qabano” ayuu
yidhi Cabdiqaadir Jirde Isaga oo hadalkiisa sii
watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Waxaa
kaloo jira qabyo kale oo farsamo ah, oo iyana
Komishanku leeyahay, oo berito (Maanta) la hor
dhigi doono marka ay inoo yimaadaan. …Waxaa jira
qabyo farsamo maamul, oo xaga xukuumada ah, oo
metelan ah: kala xadayntii Gobolada iyo
Degmooyinka, oo ah hadhawto sidii goobaha
codaynta loo qaybin lahaa. Waxa kale oo jirta
qabyo guud, oo xeerarka caalamku ka wada
midaysan yihiin, oo heerar caalamiya ah ayaa
jira.”
Xildhibaan Cabdul-qaadir Jirde waxa uu sheegay
in mooshinkoodu ka dhasahay, sidii dib-u-eegis
loogu samayn lahaa qaabka ay Xisbiyadu u soo
diyaarinayaan liisaska musharixiinta. “Hadaba
qabyadani waxa ay ka timi in xeerka doorashada
Golaha deegaanku uu ku salaysan yahay qaabkii
hore ee ahaa; Axsaabta, Xisbiga gudidihiisu,
sida uu liisku u kala horeeyo, nuxurka mooshinku
horta waa intaa. Inaga is bedelkii lagu sameeyey
xeerkii doorashada Baarlamaanka, waxaa la qaatay
oo ay ahayd, in Xisbiga gudihiisu u kala qaato
sida uu kala cod badan yahay. Markaa labadii
xeer Golaha Deegaanka iyo Barlamaanka ayuunbaa
la midaynayaa, wax kaloo xeerka laga taabanayaa
ma jirto.” Sidaa ayuu yidhi, isaga oo intaa ku
daray. “Markaa waxaanu codsan lahayn inay sidaa
Xildhibaanaduna nala qaataan, si aynu u dhamayno,
oo uu Guurtida u gaadho, si doorashada looga
gaadhsiiyo.”
Shir gudoonka golaha wakiilada, ayaa
mooshinkaasi u gudbiyay qareenada golaha, si ay
uga soo baaraan degaan sida uu u waafaqayo
shuruucda iyo xeer hoosaadka Golaha.
magacyada Mudanayaasha soo jeediyey Mooshinka:-
1-Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalim.
2- Cadbiqaadir Xaaji Ismaaciil Jire.
3- Maxamed Saalax Cige.
4- Maxamuud Axmed Obsiiye.
5- Maxamed Jaamac Cabdi.
6- Maxamed Xuseen Xaaji Ciise.
7- Siciid Cilmi Rooble.
8- Cali Aw Yuusuf Axmed.
9- Maxamed Faarax Qabile.
10- Axmed Maxamed Diiriye [Nacnac].
11- Ibraahim Axmed Haybe.
12- Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale.
13- Saleebaan Cali Koore.
14- Xuseen Maxamed Cige.
15- Ibraahim Maxamed Xuseen [Dhaadheere].
16- Cabdicasiis Ismaaciil Ducaale.
17- Axmed Ducaale Bulaale.
18- Muuse Maxamed Ismaaciil.
19- Mahdi Cabdilaahi Maxamed .
20- Maxamed Cumar Aadan.
21- Axmed Maxamed Nuur.
22- Axmed Baaruud Shire.
23- Cabdiraxmaan Muuse.
24- Khadar Aadan Xuseen [Khadar Ambassador].
25- Maxamed Jaamac Cali.
26- Xaashi Xuseen Caabi.
27- Jaamac Xasan Aadan
By: Cabdiqani xuseen Baynax: Hargeysa.
|
- To Submit Information
Click
here--
|
|